Fandhaal Media Pro

Fandhaal Media Pro Waa bog si faah-faahsan uga faalooda arrimaha Suugaanta, Muusigga, Falsafada, Ciyaaraha & Siyaasadda

WAR DEGDEG AH 🚨: Iiraan oo wali Bili-liqeysanaya hubkii Markeykanka. Ciidanka Badda Iiraan ee IRGC ayaa sheegay inay mar...
27/09/2026

WAR DEGDEG AH 🚨: Iiraan oo wali Bili-liqeysanaya hubkii Markeykanka.

Ciidanka Badda Iiraan ee IRGC ayaa sheegay inay mar kale qabteen REMUS 600, oo ah Gujis-biyood iskiis u shaqeeya oo aan Darawal lahayn, kaas oo Maraykanku leeyahay xilli uu ka hawlgalayay Marin-biyoodka Hormuz.

Sida ay IRGC sheegtay, hawlgalka ayaa ku lug lahaa xuuraanka sirdoon iyo dagaal elektarooniga ah, iyadoo lagu eedeeyay in Gujisku uu hawlo basaasnimo iyo xog-ururin ka waday marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Hormuz.

Iiraan ayaa sheegtay in Gujiska REMUS 600 uu hadda gacanta ugu jiro khubaradeeda, kuwaas oo isku dayaya inay soo saaraan xogta ku kaydsan gudaha Gujiskan.

Haddii la xaqiijiyo tan ayaa noqonaysa Gujis-biyoodkii labaad ee Maraykanku leeyahay ee Iiraan sheegato inay qabatay bishan, kaddib markii la sheegay inay 8-dii Sebtembar qabatay Anduril Dive-LD.

REMUS 600 waa nidaam horumarsan oo biyaha hoostooda ka shaqeeya, waxaana loo adeegsadaa hawlo ay ka mid yihiin khariidaynta sagxadda hoose ee badda, ogaanshaha miinooyinka iyo sahanka.

Fandhaal Media Pro

26/09/2026

Salaadda Subax Muxuu noqon karaa cudur-daarka ay kugu dhaafi karto.

Xittaa Waayeelkani ma awoodo inuu dhabarkiisa toosiyo haddana wuxuu usii cararayaa inuu jamaca salaadda subax ka weyb gallo.

Ilaahow hanuuntaada na waafaji goor walba

KIM JONG UN oo ku diganaya Markeykanka ayaa yidhi:Waxaan jeclahay Iiraaniyiinta, Meksikaanka, Baraasiiliyiinta iyo Ruush...
24/09/2026

KIM JONG UN oo ku diganaya Markeykanka ayaa yidhi:

Waxaan jeclahay Iiraaniyiinta, Meksikaanka, Baraasiiliyiinta iyo Ruushka. Sidoo kale Waxaan jeclahay Kanadiyaanka iyo Kolombiyaanka. Waxaan jeclahay Yemeniyiinta, waxaanan jeclahay qof kasta oo aan jeclayn Israa’iil iyo Maraykanka.

“Ninkan mar kasta meel uu kasoo galo hadal heynta caalamka ayuu jecelyahay, kadib markii uu kasoo muuqan waayay ka qeyb galka shirka Golaha Qaramada Midoobay.”

Fandhaal Media Pro

Bal u fiirso Nimcooyinka ilahay ina siiyay. Halkani waa labada dhuumood ee midna aan cuntada ka qaadano tan kalena hawad...
24/09/2026

Bal u fiirso Nimcooyinka ilahay ina siiyay.

Halkani waa labada dhuumood ee midna aan cuntada ka qaadano tan kalena hawada.

Hadaba arinta cajiibka ahi waxay tahay hadii qadar yar oo cunto ahi ah ku qaldanto dhuunta hawada waxa islamarkiiba cuntadaas u soo tuuraysaa dibeda.

WAR DEGDEG AH🚨: Madaxweynaha Iiraan ayaa si geesinimo leh u yidhi “Marnaba madaxa ma foorarin doonno, jilbahana dhulka m...
24/09/2026

WAR DEGDEG AH🚨: Madaxweynaha Iiraan ayaa si geesinimo leh u yidhi “Marnaba madaxa ma foorarin doonno, jilbahana dhulka ma dhigi doonno. “

Madaxweynaha Iiraan Mascuud Pezeshkian ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ku soo gabagabeeyay farriin toos ah oo uu u diray Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, isagoo ka digay in cadaadiska lagu hayo Iraan uu sii xoojin doono iska-caabbinta.

