27/07/2026
WAR CULUS: Caawa Maqribkii ayaa diyaaradaha dagaalka waxay duqaymo culus ka fuliyeen gudaha degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo bartilmaameedyada ugu waaweyn ay ka mid ahaayeen gurigii caan ka ahaa ee Villa Aadan Yabaal iyo goobo kale oo magaalada ku yaalla.
Sida ay sheegeen ilo wareedyo deegaanka ah, goobaha la beegsaday waxaa xilligaasi ku sugnaa xubno ka tirsan ururka AS, waxaana la maqlayay jugo waaweyn oo gilgilay qaybo badan oo magaalada ah.
Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in duqayntu ay si gaar ah ugu dhacday xarumo iyo dhismayaal lagu tuhunsanaa inay kooxdaasi u adeegsanaysay kulammo iyo abaabul ciidan, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha ka dhashay.
Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale sheegay in duqaymaha ay is xigxigeen islamarkaana ay saameeyeen meelo kala duwan oo magaalada ka tirsan, iyadoo xaaladda amni ay weli tahay mid kacsan.
Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya ama taliska ciidamada oo faahfaahin ka bixinaya howlgalka, sidoo kalena kooxda AS k**a aysan hadlin duqaymaha caawa ka dhacay Aadan Yabaal.