Iftin News

Iftin News Warbaahin wax toosisa
(1)

Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Waqooyi Bari ayaa si toos ah toosh ugu shiday nuuca Federal ay Puntland doonayso, isagoo ...
05/07/2026

Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Waqooyi Bari ayaa si toos ah toosh ugu shiday nuuca Federal ay Puntland doonayso, isagoo ku dhaga hadlay Maamulada qaar wuxuuna digniin u diray Shacabka Soomaaliyeeed.

Punrland oo isku aragta inay tahay Dal ka madax banaan Soomaaliya ayaa hanjabaad kulul u jeedisay Shirkadaha Turkiga iyo...
05/07/2026

Punrland oo isku aragta inay tahay Dal ka madax banaan Soomaaliya ayaa hanjabaad kulul u jeedisay Shirkadaha Turkiga iyo Dowlada Turkiga.

War-saxaafadeed ay soo saartay Maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in Dfs aysan xaq u lahayn inay heshiisyo caalamiya la gasho Shirkadaha Ajanabiga ah iyadoo aan lagala tashan Maamul Goboleedka Puntland.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa Muqdisho u yimid dhamaystirka Heshiiskii uu la galay DFS ee uu ...
04/07/2026

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa Muqdisho u yimid dhamaystirka Heshiiskii uu la galay DFS ee uu uga tanaasulay Hankiisi Doorashada Galmudug.

Waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Taliyaha Nabad sugida Qaranka Xildhibaano iyo Musharaxa JSP ee Galmudug Liibaan Shuluq.

MUCJISO IYO TAARIIKH.Xulkii ugu horeeyay ee qaada Koobka aduunka iyo Xulka marti galinaya Galinaya Koobka Aduunka 2030ka...
27/06/2026

MUCJISO IYO TAARIIKH.

Xulkii ugu horeeyay ee qaada Koobka aduunka iyo Xulka marti galinaya Galinaya Koobka Aduunka 2030ka ayaa ka haray Tartanka Koobka Aduunka 2026 halka Jaziirada yara ee Cape Verde ay kasoo baxday Guruubkii ay kuwada jireen.

Sadex Bareejo (barbaro) ayaa ka caawisay Cape Verde inay u gudubto kulmada kala baxa (Knockouts) ee Koobka Aduunka.

Cape Verde waxay aruursatay Sadex dhibcood oo kaliya oo ay ka heshay Xulalka Spain,Uruguay iyo Sacuudiga waxayna dhalisay laba gool oo kaliya waxayna kusoo baxday Kaalinta labaad ee heer Guruurbyada.

Cape Verde ayaa noqonaysa Mucjisada Koobka Aduunka 2026.

Xulalka Afrika ayaa sanadkaan wacdaro ka dhigaya Koobka Aduunka 2026.

"Waan tanaasulay waxaana xilka sii haynayaa inta lasoo dooranayo qoladii na badali lahayd"Madaxweynaha Galmudug Axmed Ca...
25/06/2026

"Waan tanaasulay waxaana xilka sii haynayaa inta lasoo dooranayo qoladii na badali lahayd"

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor.

21/06/2026

Shacabka Muqdisho Xaaladooda maanta waa sidaan Maalmo kahorna ninkii Masuulka ka ahaa Caasimada ayaa kaligiis Abaalmarin isku siiyay inuu wax badan ka qabtay Caasimada

Halkaan waa Xaafada Ceelqalow ee Degmada Wadajir waana Goob ay shacabka iyo Gaadiidka dhib xoog leh ku qabaan marka uu Roob yimaado.

Waxaa dhawaan dhisay biyo mareen halkaas laga sameeyay Shirkada Kulmiye waxayna Shirkadaas gacanta ku haysay mudo hal bil ah inay qashinka ka saarto Biyo mareenka balse Bil kadib waxaa Maamulka Gobalka Banaadir laga waayay Shaqaale Qashinka iyo Ciida ka saara Biyo mareenkii la dhisay waana taas Shacabkii iyo Shirkadihii Canshuur bixiyayaasha ahaa meel ay maraan maanta ka waayay kadib markii uu xirmay Biyomareenkii.

Waxaa xusid mudan in Shaqsiga ku magaacaban Masuulka Gobalka Banaadir ugu sareeya uu dhawaan kaligiis isku abaal mariyay isla Degmada Wadajir.

Hadaba waxqabadka Gudoomiye Muungaab isku caana shubay ma waxay ahayd Shacabku inay dabaashaan Gaadiidkana looga dhex tago Biyaha Dhexdooda.

Markii ugu horeysay waxaa Dalka Madaxweyne ka ah Qof Dumar ah.Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji oo shalay la wareegtay Xilka G...
21/06/2026

Markii ugu horeysay waxaa Dalka Madaxweyne ka ah Qof Dumar ah.

Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji oo shalay la wareegtay Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa maantana noqotay kusimaha Madaxweynaha JFS madaama uu Dalka ka maqan yahay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Inta uu Madaxweynaha Dalka ka maqan yahay Isbadal muuqda hadii ay kusoo kordhiso Siyaasada Dalka Marwo Sacdiyo macquul ma tahay in Dumarka markooda Fursad loo siiyo inay Dalka hogaamiyaan.

20/06/2026

Saciid Deni Madaxweynaha Puntland oo si quus ah uga hadlay Xaalada Dalka kuna dhaga hadlay qaar kamida Mucaaradka.

DEG DEG: Maxaa looga wada hadlayaa kulanka hada Madaxtooyada Galmudug  uga socda Madaxweyne Qoor qoor iyo Taliyaha Nisa ...
19/06/2026

DEG DEG: Maxaa looga wada hadlayaa kulanka hada Madaxtooyada Galmudug uga socda Madaxweyne Qoor qoor iyo Taliyaha Nisa Mahad Salaad.

Iftin News ayaa ogaatay xogta qodobada ay kawada hadlayaan labada Masuul.

Kulankan ayaa looga wada hadlayaa 3 qodob oo lagu soo afjarayo isfahamwaagi siyaasadeed ee u dhaxeeyay Galmudug iyo Villa Soomaaliya.

1. In Mahad Salaad iyo Raaiisal Wasaare Xamse oo la filayo dhawaan inuu gaaro Caasimada Galmudug ay ka dhaadhicyaan Qoor Qoor inuu ogolaado inuu wada hadal la yeesho Madaxweyne Xasan Sheekh oo la abuuro jawi wada hadal.

2. In Doorasho Qod iyo Cod ah laga qabto Galmudug Madaxweynaha Galmudug laga dhaadhiciyo inuu aqbalayo Gudiga Doorashada oo Galmudug ay saluug badan ka muujisay.

3. In laga wada shaqeeyo sidii xal nabdoon loogu dhamayn lahaa isfahamwaaga siyaasadeed loogana fogaan lahaa iska horimaadyo hubeysan inay ka dhacaan Galmudug.

DEG DEG: ogo hoose ayaa tilmaamaya in Musharaxa JSP ee Galmudug laga heshiiyay hadaba yaa Mudan Galmudug inuu Xiligaan H...
15/06/2026

DEG DEG: ogo hoose ayaa tilmaamaya in Musharaxa JSP ee Galmudug laga heshiiyay hadaba yaa Mudan Galmudug inuu Xiligaan Hogaamiyo labadaan Musharax?

Address

10 Yeldham Road
London
W68JE

Telephone

+252610222281

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Iftin News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Iftin News:

Share