Mohamud Shibile

Mohamud Shibile ربيِ وإن نَامتْ اجزَائيِ تحَت الترَاب، وكُنت نسياً مَنسيَا، هِبّ ليِ مَنْ يدعُو ليِ دَائماً دون مَلل.

Maalin maalmaha kamid ah ayuu Nebi Muxammad (NNKH)  istoobay, dhiig yar oo ka baxay ayuu arkay.Markaasuu Rasuulku ku yir...
16/10/2025

Maalin maalmaha kamid ah ayuu Nebi Muxammad (NNKH) istoobay, dhiig yar oo ka baxay ayuu arkay.
Markaasuu Rasuulku ku yiri Cabdullaahi binu Zubayr Alle ha ka raalli noqdee:

“Qaad oo kusoo qari meel aan cidi arkayn.”

Cabdullaahi markuu tegey meel cidlo ah, meel aan indho dad gaarin, ayuu dhiiggii suubanaha cabay.
Markuu soo laabtay, ayuu Nabigu (NNKH) weydiiyey:

“Xaggee ayaad ku qarisay dhiiggii?”

Wuxuu ugu jawaabay:

“waxan kusoo qariyey Meel wax qarisa meesha wax ugu qarsooni fiican (gudaha jirkayga).”

Markaasuu Nabigu (NNKH) yiri:

“Cidda aad dagaal ku qaaddo way khasaaraysaa, cidda dagaal kugu soo qaaddana way khasaaraysaa.”

💞 Jacaylka uu u qabay Rasuulka (NNKH) ayaa ku dhiirrigeliyay inuu cabbo dhiiggii barakaysnaa jacayl aan la cabbiri karin, jacayl ka yimid qalbi mu’min ah.

🌙 Caawa waa habeen Jimce ah.
Aan badinno saliga Nebiga (NNKH) kan ugu naxariista badan ummaddiisa, iftiinka qalbiyadeenna.
اللهم صل وسلم على نبينا محمد 🤍

“Maalin kasta mucjisooyin way dhacaan, laakiin tan Halima Cissé waa mid dunida ka yaabisay...😳” see moreSanadkii 2021, d...
11/10/2025

“Maalin kasta mucjisooyin way dhacaan, laakiin tan Halima Cissé waa mid dunida ka yaabisay...😳”
see more

Sanadkii 2021, dunidu waxay marag ka noqotay dhacdo caafimaad iyo bani’aadamnimo oo mucjiso u eg mid taabatay qalbiyada dadka, ka yaabisay maskaxdii dhaqaatiirta caalamka.

Haweeney 25 jir ah oo la yiraahdo Halima Cissé, una dhalatay dalka Mali, ayaa nolosheeda iyo tan qoyskeeda lagu xusay dhacdo aan caadi ahayn, taasoo magaceeda ku qortay taariikhda caafimaadka adduunka.

Halima iyo ninkeeda waxay ku noolaayeen nolol deggan oo fudud, ilaa ay maalin arkeen caloosheeda oo si aan caadi ahayn u sii weynaanaysa. Markii h**e, dhaqaatiirta Mali waxay u maleeyeen inay sido toddobo ama siddeed mataano, balse markii baaritaanno qoto dheer la sameeyay, waxaa caddaatay in xaaladdu ay ka weyn tahay intii la filayay.

Dowladda Mali waxay go’aansatay in si degdeg ah loogu wareejiyo Morocco, si ay u hesho daryeel caafimaad oo horumarsan, maadaama xaaladdu ay khatar gelin karto nolosha hooyada iyo tan uurjiifkeedaba.

Bishii May 2021, isbitaal gaar ah oo ku yaalla magaalada Casablanca, ayaa Halima lagu sameeyay qalliin cesarean, iyadoo uurkeedu ahaa 30 toddobaad waqti laba bilood iyo badh ka horreeya dhalashada dabiiciga ah.

Intii uu qalliinku socday, dhakhaatiirta iyo howleadeenada isbitaalka waxaa soo foodsaaray walbahaar, cabsi, iyo rajo isku dhex jirta.
Dhakhtarkii koowaad ayaa soo saaray ilma yar oo codkiisu daciif yahay... kaddibna kii labaad, kii saddexaad... ilaa ilmihii sagaalaad!

Sagaal ilmo oo nool shan gabdhood iyo afar wiil ayaa hal mar dunida ku soo biiray.
Dhaqaatiirta iyo kalkaaliyayaasha goobta joogay waxay la dhaceen amakaag iyo farxad, maadaama aysan taariikhda casriga ahi h**e u diiwaangelin dhacdo sidan oo kale ah.

