Hayaan Somali TV

Hayaan Somali TV waad ku mahadsan tahay Booqashadada

Dowladda Soomaaliya oo Warsaxaafadeed deg deg ah kasoo saartay Haweeney ka mid ahayd Dadka Danyarta ah ee ku nool magaal...
15/08/2026

Dowladda Soomaaliya oo Warsaxaafadeed deg deg ah kasoo saartay Haweeney ka mid ahayd Dadka Danyarta ah ee ku nool magaalada Hargeysa oo la sheegay inay is dishay ka mid markii ay weysay Daryeel Caafimaad.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Qoyska XFS ayaa lagu yiri"Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si aad ah uga tiiraanyeysan tahay dhacdada foosha xun ee ka dhacday Isbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa taasi oo ay nafteeda ku weysay Hooyo Danyar ah oo lagu magacaabi jiray Nimco Jaamac Yuusuf.

Waxaa arin aad looga murugoodo islamarkaana laga tiiraanyoodo ah daruufta hooyadaas Soomaaliyeed ku kaliftay iney nafteeda goyso (Nafteeda haligto) weliba ayada oo umul ah mudo Todobaad ah taasi oo ay dadka deegaanku sheegeen in dhaqaallaha lagu xiray adeegga caafimaadka iyo daryeelka oo yaraa aawgiis ay ku kaliftay iney nafteeda haligto.

“Waxaan si aad ah ugu boorineynaa guud ahaan Soomaalida meel walba oo ay joogaan ineynaan ogolaan sii socoshada xaaladaha noocaan ah ee aan ku weyneyno hooyo, taasi oo ah wax aad iyo aad uga fog bani’aadannimada” ayey si kulul u tiri Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuququuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi.

Dhacdadan foosha xun ee naga soo gaartay magaalada Hargeysa waa dhacdo aad u naxdin badan oo qof walba oo damiir leh si toos ah u taabaneysa damiirkiisa, waxaanna Alle subxaanahu watacaalaa u weydiineynaa in uu naxariistiisa jano siiyo marxuumadda.

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN

Sheikh Abdirizaq jiir oo kamid ah Culumadda Soomaaliyeed qasatan kuwa kashaqeeya Arimaha Bulshada sida waxbarashada ayaa...
05/05/2026

Sheikh Abdirizaq jiir oo kamid ah Culumadda Soomaaliyeed qasatan kuwa kashaqeeya Arimaha Bulshada sida waxbarashada ayaa weerar Afka ah ku Qaaday Trackleyda Soomaaliyeed ee ku nool wadamadda waqooyiga Ameerika sida Maraykanka iyo Canada.

Trackleyda ayuu shiikhu ku eedeyey inay ku dheelan Gabdhaha Soomaaliyeed ee kunool Bariga Afrika sida Soomaaliya iyo Kenya iyaga oo markay guursadan deetana tagan aaysan dib ugu soo laaban asaga oo Dusha uga Tuuray wax waliba oo Xumaan ah sida Daroogada iyo Cabida Qamriga wuxuna sheegay inay waalidiintu ka ilalsadan Gabdhahooda Ragaas iyaga ah.

Macalin oo ah Sargaal sare oo kamid ah Trackleyda Soomaaliyeed ee kunool waqooyiga Ameeraka oo ka jawaabaya hadalkaan kasoo yeeray ninkaan shiikha ah ayaa Cadeeyey inaysan wax Sal iyo Raad toona lahayn hadalka eeda ah ee uu Trackleyda u jeediyey wuxuna sheegay Gabi ahaanna inay Trackleyda mamnuuc katahay isticmalka wax yabaha manka dooriya.

Sargaal kale oo lagu magacaabo kana mid ah Trackleyda Somalida kunool Canada ayaa Asaguna Qaab Caroleh uga jawaabay ayaa sheegay waligiigaba inuusan guursan asaga oo Shiikha ku Tilmaamay waxa uu ugu yeeray Shuubo oo ah Eray halhay uu u ah kaas oo u adeegsado Social media_ha.

Cabdullahi oo asaguna warbaahintu wax ka waydiisay Eeda loo jeediyey ayaa waxba kamajiraan ku tilmaamay Eeda wadadka " wuxuu yiraahday waa Eed aan Sal iyo Raad toona lahayn ayuu tiraahday asaga oo intaas ku daray inay tahay hadal aan laga fiirsan eeda shiikhu".

Culumada Soomaaliyeed ayaa intabadan mararka aay jeedinayan hadalada waxa aay ku hadlaan hadalo gaf ku ah Bulshada Qaar iyada oo lagu Tilmaamo Ereyada Culumadas Seef laboodnimo Qaar ayaa mar danbe sheega in Muuqaladooda loo adeegsaday Qaab Qaldan iyo jarjaris lagu sameeyo.

Adresse

Weston
Munich

Benachrichtigungen

Lassen Sie sich von uns eine E-Mail senden und seien Sie der erste der Neuigkeiten und Aktionen von Hayaan Somali TV erfährt. Ihre E-Mail-Adresse wird nicht für andere Zwecke verwendet und Sie können sich jederzeit abmelden.

Service Kontaktieren

Nachricht an Hayaan Somali TV senden:

Verknüpfungen

Teilen