02/04/2026
Jigjiga:- Qayb kamida Bulshada Gobolka Doollo gaar ahaan beesha Reer xaamid oo uu Hogaaminayo islaanka beesha Islaam Cawil Islaam Xasan Cigaal Ayna ku waheliyaan Masuuliyiin kala duwan Ayaa kulan Qado Sharaf ah ku yeeshay Huteelka Duule ee Magaalada Jigjiga.
Kulan ayaa xooga lagu saaray mideynta bulshada iyo Arimaha doorashooyinka DDS,kulanka Waxaa la iskula qaatay in si dhamaysitan loo tageero Musharax Xildhibaan Jabarti Cumar Nuur oo u taagan Doorashada xildhibaanada DDS ee Degmada Gallaadi
Kulanka Waxa kasoo qayb galay Xildhibaan Aasiya Abdinaasir, Gudoomiye h**e Abdiqani Abdille, Gudoomiye h**e Abdifatah Sayid, Odayaal Aqooyahan iyo Ganacsato.
Ceel-cad press