07/06/2026
dhaqamada nunaca ad ayey inogu baten runtii gabdhaha yaryar ee wadoyinka wada yacaya waxadba moda in la jogo las vegas
Jigjiga Maxaa Ku Cusub?
Xalay waxaan is maqalnay Mulkiile Huteel, Darawal iyo dad goob joog u ahaa dhacdo yaable oo ku qabsatay Jigjiga. Waana markii saddexad ee todobaadkan aan qiso noocasa la kulmo.
Intii Deeganku fur-furmay waxaa batay Soomalida ka imanaya dalalka deriska ah oo ilaa 3 jiho ka soo gala. Kooridherka markii la hirgaliyay dadka Jigjiga soo booqnaya ayaa kordhay.
Dhibku wuxu ka jiraa Dumar da'yar ah oo aan waalid iyo oday qaba midna wehelin ayaa Huteelo kireysta. Berigii h**e Huteeladu gabadh da'yar oo aan cidi la socon ma aqbali jirin, warqad mehera iyadoo lagu xidhaan xasuustaa. Hada se todobaado ayay iska deganaan karaa. Dadkoodii laftooda waxay u badan tahay in aysan ka warhayn. Waxaa arrintas ka dhasha in dhalinyaro kala duwan isutagaan, in xashiishado iyo balwado badan shaarica la keenno.
Gabadh ayaa Taksiile qabsan, lacag iga sii dir qofban soo qaadayna ayaa la dhihi. Hadhaw waa la dhuuman, ama waxaa lagu dooddi in aan is arragno- ayuu lacagta u bixiyay. Saq-dhexe dhalinyaro soo dibad-baxda.
Waxaa jira dhacdoyin aan halkan lagaga hadli karin oo ceeb ah. Hadii ay sii socdaana dadku wuu fasahaadi.
Waxaan soo jeedin lahaa:
- In dadka Caafimadka iyo booqashoyinka ehelada u yimaad mooye, in si gaar ah loolla socdo Duamrka aan waalidkood ama Saygooda la socon.
- In dhalinyaradu arrimahan ka taxadarto oo ay ka fogaadan meelaha ficilada noocasa lagu fuliyana laga fogaado, dadkana looga digo.
- in Golaha arrimaha Islaamka, Masjid Aclaha iyo Culimadu ay arrimahan ka hadlaan. Huteelada iyo goobaha arrimahan ku caanka ahna loo digo.
- In Huteelada laftoodu ay joojiyan Dumarka da'yarta ah ee kaligood qolalka degaya.