Abdulaziz Talks

Abdulaziz Talks Marketing Manager | Business Growth Consultant
I help businesses get the right customers, create better campaigns, and increase conversions.

Sharing lessons, insights, and practical strategies.

Waxaan ugu hambalyeynaaya dhamaan muslimiinta gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed  Ciidul Adxa oo ka mid ah ciidaha ay musli...
26/05/2026

Waxaan ugu hambalyeynaaya dhamaan muslimiinta gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed Ciidul Adxa oo ka mid ah ciidaha ay muslimiintu leyahiin kuna asteysan gudashada tiir ka mid ah tiirarka islaamka ee shanta ah kaaso ah Xajka beytkii Ebbe. Alle SWT hanaga aqbalo acmaashi aan soo sameyneenay 9ka maalin ee Dhulxijja iyo soonkii Carafo.
كل عام وانتم بخير وصحة وسعادة وعافية.

Allah SWT hanaga dhigo kuwii loogu dambi dhaafo  fadliga maalintan barakeysan ee Carafo. ALLAHUMA AMIIN.
26/05/2026

Allah SWT hanaga dhigo kuwii loogu dambi dhaafo fadliga maalintan barakeysan ee Carafo. ALLAHUMA AMIIN.

Soomaaliya maanta malahan lacag uu muwaadiinku istecmaali karo!. Shirkadaha isgaarsiinta ee lagu tiirsanyahay hadday cil...
10/05/2026

Soomaaliya maanta malahan lacag uu muwaadiinku istecmaali karo!. Shirkadaha isgaarsiinta ee lagu tiirsanyahay hadday cilad ku timaado dadka waxaa ku dhacaayo gaajo iyago akoonada lacag uga buuxdo.

Dowladda gaar ahan wasaaradda Maaliyada iyo Bangi dhexe waa inay lacagta shillinka dib u howlgaliyaan laguna qasbo ganacsatada inay aqbalan qaadashada lacagta dalku leyahay oo ah astaan ay Soomaaliya ledahay kana mid ah tiirarka dalka uu ku taagan yahay.

Abdulaziz Talks

Dadka badankoodu wali si dhab ah uma fahansana waxa loo yaqaan Suuqgeyntu (marketing). Halkan waxan kugula wadaagaya dho...
07/05/2026

Dadka badankoodu wali si dhab ah uma fahansana waxa loo yaqaan Suuqgeyntu (marketing).
Halkan waxan kugula wadaagaya dhowr aragtiyood oo khaldan oo aan inta badan ku arkay ganacsatada Soomaaliyeed:-

1. ​Alaabta wanaagsan iyadaa is iibisa: Ma jirto alaab iskeed isu iibisa haddii aan la aqoon.

2. ​Content badan waxaa uu la mid yahay iib badan: Inaad wax badan soo dhigto macnaheedu maaha inaad wax badan iibinayso.

3.​Qiimo dhimista ayaa soo jiidta macmiilka saxda ah: Qiimaha jaban mar walba kuma keeno macmiilka aad u baahan tahay.

4. ​Qof kastaa waa macmiilkaaga: Ganacsigu qof kasta uma adeego; waa inaad garataa cidda gaarka kuu ah.

5. ​Inaad caan baxdo (Viral) waa koritaan ganacsi: In dad badani ku arkaan macnaheedu maaha in ganacsigaagu koray.

6.​Suuqgeyntu waa kharash lumay: Dhab ahaantii, suuqgeyntu waa hanti la gashaday ganacsiga ee maaha lacag si bilaash ah ku baxday.

7. ​Baraha bulshada oo aad ku jirto waa qorshe suuqgeyn: Inaad baraha bulshada ka muuqato micnaheedu maaha inaad leedahay qorshe ku shaqeynaayo.

8. ​Inaad ganacsiyada kula midka ah aad ku deysato ama aad koobiyayso waa sheyga ugu fudud: Ku dayashada dadka kale mar walba guul kuma gaarsiin doonto.

W/Q: Abdulaziz Talks

SIDEE LOO XALIYA CABASHADA MACAAMIISHA KAHOR INTA AYSAN BARAHA BULSHADA KU FAAFIN======================================C...
30/04/2026

SIDEE LOO XALIYA CABASHADA MACAAMIISHA KAHOR INTA AYSAN BARAHA BULSHADA KU FAAFIN
======================================
Cabashada macaamiishu mar walba waa fursad uu ganacsigu ku muujin karo sida ay muhiim ugu yahiin adeegga iyo kalsoonida ay ku qabaan ganacsiga.

Haddii cabasho lagu faafiyo baraha bulshada, habka ugu wanaagsan waa in lagu wajaho si xushmad, deganaan, iyo mas’uuliyad ka muuqato.
Xal kasta waxaa uu ka bilowdo dhageysi fiican, jawaab laga fiirsaday, iyo in si cad loo fahmo dhibka jira.