Waa inuu ogaadaa in iska-caabbinta shacabka Iiraan ay sii kordhi doonto marka ay la kulmaan cunaqabatayn, cadaadis dheeraad ah iyo xoog-ku-maquunin.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Iiraan ay weli diyaar u tahay wada-hadal iyo wada-xaajood, balse aysan aqbali doonin “luuqadda xoogga.”

Fandhaal Media Pro

23/09/2026

Maxaad sameyn laheyd haddii sidan kugu dhacdo.

Ninkani Xalka keliya ee uu miciinsaday waxa uu noqday in uu goosha isha isha u saaro oo aanu baqasho muujin iyo wax cabsi ah.

Madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian oo ka hor hadlaya Gollaha Amaanka Qaramada Midoobay ayaa si cadho leh u yidhi: Iir...
23/09/2026

Madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian oo ka hor hadlaya Gollaha Amaanka Qaramada Midoobay ayaa si cadho leh u yidhi:

Iiraan 200-kii sano ee la soo dhaafay ma aysan weerarin wax dal ah, haddana waxaa nalagu eedeeyaa inaan nahay dal argagixiso ah.

Iyaguna waxay bartilmaameedsadeen jaamacadahayaga, xarumaheena caafimaadka, iskuulladeenna, isbitaalladeenna iyo kaabayaasha dhaqaalaha, dhammaan arrimahaas waxay ka hor imaanayaan sharciga caalamiga ah haddana waad ka aamusan tihiin oo k**a hadli kartaan.

Marka sharafka dalkeena iyo dadkeena difaaceyno waxaad noo taqaanaan argagaxiso, balse marka nalagu soo xadgubo dhammaantiin waad aamusan tihiin oo ma jiro hal dal xaqa ku dhiiran kara.

Fandhaal Media Pro

22/09/2026

Xaalka Soomaaliya wakaas! “Dil toos ah buu ka badbaaday.”

Waa Boosaaso halkan, si ula kac ah ayuu xabadda ugu riday wiilka meesha taagan isagoo rabay inuu shaafteeyo, balse mar qudha waxa meesha uga soo baxay rag hubeysan oo aanu ka fileyn meeshaba.

Soomaaliya sida loo kala hub badan yahay ayaa loo kala xoog weyn yahay.

WAR DEGDEG AH 🚨: Wasiirka arrimaha dibada Iiraan oo runta qadhaadh hortooda ka sheegay Qaramada Midbooday isagoo ku tilm...
22/09/2026

WAR DEGDEG AH 🚨:

Wasiirka arrimaha dibada Iiraan oo runta qadhaadh hortooda ka sheegay Qaramada Midbooday isagoo ku tilmaamay laba wajiilayaal.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan Abbas Araghchi ayaa ku eedeeyay qaar ka mid ah dalalka awoodda leh inay isu arkaan kuwo ka sarreeya sharciga caalamiga ah, isla markaana samayn kara wax kasta oo ay doonaan, iyagoo iska indhatiraya xeerarka caalamiga ah iyo xitaa xuquuqda aadanaha.

Abaas Araghchi wuxuu sidoo kale dhaliilay dowladaha reer Galbeedka iyo kuwa Yurub ee iska dhiga inay yihiin kuwa difaaca xuquuqda aadanaha iyo sharciga bani’aadantinimada, balse sida uu sheegay ka aamusa falalka ay sameeyaan xulafadooda.

Wasiirka ayaa ku dooday in haddii sharciga caalamiga ah si xad gudub ah loo dabaqo, ay taasi wiiqi doonto kalsoonida lagu qabo nidaamka caalamiga ah.

Hadalladan kulul ayuu ka hor jeediyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, halkaas oo uu sheegay in Iiraan ay doonayso inay ka hortagto waxa Tehran u aragto ku-dhaqanka aan sinnayn ee sharciga caalamiga ah. (Press TV)

Fandhaal Media Pro

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa tijaabinaya gantaal cusub oo uu ku tilmaamay mid loogu talagalay in uu sababo "madax ...
22/09/2026

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa tijaabinaya gantaal cusub oo uu ku tilmaamay mid loogu talagalay in uu sababo "madax xanuun joogto ah oo aan daawo lahayn."

Intii lagu guda jirey ridista gantaalka, hogaamiyaha ayaa ka soo muuqday shaashad horteeda isaga oo ay weheliso inantiisu.

Xigasho

Address

148 Kings Road
London
SW34UT

Telephone

+16126000234

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Fandhaal Media Pro posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Fandhaal Media Pro:

Shortcuts

Share