05/05/2026
Sheikh Abdirizaq jiir oo kamid ah Culumadda Soomaaliyeed qasatan kuwa kashaqeeya Arimaha Bulshada sida waxbarashada ayaa weerar Afka ah ku Qaaday Trackleyda Soomaaliyeed ee ku nool wadamadda waqooyiga Ameerika sida Maraykanka iyo Canada.
Trackleyda ayuu shiikhu ku eedeyey inay ku dheelan Gabdhaha Soomaaliyeed ee kunool Bariga Afrika sida Soomaaliya iyo Kenya iyaga oo markay guursadan deetana tagan aaysan dib ugu soo laaban asaga oo Dusha uga Tuuray wax waliba oo Xumaan ah sida Daroogada iyo Cabida Qamriga wuxuna sheegay inay waalidiintu ka ilalsadan Gabdhahooda Ragaas iyaga ah.
Macalin oo ah Sargaal sare oo kamid ah Trackleyda Soomaaliyeed ee kunool waqooyiga Ameeraka oo ka jawaabaya hadalkaan kasoo yeeray ninkaan shiikha ah ayaa Cadeeyey inaysan wax Sal iyo Raad toona lahayn hadalka eeda ah ee uu Trackleyda u jeediyey wuxuna sheegay Gabi ahaanna inay Trackleyda mamnuuc katahay isticmalka wax yabaha manka dooriya.
Sargaal kale oo lagu magacaabo kana mid ah Trackleyda Somalida kunool Canada ayaa Asaguna Qaab Caroleh uga jawaabay ayaa sheegay waligiigaba inuusan guursan asaga oo Shiikha ku Tilmaamay waxa uu ugu yeeray Shuubo oo ah Eray halhay uu u ah kaas oo u adeegsado Social media_ha.
Cabdullahi oo asaguna warbaahintu wax ka waydiisay Eeda loo jeediyey ayaa waxba kamajiraan ku tilmaamay Eeda wadadka " wuxuu yiraahday waa Eed aan Sal iyo Raad toona lahayn ayuu tiraahday asaga oo intaas ku daray inay tahay hadal aan laga fiirsan eeda shiikhu".
Culumada Soomaaliyeed ayaa intabadan mararka aay jeedinayan hadalada waxa aay ku hadlaan hadalo gaf ku ah Bulshada Qaar iyada oo lagu Tilmaamo Ereyada Culumadas Seef laboodnimo Qaar ayaa mar danbe sheega in Muuqaladooda loo adeegsaday Qaab Qaldan iyo jarjaris lagu sameeyo.