Abdilahi Hussain

Abdilahi Hussain Informations de contact, plan et itinéraire, formulaire de contact, heures d'ouverture, services, évaluations, photos, vidéos et annonces de Abdilahi Hussain, Agence de médias sociaux, Paris.

 :Wararkii ugu dambeeyay dagaalka maalintii labaad ka socda Waqooyiga Itoobiya.Dagaallada ayaa ka socda afar jiho.1. Jih...
24/09/2026

:
Wararkii ugu dambeeyay dagaalka maalintii labaad ka socda Waqooyiga Itoobiya.

Dagaallada ayaa ka socda afar jiho.

1. Jihada xuduudka gobollada Raya iyo Wollo ee deegaannada Amxaarada iyo Tigray

Dagaalkan ayaa ah mid ay ka qayb qaadanayaan dhammaan ciidamada lugta ee militariga Itoobiya iyo kuwa isbahaysiga ee TPLF, wuxuuna dagaalkaas sababay in la joojiyo duulimaadyadii tagi jiray magaalada Lalibela madaama hub waawayn laysku adeeg sanayo.

2. Jihada gobolka Wolkait

Halkaas waxaa ka socda dagaal culus Ilaa saaka, waxaana dagaalka lugta ah barbar socda duqaymaha diyaaradaha oo si weyn u duqeeyay magaalooyinka Sheraro, Adiyabo iyo Ademeyti.

Ilaa hadda dagaalka lugta ah ma jirto dhinac horumar sameeyay, laakiin dhinacyadu waxay kala sheeganayaan inay guulo gaareen. Waxaa jira maxaabiis badan oo ay dhinacyadu kala qabsadeen siday iyagu shegeen.

3. Dagaalka ka socda dhinaca Sokota

Halkaas waxaa ka socda dagaal culus oo ka socda dhul buuraley ah oo gudaha deegaanka Amxaarada laakiin u dhow xuduudka Tigray. Kooxaha isbahaysigu waxay sheegeen inay ku dhow yihiin magaalada Sokota.

Dhinaca kale, ciidamada militariga Itoobiya ee Agaas ku sugan ayaa sheegay inay weerar rogaal-celis ah ku qaadeen kooxaha isbahaysiga, dagaalkuna wali wuu socdaa.

4. Dhinaca gobolka Canfarta

Dagaalku wuxuu ka socdaa jihadii uu shalay dagaalku ka bilowday.

Ciidamada jabhadda Canfarta iyo ciidanka TPLF ayaa shalay qabsaday ilaa dhowr magaalo, balse ciidamada militariga Itoobiya iyo kuwa ka amar qaata Getachew Reda & kuwa deegaanka Canfarta ayaa duqaymo iyo weerarro rogaal-celis ah ku qaaday. Ilaa hadda majirto cid horumar muuqda ka samaysay Agaas maanta.

Kooxaha isbahaysigu waxay gacanta ku hayaan dhowr aag oo u dhow xuduudka Tigray, kuwaas oo ay shalay qabsadeen, balse dagaalku wuu socdaa ilaa hadda.

Ciidamada dowladda Itoobiya ayaa ilaa maanta duqaymo aan kala joogsi lahayn ka fuliyay gobolka Tigray, ilaa 40 duqaymood ayaa ka dhacay gudaha Tigray maanta oo keliya.

Kooxa

Ciidamada milateriga Itoobiya ayaa sheegay in ay dileen 272 askari oo Tigray iyo FANO ah, 260 kalena ay dhaawaceen intii...
24/09/2026

Ciidamada milateriga Itoobiya ayaa sheegay in ay dileen 272 askari oo Tigray iyo FANO ah, 260 kalena ay dhaawaceen intii ay socdeen dagaalladii shalay ka dhacay deegaannada Amxaarada iyo Canfarta, halka tirada ay dhaawaceenna ay ku sheegeen.

