Uurmadag Media

Uurmadag Media Informations de contact, plan et itinéraire, formulaire de contact, heures d'ouverture, services, évaluations, photos, vidéos et annonces de Uurmadag Media, Agence de médias sociaux, Paris.

08/09/2026

Odayaashii mareexaan Ee dagamada galaadi oo ka hadlay lahaashiyaha degmada galaadi iyo in aysan cid gaara shegin kari lawada leyahay👇

03/09/2026

📢 OGEYSIIS

Waxaa si rasmi ah u bilowday diiwaangelinta ardayda Dugsiga Hoose/Dhexe ee Santarka Uurmadag, oo hoos taga degmada Galadi

Waalidiinta iyo bulshada deegaanka waxaa lagu boorrinayaa inay carruurtooda si degdeg ah u diiwaangeliyaan, si ay uga faa’iidaystaan fursadda waxbarasho.

📚 Waxbarasho tayo leh waa mustaqbal ifaya.

Ogeysiis Ogeysiis DUGSIGA Hoose/Dhexe ee Uurmadag ee Santarka UurmadagWaxaa la ogeysiinayaa dhammaan bulshada ku dhaqan ...
31/08/2026

Ogeysiis Ogeysiis DUGSIGA Hoose/Dhexe ee Uurmadag ee Santarka Uurmadag

Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan bulshada ku dhaqan Santarka Uurmadag, Degmada Galaadi, in la bilaabayo diiwaangelinta ardayda Dugsiga Hoose/Dhexe ee Uurmadag.
Diiwaangelintu waxay u furan tahay:
🔴 Ardaydii h**e uga diiwaangashanayd dugsiga.
🔴 Ardayda cusub ee doonaysa inay waxbarashada ku biiraan.
Muddada Diiwaangelinta:
25/12/2018 E.C ilaa 31/08/2026
Lambarada lagala xiriirayo dugsiga:
📞 0909003326
📞 09360009
📞 0915649880
📞 0915176226
Waxaan waalidiinta iyo bulshada ku dhaqan deegaanka ku boorrinaynaa inay carruurtooda si degdeg ah ugu diiwaangeliyaan dugsiga si ay uga faa’iidaystaan waxbarashada.

“Waxbarasho tayo leh waa mustaqbal ifaya.”
Degmada Galaadi — Gobolka Doollo

Admin🖊

20/08/2026

WAR CUSUB.
Duqaymo xooggan ayay Dowladda dhexe ka fulisay xaafada Magaalada Mekelle ee Tigreega. Magaalada waxaa laga arkayaa qiiq is qabsaday hawada. Goobaha ay gantaaladu ku dhaceen ayaa lagu arkayaa khasaare xooggan.
Mareegaha Dowladda taagersan ayaa tabinaua in Xero Ciidan aagga la duqeeyay ku taallay. Kooxaha TPLF oo day ku dhawacmay soo bandhigay ayaa sheegay in dad rayid la beegsaday.

DDS oo laga heley Kalluun: Halkani waa deegaanka Dhanow ee Gobolka Afdheer oo biyo-qabatinnada laga heleyo kalluun waa w...
20/08/2026

DDS oo laga heley Kalluun: Halkani waa deegaanka Dhanow ee Gobolka Afdheer oo biyo-qabatinnada laga heleyo kalluun waa weyn oo la mid ah kan badda.

19/08/2026

Xogta Uurmadag

Xaaladda deegaanka Uurmadag iyo baahiyaha ka jira ayaa si qoto dheer looga waraystay. Wariye Bile Fargaan ayaa deegaanka dhex maray, isagoo shacabka ka dhageystay duruufaha iyo baahiyaha ay qabaan.

Dowladda waxaan ka codsanaynaa inay si degdeg ah u gaarto deegaanka Uurmadag, una gurmato dadka iyo baahiyaha ka jira.

Share garee muqaalka si uu meel dheer ugaaro

🎥 Daawo muuqaalka oo la wadaag saxibadaa si codka shacabka Uurmadag uu u gaaro dowladda iyo cid kasta oo wax ka qaban karta.

