somaliween.tv

somaliween.tv Somaliwey.tv is an independent media platform covering important events in Somalia. fadein began cid gear ah lidi puma than

31/05/2026

AALKA GALMUDUG WAA SIDEE?

31/05/2026

Allaha u naxariistee Sooraan Maxamed, wuxuu h**e u sii sheegay xaaladaha iyo caqabadaha maanta ka taagan Somaliland, isagoo hadalladiisii iyo aragtidiisii ka tegay xusuus iyo casharro ay dad badan maanta dib u milicsanayaan.”

30/05/2026

Siyaasada warersan ka naso cawe

29/05/2026

Mahad iyo Xasan waxaa u Shidan heestii ahayd ‘waa la kala shakiyay’, waxaana halkaas ku burburtay kalsooni muddo dheer ka dhexaysay labada dhinac, taasoo saldhig u ahayd wada-socodkoodii iyo xiriirkoodii soo jireenka a

Cali Faarax iyo Qoorqoor Loollankii shalay, xiisadda maantaSanadihii 2019 iyo 2021, Cali Faarax iyo Qoorqoor ayaa isku w...
28/05/2026

Cali Faarax iyo Qoorqoor Loollankii shalay, xiisadda maanta

Sanadihii 2019 iyo 2021, Cali Faarax iyo Qoorqoor ayaa isku wajahay furimaha dagaalka ee Dhuusamareeb iyo Guriceel, xilli Galmudug ay ahayd goob ay ku loollamayeen siyaasadda iyo awoodda militariga. Labadaas marba, Madaxweyne Qoorqoor wuxuu watay ciidamadii dowladda Federaalka Soomaaliya,

Maanta se xaaladdu si weyn ayay isu beddeshay. Cali Faarax ayaa maanta wata ciidamo dowladeed oo muujineysa sida ay isu rogeen awooddii iyo safafkii siyaasadeed ee h**e.

Xaaladda Galmudug waxay hadda mareysaa heerkii ugu sarreeyay ee hub aruursi, abaabul ciidan iyo is diyaarin xooggan, iyadoo dhinac walba uu sameysanayo qorshe iyo diyaar garow ku saabsan sidii uu isaga difaaci lahaa ama uga hortagi lahaa dhaq-dhaqaaqyada dhinaca kale.

Dhuusamareeb iyo guud ahaan deegaannada Galmudug waxaa laga dareemayaa jawi kacsan, dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo cabsi siyaasadeed oo sii kordheysa, halka shacabka ay si dhow ula socdaan halka ay xaaladdu ku dambeyn doonto.

⚡️ Galmudug maanta waxay taagan tahay meel xasaasi ah oo ay isku dhex milmeen siyaasadda, awoodda ciidanka iyo loollan mar kale dib usoo noolaanaya.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in ciidamo si aad ah u gaashaaman oo uu hoggaaminayo Cali ...
28/05/2026

Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in ciidamo si aad ah u gaashaaman oo uu hoggaaminayo Cali Faarax Maxamed Bilaal ay la wareegeen ammaanka magaalada. Ciidamadan ayaa la tilmaamayaa inay kasoo ruqaansadeen degmada Xarardheere, iyagoo dhaq-dhaqaaqooda si weyn looga dareemayo deegaannada Galmudug.

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in amarka keenista ciidankan uu bixiyay Madaxweynaha Soomaaliya, Hassan Sheikh Mohamud, inkastoo aysan jirin wali war rasmi ah oo dowladda Federaalka ay arrintan kasoo saartay.

Dhanka kale, ilo kala duwan ayaa sheegaya in ujeedka dhaq-dhaqaaqan uu yahay cadaadis siyaasadeed iyo qorshe lagu wiiqayo awoodda Madaxweynaha Galmudug, Ahmed Abdi Karie. Xaaladda Dhuusamareeb ayaa weli kacsan, waxaana si dhow loola soconayaa sida ay wax u socdaan saacadaha soo socda.

27/05/2026

Qoorqoor oo askar iyo gaadiid ciidan lasoo baxay

🌙✨ SomaliWeen.TV waxay dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo shacabka Muslimiinta ah meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyeyn...
26/05/2026

🌙✨ SomaliWeen.TV waxay dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo shacabka Muslimiinta ah meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyeynaysaa munaasabadda barakeysan ee Ciidda.

🎉 Ciid Wanaagsan oo Barakaysan!
Allah ha inaga aqbalo acmaashii wanaagsaneyd, hana inagu gaarsiiyo farxad, nabad iyo barwaaqo.

🤲 Waxaan alle uga baryeynaa shacabka Soomaaliyeed midnimo, nabad iyo horumar waara.

Eid Mubarak 🌙
— SomaliWeen.

26/05/2026

Waxuu doonayo bal adiguba garo, maamul kasta Ayoow ka biyo Diida qorshihiisa

25/05/2026

Xifaaltanka warbaahineed ee u dhexeeya Mahad Salaad, Libaan Shuluq iyo Madaxweyne Qoor Qoor ayaa cirka isku shareeray, iyadoo la filayo xayaysiisyo iyo ol’ole siyaasadeed oo si weyn usoo so

Adresse

Berlin
NEIN

Benachrichtigungen

Lassen Sie sich von uns eine E-Mail senden und seien Sie der erste der Neuigkeiten und Aktionen von somaliween.tv erfährt. Ihre E-Mail-Adresse wird nicht für andere Zwecke verwendet und Sie können sich jederzeit abmelden.

Service Kontaktieren

Nachricht an somaliween.tv senden:

Teilen