Halima aad bay u daashay, balse indhaheedu waxay ka buuxeen ilmada farxadda iyo rayranta, iyo sida Eebe u imtixaankan cajiibka ah ula kulansiiyey.
Iyadoo gacmaha dhakhaatiirta ku tiirsan, waxay dareentay isku dhafka rajo iyo cabsi riyooyinkeedii hooyonimo ee ay muddo ku riyoon jirtay ayaa isu beddelay xaqiiqo dhab ah.

Dhammaan sagaalka ilmood iyo hooyadoodba waxaa lagu hayay daryeel caafimaad oo aad u taxadar leh muddo 19 bilood, iyagoo ku sugnaa Morocco.
Sababtu waxay ahayd in ilma kastaa uu dhashay isagoo aan waqtigiisii gaarin (dhicis), taasoo keentay in ay u baahdaan qalab neefsasho iyo nafaqo gaar ah, si ay u koraan ugana soo kabtaan.

Ugu dambayn, ka dib muddo dheer oo cabsi, rajo, iyo ducaba isugu jirta, qoyska Halima ayaa dib ugu laabtay dalkoodii Mali, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay warbaahinta iyo dadka caalamkaba ay ku farxeen.
Qisadan cajiibka ahi waxay astaan u tahay adkaysiga hooyonimo, naxariista shaqaalaha caafimaadka, iyo awoodda Eebe ee wax walba sameeya.

Waxay inoo xasuusineysaa in mararka qaarkood noloshu ay soo bandhigto waxyaabo ka weyn fahamkeenna, balse qalbigeenna ku abuura iimaan iyo niyad sami.

“إِنَّ اللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ”. 🌸

Ilaahay Markuu Wax Ku Qoro, Qofna KaamaHor istaagi Karo✈️🕋Nin dhalinyaro ah oo Libya u dhashay oo la yiraahdo Aamir ayaa...
27/05/2025

Ilaahay Markuu Wax Ku Qoro, Qofna KaamaHor istaagi Karo
✈️🕋

Nin dhalinyaro ah oo Libya u dhashay oo la yiraahdo Aamir ayaa u safrayay Xajka. Intii uu ku guda jirey nidaamka baaritaanada garoonka, wuxuu la kulmay caqabad la xiriirtay magaciisa. Ciidanka ammaanka ayaa ku yiri: “Waan isku dayi doonaa inaan xallino arrintaada, ee fadlan wax yar naga war sug.”

Xujeydii kale way dhamaysteen howlahoodii, diyaaraddiina way fuuleen, albaabkiina waa la xiray. Daqiiqado kaddib, arintii Aamir waa la xaliyay, laakiin duuliyihii diyaaradda wuu diiday inuu mar kale albaabka furo diyaaraddiina way duushay.

Ciidankii garoonka waxay isku dayeen inay Aamir qalbiga u qaboojiyaan iyagoo leh: “Wax walba qorsha Rabbi bay ku dhacaan, laga yaabaa inay jiraan wax innaga qarsoon.”
Laakiin Aamir wuu diiday inuu baxo, wuxuuna si kalsooni leh u yiri:
“Anigu Xaj ayaan u soo tabaabushaytay, haddii Alle ii idmona waan aadayaa.”

Si lama filaan ah, fariin baa soo dhacday: diyaaraddii cilad baa ku timi, wayna soo laabatay, isla markiiba Ciladdii waa la xalliyey, markii laga codsaday duuliyihii inuu Albaabka furo si’ uu Aamir usii qaado wuu diiday. Sarkaal ayaa Aamir ku yiri: “Ma kuu qorneyn safarkan.”
Aamir wuxuu ugu jawaabay:
“Anigu Xaj ayaan u soo tabaabushaytay, haddii Alle ii dimona waan aadayaa.”

Markale diyaaraddii way dhaqaaqday balse mar labaad cilad baa ku timi, waxayna kusoo laabatay garoonka. Wakhtigaas, duuliyihii wuxuu fahmay in arrintani mucjiso thy, wuxuuna yiri:
“Aamir la’aantiis ma duulayo”
Sawir xusuus ah buu Aamir la galay, dhammaan xujeydii way wada duuleen, si nabad ah ayena Xajkii ku gaareen.

Markii Aamir la waydiiyey: waa maxay sirta adi iyo Rabbi idinka dhexaysa? Wuxuu yiri: keliya waxaan aaminay inaan Xajka aado.

