Amoore Lamaane

Amoore Lamaane Kusoo Dhawaada Amoore Lamaane Oo aad Ka Heli Doontaa Warar Xiisa Leh Iyo Suugaan Iyo Wax Fara Badan

Waxaan Halkaan Uga Tacsiyenayaa Geeridii Ku Timid Eedo   Xirsi Dheere oo Ku Geeriyootey Magaalada Caabuwaaq Rabi Ha U Na...
19/10/2024

Waxaan Halkaan Uga Tacsiyenayaa Geeridii Ku Timid Eedo Xirsi Dheere oo Ku Geeriyootey Magaalada Caabuwaaq Rabi Ha U Naxariisto Qabrigeedana Allaha U waasiciyo . dhamaan Meel kasta Ay Dunida Ka Joogaan Reer Samir Iyo Imaan Allaha Idinka siiyo Duco ayey Inaga Mudantahay ...Alle waxaan Ka Baryayaa In Uu Marti La jecel yahay ka dhigo.

لا إله إلا الله وحده انا لله وانا اليه راجعون اللهم اغفر لها وارحمها ووسع مدخلها واجعل قبرها روضة وارفع درجاتها وأكرم نزلها ..وموتى المسلمين.. اللهم اغفر لها و ارحمها و وسع مدخلها و اغسلها بالماء والثلج والبرد ونقها من الذنوب والخطايا كما ينقى الثوب الأبيض من الدنس

Waa wax Lala yaabo Siyaasiinta Soomalida Farmaajo waa  Geele Waa   Kagame In   Diro Waa saxFarmaajo In U Raisalwasaaraha...
16/05/2021

Waa wax Lala yaabo Siyaasiinta Soomalida

Farmaajo waa

Geele Waa

Kagame In Diro Waa sax

Farmaajo In U Raisalwasaaraha Uu Diro Waa .

Geele In Uu Martiqaado Waa Sax

Biixi Sida Madexweyna Loo Qaabilo Waa Sax

24/04/2021

Sidee Xal Looogu Helaa Dawlad Diidka Iyo Fikirka Gaaleyseynta

Nagaad Company
24/04/2021

Nagaad Company

24/04/2021
01/04/2021
13/02/2021

Ahmed Farah Ali (Idaajaa) Iyo Sugaanta

Heestii DawladnnimoDr. Abdirahman BeilehFebruary 13. 2021Salaamu Claykum Soomaalida daafa dunida kala joogta. Waa maalin...
13/02/2021

Heestii Dawladnnimo
Dr. Abdirahman Beileh
February 13. 2021

Salaamu Claykum Soomaalida daafa dunida kala joogta. Waa maalin Sabti soo geleyso bisha Labaadna tahay 13, Sannadkan 2021.

Nabad iyo barwaaqo ayaan ilaahay ka barryeynnaa. Talo way baahsantahay, arrimo badan oo murugsan ayaa horteenna yaalla. Caydh iyo cawriir ayaad mooddaa in u innagu soo fool leeyahay. Raqbase waa ku raggeeda, waa maahmaah Soomaaliyeed, dalkanna Innaga ayaa iska leh. Innaga keliya ayaana badbaadin karnna. Siyaasaddu waa halkeedee waa in ay jiraan wax inna dabra oo aan, yar iyo weyn, lab iyo dhiddig, ka midaysannahay, ka wada damqanno oo dhaammaan inna sarakiciya. Haddii aan taasi jirin, dal ma jiro. Taas xakama ku ruug. Waa dalkan lahaanshihiisa, difaaciisa iyo maamulkiisa habboon.

Caawa jiiftada aan an idinku sooryeynayaa waa DAWLADNNIMO. Dhawaanahan ayaan curiyey. Waxa ay ka hadlaysaa dawladnimmo in ay u taagantahay sharafta iyo milgaha ummadi leedahay. Xurmmayn iyo is-barbartaag ayey ku darartaa oo ku tamarisaa iyada oo shuruucda ummaddu dhigatay ku hawlgeleysa. Dawaladnnimo gabannimo ayey u taagantahay. Dadkeeda ayey wax ku tahay. Ayaan la fududeysan Soomaaliyeey.

Waa tan heestii Dawladnnimo:

Hannaankeeda dawladnnimo
Hufnnaantiyo kala dambbaynta
Hummaaggiyo tiigsigeeda
Haloosiga geeddigeeda
Horseedka abaabulkeeda
Heestiyo qabanqaabadeeda
Tallaabada haybaddeeda
Astaantiyo haykalkeeda
Waxay ku hawaawidiyo
Danteeda u heellanaanta

Heshiisyo markay geleyso
Sharciga u hoggaasanaanta
Geed weeyaan lagu hirtaayoo
Hadhkiisana lagu gam’aayoo
Hugaa kaa dhalasho roone
Naftaadaa loo huraa

War hooy hooy hooy waryaa hoy
Adeeroow naga hor leexda
Hebliyo hebeloow na daaya
Tubtaa dheerbuu hayaaye
Hareer uga joogso awrka
Haraatidu yey ku qaadan

Horaan uga soo hafeetay
Haddana qalinkaa hayaayoo
Hoostaan ka xarriiqayaayaa
Qaarbaa hagraddamo wada
Inay himiladu dayowdo
Inay hilinkeeda seegto
Ilaa weligood ku hawllan
Hoheey iyo waa waheey ah
Qaarbaa hilbahooda quuta
Qaarbaa hadal aan wax tarin
Huuhaada ku caanamaala

Dadyohow waxa lama huraan ah
Dalkani hiil buu mudnnaaye
Haddii nin walliba hankiisa
Haybtiisa intuu xambbaarto
Hillaabto go’iisa cawlan
Hoggiisa dallaallimaysto
Dantiisa ka hoolifeysto
Waxbay dadku hiigsadaanoo
Halbeegbay tiigsadaane
Hadduu hiyigii asqoobo
Dibbaad u hadhee ogoow

Dabbaad hurisaan abiidoo
Haamaha madhanbaad tuntaanoo
Dabeeto ku hoobataane
Halyeyadii wey li’deene
Ayaa reerkii ku hadhayoo
Hambbada yaa looga tegey

13/02/2021

Allaha U Naxariista Sh Omar Faaruuq

12/02/2021

Qiso Cajiib ah .

Macaan Gooyaha ayaa U galey Nabi Da,ud C.S.W , Waa Uu Soo Kacay Nabi Da,ud Waana Uu Salaamay Macaan gooyahii Kadibna Waxaa Uu Yiri Macaangooyow Ma waxaad U Timid In aad Naf Qaado Mise Booqasho ?.

Macaan gooyahii Waxa Uu Yiri Maya Ee Waxaan U imid Wiilka Yar ee Fadhiya in Xaaladiisa Kuu Sheego .

Inta Kale Sii Dhageyso Walaal lana wadaag Azxaabtaada Qaaliga ah

Umma Mohamed Laba   ayey Leedahay (Ama Booyaso).Abuu Ahmed Wuxuu Lee Yahay laba   .Azxaabee Ciyaarta Ma Bareejaa Mise Wa...
12/02/2021

Umma Mohamed Laba ayey Leedahay (Ama Booyaso).

Abuu Ahmed Wuxuu Lee Yahay laba .
Azxaabee Ciyaarta Ma Bareejaa Mise Wali Ciyaarta Waa Socotaa ?

12/02/2021

Kusoo Dhawaada Pageka Cusub Ee Amoore Lamaane

Address

7 Street
Nairobi

Telephone

+254746038111

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Amoore Lamaane posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share