Daadir Haaruun Abdulahi

Daadir Haaruun Abdulahi waxaan ahay Adoon Allah

19/06/2026
Muqdisho Soomaaliya 29-ka April:— Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane ...
30/04/2026

Muqdisho Soomaaliya 29-ka April:— Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Danjiraha Jamhuuriyadda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Wang Yu, iyadoo labada masuul ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, gaar ahaan dhinacyada Warbaahinta, Dhaqanka iyo Fanka.

Wasiirka Warfaafinta ayaa Danjiraha uga mahadceliyey doorka muhiimka ah ee Dowladda Shiinaha ay ka qaadato taageerada madax-bannaanida, midnimada iyo horumarka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo si gaar ah u xusay mashaariicda horumarineed ee Shiinaha ay ka taageerto dalka.

Wasiirku waxa uu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga Warbaahinta iyo Dhaqanka, gaar ahaan taageerada dib-u-dhiska iyo horumarinta Tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed, oo ah astaan muhiim u ah kobcinta fanka iyo ilaalinta hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa sidoo kale diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga hay’adaha Warbaahinta labada dal, is-weydaarsiga khibradaha xirfadeed, tababaridda suxufiyiinta iyo horumarinta kaabeyaasha warbaahinta, si loo taageero dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhanka wacyigelinta bulshada, xoojinta midnimada qaranka iyo horumarinta warbaahin casri ah oo wax ku ool ah.

Danjire Wang Yu ayaa dhankiisa faahfaahin ka bixiyey mashaariicda kala duwan ee Dowladda Shiinaha ay ka fuliso Soomaaliya, oo ay ku jiraan taageerada bani’aadannimo iyo mashaariic horumarineed oo door muhiim ah ka qaata dib-u-dhiska dalka. Waxa uu sidoo kale caddeeyey sida ay Dowladda Shiinaha uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada warbaahinta, dhaqanka iyo fanka, si loo xoojiyo xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashi ee soo jireenka ah ee u dhexeeya labada dal.

Ugu dambayn, labada masuul ayaa isku raacay in la dardargeliyo wada-shaqeynta mustaqbalka ee dhinacyada warbaahinta iyo dhaqanka, si loo xoojiyo xiriirka istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha loona taageero horumarka bulshada Soomaaliyeed.

11/01/2026
06/12/2025

Madaxweynihii h**e ee Maraykanka Joe Biden oo Aamusnaantii jabiyey, Trump na ku sifeeyey qaybiye bulsho shacabka Maraykankana ku yidhi “Ka Kaca, oo iska waabiya”.

Dhanka kale madaxweynihii shacbiyada badnaa ee Obama ayaa weli Aamusan.

Adresse

Paris

Téléphone

+252615836718

Site Web

Notifications

Soyez le premier à savoir et laissez-nous vous envoyer un courriel lorsque Daadir Haaruun Abdulahi publie des nouvelles et des promotions. Votre adresse e-mail ne sera pas utilisée à d'autres fins, et vous pouvez vous désabonner à tout moment.

Contacter L'entreprise

Envoyer un message à Daadir Haaruun Abdulahi:

Raccourcis

Partager