Santarka Uurmadag Iyo   oo booqosho ku tagay magaladiisa uurmadag Mardhow filo warbixin uu ka diyariyay santarka uurmada...
19/08/2026

Santarka Uurmadag Iyo oo booqosho ku tagay magaladiisa uurmadag Mardhow filo warbixin uu ka diyariyay santarka uurmadag

Jigjiga Laba Dhacdo. Caawa Fiidkii h**e hooyo ayay kooxaha Darbi jiifka ka dafeen Moobel. Waxay galleen goobta biyo mare...
18/08/2026

Jigjiga Laba Dhacdo.

Caawa Fiidkii h**e hooyo ayay kooxaha Darbi jiifka ka dafeen Moobel. Waxay galleen goobta biyo mareenka ah.
Markale qof moobel isticmaalayay ayay mar dhawayd agagaarka Puntland kaga dafaceen Moobel. Goobtan hoose ayayna galleen.

Goobaha Afka bannaan ee jidadka saarran haliso badan ayay keenan. Dad ayaa ku dhaca, kuwana hantidooda lagaga dhacaa. Maamulka Jigjiga inuu dadka ka daboollo ayay ahayd.

Dhacdo Tii Ugu Murugo Badnayd.Rabiile Salalax Wayrax, waa wiil dhalinyar oo 18 sanno jir ah. Wuxuu jooga Sentarka Ceelmu...
16/08/2026

Dhacdo Tii Ugu Murugo Badnayd.

Rabiile Salalax Wayrax, waa wiil dhalinyar oo 18 sanno jir ah. Wuxuu jooga Sentarka Ceelmurux ee Degmada Hargeelle.

Aabihii 5 carruur ah ayuu dhalay. Afartii kale xannunkan maqaarkisa ka muuqda ayay u dhinteen. Isaga maalin walba Jeergan Biyo ah ayaa lagu shubaa. Bil walbana caagad Saliid ah oo wayn ayaa loo keena.

Aabihi wuxuu awoodi waayay inuu dhakhtar geeyo. 15 sanno maalin walba geedaha ayuu isku xoqaa. Indhaha mid kamid wuu beellay. Mid ayaa u dhiman oo bad-baado u baahan. AdisAbaba ama Hindiya kii ay noqotaba in degdeg loo geeyo ayaan qorsheynay.

Lambarka Aabihii: 0974708206
Magaca ku qoran: Saalax Wayrax

Commercial Bank: 1000765654614
Magaca Ku qoran: Mohamed Farax Wayrax

Dhammantiin wixii aad awoodan dira. 500, 1000 ama 10K.
Fariintan oo aad faafiso qoyskas culaysku haysto ayay ka saari karta. Haka bakhaylin fogee.

Admin 🖊

OGAYSIISWaxaa la ogaysiinayaa dhammaan bulshada ku dhaqan Santarka Uurmadag in la bilaabay diiwaangelinta ardayda iyadoo...
05/08/2026

OGAYSIIS
Waxaa la ogaysiinayaa dhammaan bulshada ku dhaqan Santarka Uurmadag in la bilaabay diiwaangelinta ardayda iyadoo la adeegsanayo National ID.
* Dhammaan ardaydii h**e u dhigan jirtay dugsiga waa in lagu diiwaangeliyaa National ID.
* Sidoo kale, ardayda cusub waa in lagu diiwaangeliyaa National ID.
* Carruurta KG ee da'doodu tahay 4 sano iyo ka weyn, ardayda dugsiga hoose/dhexe, iyo dugsiga sare waxaa la diiwaangelinayaa si ay uga faa'iidaystaan adeegyada waxbarashada.
* Waxaan ka codsaneynaa waalidiinta iyo mas'uuliyiinta carruurta inay keenaan carruurtooda si loogu diiwaangeliyo waqtiga loo asteeyay.

It is hereby announced to all the community in Santarka Uurmadag that student registration has officially started using the National ID system.
* All previously enrolled students must be registered using their National ID.
* New students must also be registered using their National ID.
* KG children aged 4 years and above, as well as students in primary/middle school and secondary school, will be registered in order to benefit from educational services.
We kindly request parents and guardians to bring their children for registration at the scheduled time.
Thank you.
Respected community, Wabilaahi Towfiiq.

Adresse

Paris

Site Web

Notifications

Soyez le premier à savoir et laissez-nous vous envoyer un courriel lorsque Uurmadag Media publie des nouvelles et des promotions. Votre adresse e-mail ne sera pas utilisée à d'autres fins, et vous pouvez vous désabonner à tout moment.

Raccourcis

Partager