Waxa ay kale oo ay soo bandhigeen maxaabiis iyo hub ay ka qabteen.

Xaalad aan caadi ahayn Iiraan ayaa maanta markii u horreysay uga digtay dalalka deriska la ah inay la kulmi doonaan tall...
24/09/2026

Xaalad aan caadi ahayn

Iiraan ayaa maanta markii u horreysay uga digtay dalalka deriska la ah inay la kulmi doonaan tallaabo aargoosi ah haddii ay dhaqan geliyaan cunaqabateyn cusub oo Mareykanku ku doonayo inuu cunaqabateyn hawada ah uu saaro Iiraan, oo lagu joojinayo duulimaadyada caalamiga ah ee shirkadaha diyaaradaha Iiraan iyo kuwa ka degaya garoommada Iiraan, sida ay baahisay Al Jazeera.

“Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dalalka deriskeenna inaysan ku lug yeelan waxa Mareykanku wado. Tallaabadan Mareykanka waxay si dhakhso ah ugu dhammaan doontaa fashil,” ayuu Mohsen Rezaei, oo ah xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka Iiraan, u sheegay warbaahinta dawladda Iiraan.

Maxay tahay digniinta Iiraan?

Mareykanku wuxuu cunaqabateyn saaray diyaaradaha iyo duulimaadyada caalamiga ah ee Iiraan, taasi waxay keentay dalalka badan oo daris la ah Iiraan iyo kuwa gobolka inay joojiyaan duulimaadyada Iiraan, waxaa u dambeeyay Turkiga , Ciraaq, Imaaraadka , Georgia iyo Azerbaijan oo shalay soo celisay diyaarad hawada ku jirtay oo ka duushay Tehran , kuna sii jeeday Azerbaijan, sabab la xiriirta dhaqangelinta cunaqabateynta Mareykanka.

Hadda, Iiraan waxay ku hanjabaysa haddii dalalku sii wadaan dhaqangelinta cunaqabateynta oo Iiraan go’doon hawada ah la galiyo, inaysan arrintu ku ekaan doonin keliya Iiraan ee dalalka kalana ay la kulmi karaan go’doomin hawada ah, taasoo ka dhalan karto Iiraan inay weerarto garoommada diyaaradaha iyo inay ku hanjabto diyaaradaha inay ku duulaan hawada dalalka khaliijka, Turkiga, Azerbaijan iyo dal kasta oo dhaqangeliya cunaqabateynta Mareykanka, taasoo ka dhigan inay Iiraan sheegayso haddii il laga rido inay labada indhood ka ridi doonto dalalka gobolka.

“Haddii dal uu la shaqeeyo ama uu tallaabooyin uu Mareykanku wado qaado, garoomadiisa diyaaradaha ma awoodi doonaan inay sii wadaan duulimaadyada taga Iran,” ayuu Rezaei ka sheegay telefishinka dawladda Iiraan. Wuxuu sheegay in Iran ay hubin doonto in garoomada dalalka joojiya duulimaadyad

77 dal oo ka baxaya xarunta golaha guud ee Qaramada Midoobay ka hor  khudbadii Netanyahu uu ka jeedinayo Qaramada Midoob...
24/09/2026

77 dal oo ka baxaya xarunta golaha guud ee Qaramada Midoobay ka hor khudbadii Netanyahu uu ka jeedinayo Qaramada Midoobay , ayaa hadda warbaahintu soo bandhigtay, kuwaasoo kala ah;

18 dal oo Carab ah

Suuriya, Falastiin, Jordan, Lubnaan, Ciraaq, Sacuudiga, Qatar, Kuwait, Cumaan, Yemen, Masar, Suudaan, Tuuniisiya, Aljeeriya, Liibiya, Muritaaniya, Soomaaliya, Jabuuti iyo Comoros.

