24/11/2020
Wargeyska New Zimbabwe ee ka soo Baxa Dalka Zimbabwe ayaa Akhristayaashiisa usoo Bandhigay sanadkii 2019 waxyaabihii ugu Qosolka badnaa ee la diiwaan geliyey .
Waxayna soo qaateen Qosolkii Xikmadaysnaa ee laga Diiwaan geliyey Madaxweynihii Geeriyooday Robert Mugabe .18 Sax ah oo la diwan galiyey.
1. Waxaan La hadlayaa Dumarka Iyagoo La qabo Sawirada Qurxoon Soo Dhigaya facebook, walaashey Waligaa ma Aragtay Alaab La iibsaday oo hadana La xayaysiinaayo?
2. Haddii Dawladu Make-up ka ay Mamnuuci Lahayd, Carruur badan Ma aysan Aqoonsadeen Hooyadood.
3. Haddii aad rabtid in aad Ogaatid Dhibaatada ay Leedahay Halka Xaas, Moobeelkaaga Dhamaan Heesaha ku jira Iska Tir-tir (dalete), Marka laga reebo hal Hees, Heestaas Mar Walba Dhageyso, Ma u Heli Lahayd Wax Xiiso ah Dhegaysiga Heestaas?
4. Guurku Waa wax Ragga u Macaan, Guriga ayaad soo Gashay, Cuntadii baad Sugtay, Waa Laguu keenay, Waad Cuntay, Kadib Qoftii Cuntada Kuu Keentay ayaad hadana weli wax kasii raadinaysaa
5. Africa Haddaad Aragto Nin iyo Xaaskiisa oo Guriga Banaankiisa Fiidkii Ku Layrsanaya ha Moodin Romantic waa Laba Mid uun
1. Korantada Ayaa Ka Maqan Guiga. 2. Alaabta Guriga Ayay iskaga Buufiyeen Sun.
6. Hablaha ka Weyn 25 Sano Jirka valentine’s day Uma Dabaal-dagi karaan, ha u Dabaal-Degaan Women’s day.
7. Ha Guursan Haweeney (Garoob ) Carmal oo ilme Wadata, Waayo Lama Arag Ciyaar hal Gool iyo Eber ku Bilaabmanta.
8. Haddii uu Daanyeerku Lacag Haysan Lahaa, Dumarka oo dhami Duurka Kaynta ayey ku Noolaan Lahaayeen.
9.Haddii ay Gabar Dal kale Kugu Tiraahdo idhunko , Sifiican u Dhunko, Maxaa Yeelay Waxaad Metelaysaa Dalkaagii oo dhan.
10.Kawaran Haddaad Aroos kasta ka Qayb gasho, Walina Aad Tahay Single, Waxba k**a Duwanid Hoolka Aroosku ka Dhacaayo Ama Taandhada lasoo kiraysto
11.Gabdhaha Dhashay 1990 Kii, Welina Aan La Guursan, Waxaan Xasuusineynaa 2020 iney 30 jir Noqonayaan, Markaa iska Sii Wata Su’aalihiina Nacasnimada Ah, Sida:- Halkee Kasoo Heshay Numbarkayga? Yaa Kusiiyey Numberkayga?