Marka Alle talo saaro, wax walba oo Alle kuu qoray waad heli sabab walboo dhacda…
Cajiib

Ka dib 50 sano oo dulmi ah oo ay ku hoos jirtey xukunkii Baath iyo 13 sano oo xukun keligiis talis ah ugu dambayn suuriy...
08/12/2024

Ka dib 50 sano oo dulmi ah oo ay ku hoos jirtey xukunkii Baath iyo 13 sano oo xukun keligiis talis ah ugu dambayn suuriya waa cusub ayaa u beryey.

Halganku wuxuu ka bilowday caruur derbi ku qortay: "Waqtigaagu wuu imaan Ditoore" oo ay ula jeedaan Bashaar Al asad maadaamuu Ditoor ahaa, mantana wadankii wuu isaga carary, farxad iyo damaashaad ayaa gudaha iyo caalamkaba ka socda, cibro iyo duruuus badan baa ku duugan dib u xiraynta suuriya.

Shaam way soo laabatay 🇸🇾❤.

16/05/2024

Halkani waa miyiga Xeraale , madal lagu xusayo qowlka eebe.
Cajiib.

مشهد جميل في ريف الصومال .

11/05/2024

Masha Allah.
Tokyo Japan , waxay salaadda Jimce muslimiinta u ogolaadeen inay adeegsadaan cod-baahiyaha, korna u qaadan salaadaha .
Islaamka ayaa noqoday diinta ugu faafidda badan dalka Japan.

06/05/2024

Markii aad Ahlul Qur'an tahay Ahmed Ribxi Yasin oo kale ayaad noqon, waa xaafidul Qur'an Falastiini ah,
arinta cajiibka uu sameey waa markii qolka qallinka laga soo saaray wuxuu bilaaby inuu cod macaan ku akhrinayo Qur'anka kariimka , aadaamo teedna aqiimo, Masha Allah.
أحمد ربحي ياسين .

Dolph Volker sawir-qaade inta badan waqtigiisa ku bixiya xayawaanaadka duur-joogta.Goobtu waa koonfur Afrika, Dolph isag...
03/05/2024

Dolph Volker sawir-qaade inta badan waqtigiisa ku bixiya xayawaanaadka duur-joogta.
Goobtu waa koonfur Afrika, Dolph isagoo shaqadiisa maalinlaha ku jira daal iyo tacab badan ka dib wuxuu u nasasha doontay geed hoostiis, daqiiqado ka dib waxuu ku toosay gujin uu u maleeyey tii soo gaba gabayn lahayn noloshiisa , balse waa Haramcad isaguna soo nasasha doontay, Dolph markuu xaqiiqsaday inay taabashadani tahay mid nabdoon ayuu shaqadiisii sawairqaadista bilaabay, sawirkan hoos idiinka muuqda ayuuna qaaday.
Bal qiyaas booskaasa ruux soomali ah hadduu ku jiri lahaa!, dhaqaalaynta iyo in laga faaidaysto xayawaanaadka waa arin soomaalida looga h**eeyo.
Cajiib.

Reer Milxo gurmad iyo hiil walaal bay innooga baahanyihin, runtii warbaahintu way ka gaabisay tebinta wixii ka dhacay mi...
16/09/2023

Reer Milxo gurmad iyo hiil walaal bay innooga baahanyihin, runtii warbaahintu way ka gaabisay tebinta wixii ka dhacay milxo.

Rabbi ha samatabixiyo walaalaheen.😢

Hambalyo Macalima, Dr Zahra Mohammed  iyo saygeed Abdullahi oo meherkooda ka dhacay magaalada Muqdisho.Dr Zahra waa gaba...
18/07/2023

Hambalyo Macalima, Dr Zahra Mohammed iyo saygeed Abdullahi oo meherkooda ka dhacay magaalada Muqdisho.

Dr Zahra waa gabadh dad badan taladeeda iyo jihaynteeda ku meel mareen.

Guur iyo guri barakysan dr.

Adresse

Berlin

Telefon

+905359339579

Webseite

Benachrichtigungen

Lassen Sie sich von uns eine E-Mail senden und seien Sie der erste der Neuigkeiten und Aktionen von Mohamud Shibile erfährt. Ihre E-Mail-Adresse wird nicht für andere Zwecke verwendet und Sie können sich jederzeit abmelden.

Service Kontaktieren

Nachricht an Mohamud Shibile senden:

Teilen