Abdullahi Hassan Abdullahi

Abdullahi Hassan Abdullahi Abdullahi Hassan Abdullahi waa falanqeeye siyaasadeed oo ka faallooda arrimaha Bariga Dhexe.
(1)

Dhul boobka xargaha goostay iyo barakicinta joogtada ah ee lagu hayo bulshada caasimadda waa masiibo halis ah. In saq dh...
08/24/2026

Dhul boobka xargaha goostay iyo barakicinta joogtada ah ee lagu hayo bulshada caasimadda waa masiibo halis ah. In saq dhexe guryohooda lagu kor dumiyo muwaadiniin isugu jira carruur, haween, waayeel iyo qoysas danyar ah waa fal bahalnimo ah oo ka fog damiirka bani’aadannimo iyo dareenka Muslimnimo.

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday waxaan ugu baaqaynaa in uu si degdeg ah u joojiyo dhul boobka, barakicinta shacabka iyo adeegsiga sharcidarrada ah ee ciidamada iyo hay’adihii dowladda oo uu ka dhigay aalad uu ku barakiciyo, marna ku cabburiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee uu dulmiyey.

Ma jiro qiil iyo marmarsiinyo uu Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday uu u heli karo in uu muwaadiniin Soomaaliyeed habeen madow guryahooda xoog uga saaro, hantidoodana uu hortooda ku burburiyo, isaga oo ciidamadii qaranka u adeegsanaya.

Ugu dambayn, waxaan garab taagannahay qoysaska guryahooda laga dumiyey, kuwa la barakiciyey iyo dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan caasimadda Muqdisho ee la dulmiyey, kuwaas oo u taagan difaaca xaqooda iyo karaamadooda.

DHAMMAAD

Address

Ottawa
Ottawa, ON

Telephone

+447932398442

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdullahi Hassan Abdullahi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Abdullahi Hassan Abdullahi:

Shortcuts

Share