24/04/2026
"Waxaan ahay nin dhalinyaro ah, waxaan lahaa riyooyin badan oo mustaqbal ah sanadkii 2022, waxaan dhisanayay nolol cusub oo aan la wadaagay qof aan si qoto dheer u jeclaa. Waxaan rajaynaynay mustaqbal ifaya, qoys faraxsan, iyo riyooyin rumooba
Muddo kadib Alle (SWT) wuxuu nagu arsaaqay farxad weyn — curadkeena koowaad, gabar yar oo qurux badan, maalin taas ka farxad badan ma jirin nolosheena, waxaan noqonnay Aabe iyo Hooyo, riyadeenii ugu weynaydna way rumoowday, laakiin noloshu mar walba ma aha sidii aan filaynay farxaddii waxay isu bedeshay imtixaan culus
Gabadhayadii yarayd Alle ma uusan siin caafimaad dhamaystiran, waxaan isku aragnay xaalad adag — mar waxaan ahayn waalidiin faraxsan, marna qalbiyadeenu waxay la ildaran yihiin murugo iyo welwel joogto ah, ilaa maanta, iyadoo jirta saddex sano, wali ma socon karto, mana hadli karto, weli ma aanan maqal erayada aan sida weyn u sugeynay: “Aabe” iyo “Hooyo".
Si kastaba ha ahaatee, waxaan ku samirnay qadarta Alle. Waxaan nahay waalidiin rajo leh, qalbiyadeena waxaa ku jira rajada ah in maalin uun ay nagu yeeri doonto magacyadaas aan u oomannahay
Maanta, gabadhayadii waxay ku jirtaa isbitaalka. Waa maalin jumce ah ee Waxaan idinka codsaneynaa umadda Muslimiinta ah meel kasta oo ay joogtaan inaad iigu soo ducaysaan in ale swt noo caafiyo
Waxaa qorey: Ducaale Cabdulaahi, oo kamida dhalinyarada degmada Gallaadi