Saddex arrimood waa uu muhiim marka la xalinaayo cabashada macaamiisha:
1. Waa in si degdeg ah loola xiriira macaamilka si loo dhageysto cabashadiisa.
2. Waa in la baarnaa cabashada jirta si dhab ah oo daahfuran.
3. Waa in lala yimaada xal la aqbali karo , iyadoo la ilaalinayo lana ixtiraamayo macaamilka iyo sumcadda ganacsiga .

Macaamiil kasta wuxuu mudan yahay in si cadaalad ah cabashadiisa loo maqlo.
Cabasho kastana waa cashar kacaawinaya ganacsi kasta in uu sii wanaajino tayada adeeggiisa.

Hal macaamiil oo cabashadiisa la dhageysan ayaa sabab u noqon karaa in boqollaal cabasho soo baxaan, hal macaamiil oo careysan ayaa sabab u noqday in ganacsiyo badan kacaan qaar kalana burburaan.

Quote of the day.
26/04/2026

Quote of the day.

Maalin dhaweyd waxaan arkay shirkad Bangi iyo Isgaarsiin leh oo waakiil Sumaddeed u magacaawday garsooreCumar Cartan  ma...
25/04/2026

Maalin dhaweyd waxaan arkay shirkad Bangi iyo Isgaarsiin leh oo waakiil Sumaddeed u magacaawday garsooreCumar Cartan madaama loo xushay inuu garsoore ka noqdo koobka adduunka 2026 ka dhacaayo dalka Mareekanka taas ayaa igu dhalisay inaan sharaxaad ka bixiyo waxa laga wado Wakiil Sumaddeed (Brand Ambassador)

Wakiilka sumadda (Brand Ambassador) ma aha qof hal mar wax soo dhiga kadibna dhuunta. Waa qofka noqonaya wejiga ganacsigaaga. Si joogto ah ayuu uga hadli doona ganacsigaaga, wuxuu xiriir la sameeyaa dadka ku xiran, wuxuuna si dabiici ah u saameyn ugu leyahay go’aanka ay dadku wax ku iibsadaan.
​Muxuu qabtaa qofka wejiga u ah ganacsigaaga?
*​Xayeysiin joogto ah: Wuxuu had iyo jeer dadka xusuusiyaa alaabtaada/adeeggaga.
*​Faahfaahin fudud: Wuxuu si dhow oo la fahmi karo dadka ugu sharraxaa waxaad iibinayso.
*​Dhisidda kalsoonida: Wuxuu buundo u noqdaa meheraddaada iyo macaamiisha si u dhalato aaminaad.
*​Soo saaridda nuxur joogto ah: Wuxuu si maalinle ah u sameeyaa muuqaallo ama qoraallo kaa dhigaya mid had iyo jeer indhaha dadka usoo jiita.
*​Dhiirrigelin: Wuxuu dadka ka caawiyaa inay ku kalsoonaadaan doorashada ganacsigaaga.
​Dadku waxay aaminaan qof binu-aadam ah, ee ma aaminaan xayeysiis qallaalan. Taas ayaa xaqiiqo ah, qofka saxda ah ee aad dooratid wuxuu kuu keeni karaa macaamiil aad uga badan kuwa aad xayeysiiska ku raadiso.
​Maxay arrintani muhiim ugu tahay ganacsigaaga?
​Sababtoo ah suuqa Soomaaliya, go'aanka wax iibsashada wuxuu ku xiran yahay dareen iyo xiriirka dadka. Haddii qof dadku h**ey u aaminsanaayeen uu si joogta ah uga hadlo ganacsigaaga, kalsoonida lagugu qabo markiiba kor ayay u kacaysaa. Haddii kale, waxaad noqonaysaa ganacsi kale oo xayeysiis iska sameeya.
​Halkay ganacsiyo badani qalad ku galaan:
​Waxay dadka ku doortaan oo kaliya inta qof ee taageeral u ah (followers). Taasi waa khalad weyn.
​Maxaad ka fiirineysa markaad dooranayso qofka kuu noqonaya Brand Ambassador?
​Habboonaan: Dadka taageersan ma yihiin kuwii aad rabtay inay wax kaa iibsadaan?
​Kalsooni: Dadku si dhab ma u dhageystaan qofkaas?
​Joogteyn: yahay qof had iyo jeer bulshada dhexdeeda ka muuqda, mise waa qof marka lacag la siiyo uun wax soo dhiga?
​Sumad-wanaag: Ma leeyahay qof wanaag iyo sharaf lagu yaqaan laguna ixtiraamo?
​Xiriir: Ma u sharraxi karaa alaabtaada/adeeggaaga si fudud oo dadka soo jiidan karta?
Hab-dhaqanka: Ma is leeyihiin dabeecaddiisa iyo hab-dhaqan la jaanqaadaya ganacsigaaga?
​Haddaad qofka qaldan doorato lacagtaada ayaa qasaarisay.
Haddaad qofka saxda ah heshid waxaad helaysaa muuqasho iyo iib aan kala go’ lahayn.