Aasiya iyo Turkiga —14:

Turkiga, Iran, Pakistan, Afgaanistaan, Bangladesh, Indonesia, Malaysia, Brunei, Maldives, Myanmar, Kuuriyada Waqooyi, Turkmenistan, Uzbekistan iyo Kyrgyzstan.

Afrika aan Carabta ahayn — 20:

Koonfur Afrika, Senegal,, Angola, Kongo, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, Liberia, Eritrea, Chad, Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Madagascar, Niger, Botswana, Uganda, Lesotho, Eswatini, Equatorial Guinea, Mozambique, Namibia iyo Kenya.

Latin America iyo Kariibiyaanka — 17:

Suriname, Panama, Venezuela, Antigua iyo Barbuda, Belize, Barbados, Colombia, Dominica, Nicaragua, Peru, Saint Lucia,Bahamas, Bolivia, Cuba, Guyana, Brazil iyo Chile.

Yurub — 6:

Waqooyiga Macedonia, San Marino, Slovenia, Bosnia iyo Herzegovina, Spain iyo Ireland.

Oceania — 2:

Tuvalu iyo Tonga.

🇮🇷 Madaxweyne Mascuud Pezeshkian oo kor u qaaday sawirka hoggaamiyihii kacaanka ee la dilay, xilli uu khudbad ka jeedina...
23/09/2026

🇮🇷 Madaxweyne Mascuud Pezeshkian oo kor u qaaday sawirka hoggaamiyihii kacaanka ee la dilay, xilli uu khudbad ka jeedinayay xarunta Qaramada Midoobay ee New York.

⭕ Pezeshkian: Waxaan ka imid Iiraan, halkaas oo hoggaamiyahayagii sare ee sharafta lahaa lagu dilay, iyadoo aan jirin wax hannaan sharci ah ama sabab loo cuskaday.

Waxaan ka imid Iiraan, halkaas oo dhab ahaantii lagu duqeeyay iskuul. Ma aragtaan carruurtan?

Carruurtan waxay ku dhinteen duqeyn loo adeegsaday hub ay isticmaaleen Maraykanka iyo Israa’iil.

Waxay ahaayeen carruur aan waxba galabsan, mana aysan gelin wax dambi ah.

🚨🚨Ilaalada Kacaanka Iran ayaa ku dhawaaqay Jeneraal Hussein Zarifi, oo ka tirsanaa hoggaamiyeyaasha Ilaalada Kacaanka Ir...
23/09/2026

🚨🚨Ilaalada Kacaanka Iran ayaa ku dhawaaqay

Jeneraal Hussein Zarifi, oo ka tirsanaa hoggaamiyeyaasha Ilaalada Kacaanka Iran, ayaa ku dhintay iska horimaad hubeysan oo dhex maray ciidamada milatariga iyo kuwa amniga iyo kooxo hubeysan, kaas oo ka dhacay deegaanka Jihad Abad ee magaalada Saravan.

La-taliyaha Hoggaamiyaha Iran, Mohsen Rezaei:Ma ku laaban doonno diblomaasiyaddii h**e ama xaaladdii Heshiiskii Islamaba...
23/09/2026

La-taliyaha Hoggaamiyaha Iran, Mohsen Rezaei:

Ma ku laaban doonno diblomaasiyaddii h**e ama xaaladdii Heshiiskii Islamabad iyo wixii ka horreeyay. Mareykanku marka h**e waa inuu fuliyaa 7-da shuruudood ee Iran, haddii kale Marinka Hormuz lama furi doono, wada-hadalladuna ma bilaaban doonaan.

Madaxweyne Axmed Al-Sharaa, intii uu khudbaddiisa ka jeedinayay Qaramada Midoobay ee New York, wuxuu akhriyey labada aay...
23/09/2026

Madaxweyne Axmed Al-Sharaa, intii uu khudbaddiisa ka jeedinayay Qaramada Midoobay ee New York, wuxuu akhriyey labada aayadood:

{وَقُلْ جَاءَ الْحَقُّ وَزَهَقَ الْبَاطِلُ ۚ إِنَّ الْبَاطِلَ كَانَ زَهُوقًا}.

