Luulyo Tv

Luulyo Tv Warar, Wareysiyo & Muuqaallo ku xiisa geliya kala soco LUULYO SHOW

Taalibaan ayaa sheeganaysa inay la wareegtay madaxtooyadda dalka Afghanistan.Wararka laga helayo magaalada Kabul ayaa la...
15/08/2021

Taalibaan ayaa sheeganaysa inay la wareegtay madaxtooyadda dalka Afghanistan.

Wararka laga helayo magaalada Kabul ayaa lagu sheegaya inu iskaga baxay madaxweyne Ashraf Ghani.

Taalibaan ayaa sheegtay inaysan sameeyn doonnin wax argoosi ah, oo dadka ku nool kabul ay ka mid noqon karaan dowladda Islaamiga.

Dhanka kale, Ruushka ayaa qorsheynaya in uu diyaariyo kulan deg deg ah oo ay yeeshaan golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, si looga wada hadlo xaaladda ka taagan dalka Afghanistan.

Gudoomiyihii Ciyaaraha Degmada  , ahaana Goolhayihii H**e ee xulka Qaranka iyo Kooxdii Munashiibiyo Cabdi Weli Colaad Qa...
07/05/2020

Gudoomiyihii Ciyaaraha Degmada , ahaana Goolhayihii H**e ee xulka Qaranka iyo Kooxdii Munashiibiyo Cabdi Weli Colaad Qanyare Gaatamoow oo Caawa Kooxo Hubeysan ay ku Dileen Dagmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

25/04/2020

Taalada Daljirka Daahson ilaa Isgoyska Jubba waxa ka socda Dibad bax ay dhigayaan Dad ka careysan Dil Xalay Ciidamada Booliska Soomaliya ay ugeysteen laba Qof oo Rayid ah.

Ciidamada ayaa Saaka Rasaas ku Ridaya Dadka Shacabka ah kuwaasi oo Taayaro ku gubay Wadada.

16/04/2020

FANAANKA MOHAMED BK OO HEES CUSUB USOO QAADAY PUNTLAND.

 : Dowladda Puntland ayaa saaka oo Talaado ah qisaastay laba  xukmane oo lagu helay Kiiskii Caa’isha Ilyaas.Cabdifitaax ...
11/02/2020

: Dowladda Puntland ayaa saaka oo Talaado ah qisaastay laba xukmane oo lagu helay Kiiskii Caa’isha Ilyaas.

Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame, Cabdishakuur Maxamed Dige ayaa lagu qisaasay fagaare ku yaalla magaalada Boosaaso halka Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame laga reebay.

Xukmanaha saddexaad ayaa mudda 10 cisha ah dib loo dhigay kiiskiisa kadib markii uu sidaasi codsaday Ilyaas Aaden oo ah aabbaha dhalay Caa’isha.

Raggaasi, ayaa maxk**adda derejada kowaad ee gobolka Nugaal, waxay dil toogasho ah ku ridday 12-May-2019, Xukunkaasi oo maxk**adda Rafcaankuna ku raacday 30-June-2019.

Sidoo kale, maxk**adda sare ee Puntland ayaa 25-kii August 2019, si rasmiya u ayidday dilkii lagu riday saddexda xukmane, balse cabasho ay xukunka ka qaateen ayey mar kale maxk**adda sare laashay 23-ka October 2019.

24-kii February 2019 Caa’isha Ilyaas Aaden oo da’deeda lagu sheegay 12-sano jir, ayaa lagu waayay xaafadda Siinaay ee Waqooyiga Gaalkacyo kadib markii adeeg loo diray.

Maalintii xigtay ee 25-kii February 2019, Subax aroortii ayaa aga’gaarka gurigooda laga helay maydkeeda oo kufsi iyo jir dil ba’an loo geystay.

Dhacdadaasi, ayaa bulshada Soomaaliyeed ka dhex dhalisay fal-celin xooggan oo ku wajahan, in ay caddaalad hesho gabadhaasi yare e Caa’isha Ilyaas.

03/02/2020

Xildhibaano jawaab kulul ka bixiyay ardeyda Puntland ee shahaadadi loo diiday & Goodax Barre oo Digniin Adag loo jeediyay.

QARAXYO LOO ADEEGSADAY KAAMIROOYINKI LAGU XIRAY WADOOYINKA MUQDISHO. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa siweyn looga maqlay x...
30/01/2020

QARAXYO LOO ADEEGSADAY KAAMIROOYINKI LAGU XIRAY WADOOYINKA MUQDISHO.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa siweyn looga maqlay xilligii Salaada Subax jugta qaraxyo Culus,kaas oo dadka ku nool Magaalada Muqdisho ay siweyn u dareemeen cabsina ku abuurey.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxyo lagu xirey qaar kamid ah Kaamirooyinka ay hay’adaha Amniga Soomaaliya ku xireen Wadooyinka Muqdisho gaar ahaan wadada Maka Al-Mukarama.

Xilliga ay dhacayeen Jugta qaraxyada ayaa waxaa markii h**e ay dadka u maleynayeen in hoobiyeyaal ay kusoo dhacayaan magaalada Muqdisho,hayeeshee markii uu waagii baryey la ogaadey in la qarxiyey qaar kamid ah kaamirooyinka lagu xirey meelo kamid ah wadada Maka Al-Mukarama.

Dad saakay tegay qeybo badan oo kamid ah wadada Maka Al-Mukarama ayaa waxaa sheegeen in dhowr kaamirooyin ah la qarxiyey,kuwaas oo gebi ahaan burburey.

Goobaha wadooyinka ah ee lagu xirey Kaamirooyinka ayaa waxaa inta badan Bar-koontorool oo Gaadiidka lagu baaro ku leh Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya,hayeeshee aan la ogeyn sababta keentay in kaamirooyinka qaraxyo lagu xiro lana qarxiyo.

Laamaha Ammaanka Soomaaliya weli wax war ah k**a soo saarin kaamirooyinka la qarxiyey,waxaana saaka si caadi ah u Shaqeynaya Gaadiidka iyo Goobaha Ganacsiga ee wadada Maka Al-Mukarama oo ay ku xirnaayeen kaamiooyinka la qarxiyey.

Address

12 Street
Nairobi
00254

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Luulyo Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category