Inta aadan hal doollar ku bixin xayeysiis, marka h**e sax 3-dan qodob​Dadka badankood lacagta ay xayeysiiska geliyaan wa...
24/04/2026

Inta aadan hal doollar ku bixin xayeysiis, marka h**e sax 3-dan qodob
​Dadka badankood lacagta ay xayeysiiska geliyaan way ka khasaartaa, sababtoo ah waxay iska indha-tiraan mabaadi’da aasaasiga ah.
​Ka hor inta aadan lacag kale ku bixin xayeysiinta, hubi saddexdan:
​1️⃣ DADKA AAD LA HADLAYSO (Customer Avatar)
​Waa kuwee cida rasmiga ah ee aad rabtid inay wax kaa iibsadaan?
Haddii aad tiraahdo “dadka oo dhan ayaan rabaa,” markaas h**ey ayaad ka qasaartay.
​2️⃣ WAXYAABAHA AAD KALA HADLEYSO (Your Offer)
​Ma yahiin wax cad? Ma yahiin wax soo jiidasho leh?
Qofka macmiilka ah ma ka dhex muuqtaa faa'iidada uu helayo?
​3️⃣ MUUQAALKA IYO SAWIRRADA (Your Visuals)
​Sawirrada tayada liita waxay dilaan iibka.
Sawirrada tayada leh waxay durbadiiba kordhiyaan kalsoonida macmiilka.
​Haddii saddexdan qodob aad ku liidato, ma jirto xayeysiin ku badbaadin kara.
Marka h**e dhis aasaaska. Xayeysiisku waa qodobka ugu dambeeya.

👇 Hoos ku qor “CHECKLIST” si aan kuugu soo diro liiska saddexda tallaabo ee loogu diyaar-garoobo xayeysiis guuleysta.

Meta (Facebook/Instagram): Shirkaddu waxay ku dhawaaqday qorsheyaal lagu dhimayo qiyaastii 8,000 oo shaqo (taas oo u dhi...
24/04/2026

Meta (Facebook/Instagram): Shirkaddu waxay ku dhawaaqday qorsheyaal lagu dhimayo qiyaastii 8,000 oo shaqo (taas oo u dhiganta 10% ee wadarta shaqaalaheeda caalamka), laga bilaabo bisha soo socota 20-ka May, 2026.
Shaqo dhimistaan waxaa lagu macneyay in balaayiin doollar loogu weeciyo dhanka kaabayaasha Garaadka Macmalka ah (AI), iyadoo kharashka la qiyaasayo in lagu bixiyo sannadkan 2026 uu gaarayo ilaa $169 bilyan.

Sababta ay Meheraddaadu u Kici la’dahay — Qaladka Suuq-geynta ee ay tahay in aad Maanta Joojiso​Inta badan ganacsiyada S...
24/04/2026

Sababta ay Meheraddaadu u Kici la’dahay — Qaladka Suuq-geynta ee ay tahay in aad Maanta Joojiso
​Inta badan ganacsiyada Soomaalida dhibaatadoodu ma aha suuq-geyn la’aan ee waa faham-darro haysata.
​Xaqiiqdu waxay tahay:
​Inaad content iska soo dhigto baraha bulshada ma aha suuq-geyn.
​Inaad lacag kaliya ku bixiso faafinta qoraallada/muuqalada (Boosting) ma aha suuq-geyn.
​Inaad fadhiga ka sugto "maalmahiu wacnaa!" iyaduna marnaba ma aha suuq-geyn.
​Suuq-geyntu waa nidaam iyo habraac. Waa nidaam kuu soo jiidaya macaamiisha saxda ah... xataa marka aad internet ka maqan tahay (offline).
​Waa kuwan waxyaabaha ay tahay inaad maanta saxdo:
​1️⃣ Aqoonso cidda aad beegsanayso
Ma aha "qof kasta." Waa inaad si gaar ah u qeexdaa: Da’dooda, halka ay ku nool yihiin, dakhligooda, iyo hab-dhaqankooda wax iibsashada.
​2️⃣ Diyaari bandhig cad (Offer)
Maxay tahay sababta ay dadku adiga kuu dooranayaan, halkii ay kuwa kale u tegi lahaayeen? Bandhigaagu ma yahay mid si fudud loo fahmi karo?
​3️⃣ Samee content kalsooni dhisaysa
Wax bar macaamiisha. Wax tus. Ama wax u sharrax. Macmiilka dhabta ah wuxuu aaminaa oo kaliya waxa uu indhihiisa ku arko.
​Haddii aad saddexdan qodob saxdo, waxaad ka badbaadaysaa wakhti iyo lacag kaa qasaaran.

👇 Qaybta faallada ku qor “GUIDE” si aad u hesho hab-raac kooban oo suuq-geyn ah, kaas oo u gaar ah deegaanka Soomaalida.

Address

200A Gold Hawk Road, Shepherd’s Bush
London
W129NT

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdulaziz Talks posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Abdulaziz Talks:

Share