{وَقُلِ اعْمَلُوا فَسَيَرَى اللَّهُ عَمَلَكُمْ وَرَسُولُهُ وَالْمُؤْمِنُونَ}

War DEG-DEG:Major General Gebre Adhana, oo h**ey u ahaa Taliyaha Booliiska Gobolka Tigray, isla markaana ka tirsanaa hog...
23/09/2026

War DEG-DEG:
Major General Gebre Adhana, oo h**ey u ahaa Taliyaha Booliiska Gobolka Tigray, isla markaana ka tirsanaa hoggaanka sare ee TPLF, ayaa ku biiray Dowladda Federaalka Itoobiya.

abdilahi Hussain

Ciidamada TPLF ayaa maanta la wareegay Alula Aba Nega Airport, oo ah garoonka diyaaradaha ee magaalada Mekelle, caasimad...
23/09/2026

Ciidamada TPLF ayaa maanta la wareegay Alula Aba Nega Airport, oo ah garoonka diyaaradaha ee magaalada Mekelle, caasimadda gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya.

Sida ay Reuters u sheegeen ilo deegaanka ah, ciidamada TPLF ayaa xalay garoonkan kala wareegay booliska federaalka Itoobiya.

AFP,waxay xaqiijisay in shaqaalaha garoonka lagu wargeliyay in ciidamada TPLF ay la wareegeen xarunta.

Ka dib dhacdadan, Ethiopian Airlines waxay joojisay dhammaan duulimaadyadii ay ku tagi jirtay Mekelle, Axum iyo Shire, iyadoo sabab uga dhigtay xaaladda hadda ka jirta gobolka Tigray.

Arrintan waxay kusoo beegmaysaa iyadoo xaaladda Tigray ay si weyn u sii xumaanaysay toddobaadyadii u dambeeyay. Maalmo ka hor, TPLF, Fano iyo OLA, oo h**ey dagaallo uga soo horjeeday midba midka kale, ayaa ku dhawaaqay inay ku biireen isbahaysi ay ugu magac dareen Ethiopian Peoples’ Forces Alliance for Survival.

Ujeeddada ay shaaciyeen waa in laga takhaluso xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed lana dhiso dawlad ku-meel-gaar ah.

Fiiro gaar ah;

Qabsashada garoonka Mekelle waxay Tigray siinaysaa gacan ku haynta mid ka mid ah marinnada ugu muhiimsan ee hawada ee isku xira gobolka iyo Addis Ababa. Laakiin qabsashada garoonku kaligeed ma caddaynayso in dagaal ballaaran uu bilaabmay ama in heshiiskii Pretoria uu si rasmi ah u burburay.

Waxa la hubo ayaa ah in heshiiskii Pretoria ee November 2022 uu cadaadis weyn wajahayo. TPLF waxay bishii May dib ula wareegtay maamulka gobolka, iyadoo xukuumadda Abiy iyo TPLF ay midba midka kale ku eedeeyeen jebinta heshiiska.

Waxa hadda la sugayo waa in xukuumadda Abiy ay ka jawaabto qabsashada garoonka iyo in tallaabadan ay ku ekaan doonto Mekelle, mise ay noqon doonto bilowga dagaal cusub oo ka dhaca waqooyiga Itoobiya.

Adresse

Paris

Téléphone

+252654332909

Site Web

Notifications

Soyez le premier à savoir et laissez-nous vous envoyer un courriel lorsque Abdilahi Hussain publie des nouvelles et des promotions. Votre adresse e-mail ne sera pas utilisée à d'autres fins, et vous pouvez vous désabonner à tout moment.

Contacter L'entreprise

Envoyer un message à Abdilahi Hussain:

Raccourcis

Partager