Sool 24 TV

Directions Contact the business

Sool 24 TV Sool24 TV Waa Warbaahin Bulsho waxaad ka helaysaa Warar & xogo xaqiiqo ku dhisan | Sool24 TV | 0906661999 https://www.tiktok.com/

12/10/2026
12/10/2026

Xagay Tagayaan haday Go'aan Puntland. Aniga ku biirina Somalia ha iska Tagaan.

Faysal cali waraabe'

Habmaamuska Xuska Calanka Soomaaliya iyo Madaxda, Raiisal Wasaaraha ayaa gadaal taagan halka ay kasoo h**eeyaan MADAX uu...
12/10/2026

Habmaamuska Xuska Calanka Soomaaliya iyo Madaxda, Raiisal Wasaaraha ayaa gadaal taagan halka ay kasoo h**eeyaan MADAX uu ka teetal sareeyo.

Ugu yaraan 139 muhaajiriin ah, oo ay ku jiraan 15 carruur ah, ayaa ku dhintay kaddib markii doon ay la socdeen ay ku deg...
12/10/2026

Ugu yaraan 139 muhaajiriin ah, oo ay ku jiraan 15 carruur ah, ayaa ku dhintay kaddib markii doon ay la socdeen ay ku degtay xeebaha Jabuuti, halka tobannaan qof oo kale weli la la’yahay, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan socdaalka.

Taliyaha ciidamada badda ee Ilaalada Kacaanka Iiraan (IRGC), Alireza Ozamai, ayaa ka digay in maraakiibta damiya nidaamy...
12/10/2026

Taliyaha ciidamada badda ee Ilaalada Kacaanka Iiraan (IRGC), Alireza Ozamai, ayaa ka digay in maraakiibta damiya nidaamyada lagu ogaado dhaqdhaqaaqooda iyo kuwa maraakiibta kale loo aqoonsan doono “cadow”, isla markaana laga qaadi doono tallaabo adag.
Dhanka kale, ku-xigeenka wasiirka arrimaha dibadda Iiraan, Kazem Gharibabadi, ayaa sheegay in Marinka Hormuz uu yahay khad cas oo la xiriira amniga qaranka Iiraan, isla markaana uu yahay aalad ay dalku isku difaacdo.

Xildhibaan Axmed Siciid Faarax “Madaale” ayaa soo dhaweeyey magacaabista G/Dhexe Cabdiraxmaan Cawad Baalcaadde, oo loo m...
11/10/2026

Xildhibaan Axmed Siciid Faarax “Madaale” ayaa soo dhaweeyey magacaabista G/Dhexe Cabdiraxmaan Cawad Baalcaadde, oo loo magacaabay Taliyaha Qaybta 26-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, isaga oo magacaabista ku tilmaamay fursad muhiim ah oo ay heleen bulshada gobollada Sanaag iyo Haylaan.

Xildhibaanku wuxuu dhaliilay Madaxweyne Ku-xigeenka Waqooyi Bari, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo uu ku eedeeyey inuu ka horyimid magacaabista, isla markaana khilaaf iyo kala qaybsanaan ka dhex abuuri karo bulshada. Wuxuu ugu baaqay inuu joojiyo tallaabo kasta oo dhaawacaysa wadajirka bulshada, isla markaana hay’adaha amniga laga ilaaliyo siyaasadaynta.

LAFTA-GAREEN OO KU DHAWAAQAY IS-CASILAAD'Madaxweynihii h**e ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis...
11/10/2026

LAFTA-GAREEN OO KU DHAWAAQAY IS-CASILAAD'

Madaxweynihii h**e ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen), ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka, isaga oo sheegay inuu mudnaanta siinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Lafta-Gareen ayaa sidoo kale bulshada iyo siyaasiyiinta ugu baaqay inay la shaqeeyaan Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Madoobe, si loo xaqiijiyo nabad iyo midnimo bulsho.

11/10/2026

Abwaan kan Qabiil Somaliyeed oo uu dhaafay majiro.

11/10/2026

Halkan Daawo waxa ka dhacaya ' Waxana lagu Edeeyay Male shiyaad ka Amar qaata Madaxweyne h**e Shiikh shariif.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay si adag ugu cambaaraysay weerarro...
11/10/2026

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay si adag ugu cambaaraysay weerarro iyo falal hubeysan oo lagu qaaday ciidamada Ilaalada Shacabka ee hay’adda, kuwaas oo ka howlgalayay Laanta Koowaad ee Waaxda General Daa’uud, degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

NISA ayaa sheegtay in falalkaasi ay ku lug leeyihiin maleeshiyaad hubeysan oo ay sheegtay inay ka amar qaataan Madaxweynihii h**e ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed.

Address

Via Villa San Pietro 60 Pizzoli
London
67017

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Sool 24 TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Sool 24 TV:

Shortcuts

Share