13/09/2026
Waxaan Kasoo Xiganay Bogga Hospital ka Ismaamulka Magaalada Dollow Addo Gobolka Liibaan Dds👇👇👇✍️✍️
Alxamdulillaah!
Dadaal dheer oo qaatay saddex saacadood kadib, maanta Isbitaalka waxaa si guul leh looga soo saaray gabar yar oo laba sano jir ah oo laqday baytari (button battery) , kaas oo ku xannibmay hunguriga.
Kiiskan waxaa caadi ahaan lagu maareeyaa qalabka Endoscopy-ga.
Inkastoo uusan isbitaalku haysan qalabkaas, haddana dadaalka, isku-duubnida iyo xirfadda sare ee ay muujiyeen shaqaalaha Qeybta Qalliinka ayaa suurageliyey in baytariga si nabad ah looga soo saaro gabadha yar, Alxamdulillaah.
Waxaan si gaar ah ugu mahadcelineynaa dhammaan shaqaalaha Qolka Qalliinka (Operation Theater) dadaalkooda, feejignaantooda iyo wada-shaqeyntooda wanaagsan.
Sidoo kale, waxaan Waaxda Raajada (Radiology Department) uga mahadcelineynaa kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadatay ogaanshaha halka uu baytarigu ku xannibmay iyo maareynta kiiskan.
Fariin ku socota waalidiinta:
Baytariyada yaryar, lacagta birta ah iyo walxaha kale ee ay carruurtu si fudud u liqi karaan waa in lagu kaydiyaa meel ammaan ah oo aysan carruurtu gaari karin.
Haddii ilmuhu liqo baytari, lacag bir ah ama walax kale, ha sugin inta ay calaamaduhu kasoo baxayaan; si degdeg ah u geeya xarunta caafimaadka ama isbitaalka idiinku dhow.
Mahadsanidiin !!❤️