26/06/2026
Sheekaba sheekay keentaaye,
waagay taleefannada gacanta soo baxeen, ayaa galab galbaha ka mid ah aniga iyo inan aanu walaalo ahayn oo imika Facebook-ga gasha Zarays Hasan waxaanu aragnay askari Ethiopia military ah oo mobile jeebka ugu jiro heesna uga baxayso.
Waanu is tusnay, cabbaar ayaanu yaabbanayn waxa jeebka la gashan karo ee ay heestu ka baxayso.
Waxaanu is nidhi heedhe, waxani raadiyo maaha, oo raadiyaha jeebka lama gashan karo. Ku darso waagaas xitaa raadiyaha yaryari weli si weyn uma faafin.
Mida kale, raadiyaha si aad u dhagaysato waa inaad meel fiican dhigto oo aanu dhaqdhaqaaq lahayn; haddii kale tashuush baa codka galaya.
Laakiin kan jeebka lagu ritay, qofkiina wuu socdaa oo is luxayaa, haddana codkii ma xumaanayo. Taasi waxay noo ahayd arrin aad noo yaabisay.
Waagaas heesaha waxaa laga dhegaysan jiray VOA-da habeenkii cawayska. Cajaladuhuna way yaraayeen, qofkii cajalad heli karana raadiyaha weyn ee anteenada dheer leh ayuu ku dhegaysan jiray. Anaguna habeenkii Washington-ka ayaan idaacadaha ka dhegaysan jirnay heesaha.
Anagoo tacajabsan oo yaabban baanu xaafaddii ku soo laabanay.
Mida kale, mar walba waxaan is odhan jiray idaacadaha Soomaalidu sida BBC-da iyo VOA-du wax badan ayay dadka bari kareen.
Annagu xilligaas waligay maan maqal wax mobile la yidhaahdo. Waxaan is lahaa haddii dadka loo sheegi lahaa waxyaabaha cusub ee dunida ka soo baxaya iyo tiknoolajiyada casriga ah, dad badan ayaa h**e u fahmi lahaa waxa dunidu marayso.
Hadal yaanan kugu daaline, maalmo yar ka dib ayaa mobiladii magaalada soo wada galeen. Markaas ayaa nalagu yidhi: "Waxani waa taleefan."
Waanu sii yaabnay.
Waayo annagu taleefanka aan naqaanay wuxuu ahaa line-line-ka. Waxaan ogaa in fiiladu codka qaaddo, taasna maskaxdaydu way aqbashay. Laakiin qalab yar oo gacanta lagu qaato oo qof meel kale jooga lagula hadlayo, arrintaasi markaas aad bay iigu adkayd inaan rumaysto.
Waxaan is odhan jiray sidee bay suurtagal u tahay in qof aan indhaha lagu hayn, aan fiilo isku xidhin, haddana codkiisa la maqlayo? Waxay ila ahayd wax ka mid ah mucjisooyinka ama sheekooyinka aan caadiga ahayn.
Runtii wakhti cajiib ah bay noo ahayd. Carruur iyo waayeelba qof walba wuxuu eegayay mobilka isagoo yaabban.
Maanta se waa qalab caadi inoogu ah oo xitaa ilmo yar isticmaalo, laakiin qofkii soo joogay maalintii ugu horraysay ee uu arkay, weligiis ma illaawo yaabkii iyo amakaagii uu dareemay. 😄
Adinkana maxay ahayd tiknoolajiyaddii ama qalabkii ugu horreeyey ee aad aragteen oo aad la yaabteen?