SRAJ News

SRAJ News Hadalyar iyo Howlbadan

An independent and Outlet News that covers the Truth towards the oppressed and Marginalized Somali people who were under occupied since 1954 by the Ethiopian government under the consent of the British government through the barrel of gun.

30/05/2026

Hogaanka nabadgalyada deegaanka, Cabdiqaadir Hooley, oo ah shaqsi ay ku badan yihiin cuqdad iyo eex, ayaa Luul Ibraahim Guraash kula kacayo falal cadaadis iyo takoor ah. Sababta uu gabadhan ula dagaalamayo ayaa ah sidee adiga oo ONLF ka sharaxan aad iigula tar-tami kartaa Gurre Dhamoole.

Waxaa intaas ka sii daran cabashooyinka la xiriira dhibaatada iyo cadaadiska lagu hayo gabadhan iyo qoyskeeda, kuwaas oo la sheegay inay wali socdaan. Waxaa intaasba ka sii daran wanjalka iyo dhibta uu gabadhan ku samaynayo asaga oo ururo aanba deeganka ka jirin ku tilmaamaya gabadhan iyo qoyskeeda sida ururuka Shane oo deeganka oromia ka dhax dagalama.

Xanuun ogaaden la yidhah ayaa in mudo ahba haya ina hooley goor uu ka caafimaadina aan la garanaynin gabadhan qoyskiisa ah waxas oo wanjal iyo dagaal ah wuxu ugu samaynaya waa magaca xisbiga ONLF wax xarafka "O" ah-maba arki karo ilahay amarkiis. Hoos ka daawo luul oo si faah-faahsan uga war bixinaysa caqabadaha dhibaatada uu ina hooley ku hayo.

SRAJ News

Ragii Kale Way Tageen Goobahoodi, ee Maxaa Danjire Jemal Beker Wardheer Looga Horjoogsaday?Waxaan wada ognahay, waana ar...
30/05/2026

Ragii Kale Way Tageen Goobahoodi, ee Maxaa Danjire Jemal Beker Wardheer Looga Horjoogsaday?

Waxaan wada ognahay, waana arrin mudan in la iswaydiiyo, in rag badan oo ka dhex muuqday liiska musharaxiinta xisbiga PP ay ahaayeen kuwo aanu ku qanacsanayn Madaxwaynaha Deegaanka, Mustafa Cagjar.

Ragaas oo dawlada dhexe iyo xisbiguba si xoog ah ugu dareen liiska tartamayaasha xilka xildhibaanimo, halka Mustafa Cagjar uu siyaabo kala duwan oo siyaasadeed ugu diidanaa inay ka qayb galaan tartanka doorashada.

Magacyada ragaas, kuwa ugu caansan uguna muhiimsan, waxaa ka mid ah:

1. Mohamed Omer-Magaalada Godey
2. Dr. Cabdiwasaac Bade- Magaalada Qabribayax
3. Danjire Dr. Jamaal Bakar- Magaalada Wardheer
4. Dr. Suldaan Wali-magalada fiiq

Arinta iswaydiinta mudan ayaa ah in dhamaan ragaas ay tageen goobihii ay ka sharixnaayeen iyo deegaanadii ay codadka ka doonayeen, marka laga reebo Danjire Dr. Jamaal Bakar. Hadaba, maxaa gaar ka dhigay Jamaal oo cadaadis gaar ah loo saaray? Mayaa laga tol fiicnaaday, mise waxaa jira wax kale oo aynaan wali ogayn?

Isniinta ayaa la filayaa in Jamaal u dhaqaaqo Wardheer, iyadoo aanu wali tagin goobtii uu ka sharixnaa. Xogo hoose oo aanu helayno ayaa sheegaya in maalintaas uu diyaarad militari ku tagi doono magaalada Wardheer.

Hadii arintaasi rumoowdo, Jamaal wuxuu muujiyay geesinimo iyo adkaysi, isagoo jabiyay caqabadihii iyo kala fogaanshihii lakala dhax dhigay isaga iyo tolkiisa.

Inuu guulaysto iyo inuusan guulaysanba waa wax dhici kara, oo ragii waxaas oo dagaal ah ku qaaday wali waa joogan balse waxa muhiimka ahi waa inuu jabiyo darbi lagu sheegay in loogu diiday inuu wardheer tago, una tago tolkiisa jecel ee mudada dheer sugayay.

SRAJ News

Wardheer: Kursigii Jemal Beker  Oo La Isku Haysto, Shacabka oo Amar  Lagu Saaray In Ay Doortan Xubinkii ONLF ee Laga Gar...
30/05/2026

Wardheer: Kursigii Jemal Beker Oo La Isku Haysto, Shacabka oo Amar Lagu Saaray In Ay Doortan Xubinkii ONLF ee Laga Garab Sharaxay!

Saaka, degmada Wardheer waxaa ka dhacay shir ay isugu yimaadeen Faysal Rashiid iyo xubnihii kale ee ka sharaxnaa degmada. Bulshada ayaa lagu wargaliyay, laguna amray in qofka loo sheego kaliya ay iyagu doortaan.

Sidoo kale, waxaa la sheegaya in kursigii uu ka sharaxnaa Danjire Jemal Beker loo xidhay xubinkii xisbiga ONLF oo kaliya, waxayna bulshadu xiisaynaysay in Jemal booskaas ka soo baxo. Inkastoo shacabka awood rasmi ah u lahayn in ay wax doortaan ama diidaan, hadana waxa tartamaya labo xisbi ma aha waa hal xisbi oo kaliya.

Xisbiga PP gudihiisa ayaa tartan ka socda, waxaana la doonayaa in xubin ONLF ah lagu soo saaro booskaas, iyadoo awoodaasi ay siinayan xisbiga PP. Jemal oo Isla xisbiga PP, ka sharaxna ayaa la kulmaya dagaal iyo cadaadis aysan u kala hadhin maamulka deeganka, xisbiyo doorashadan ku tartamaya ma jiraan rag baa isku dhax haya xisbiga PP dhaxdiisa waxayna u muuqata in la isku awood sheegtay.

Waxaad mooda in shirwaynihii xisbiga ee u danbeeyay sidii ay wax u dhaceen si lamid ah im ay wax u socdaan, aan ka wardhawro ilaa Isniinta sida ay wax u dhacan.

30/05/2026

Wardheer iyo kararkii doorashada oo jebabka lagu gurtay!

Wardheer ayaa noqotay meelaha ugu badan ee mustafe cagjar sida gaarka ah ula dagaalamo haldoorkeeda. Shirkii maanta ka dhacay Wardheer ayay xogo yaableh iga soo gaadhayan, iyadoo amaro adag la siiyay bulshada.

La soco warbixin xasaasi ah oo aan mardhaw idinla wadaagi doono.

SRAJ News

30/05/2026

Gobalka Doollo Degmada Wardheer.

Karaarki doorashada oo jawaano lagu gurtay. Tolow yay ka boobayan oo ay ka cabsanayan wixiiba iyaga gacanta ku haystee.

SRAJ News

Gaadhigan dawladeed ee ku dhaganyihiin sawirada musharixiinta PP ayaa maanta daad-guraynaya kaarar qabalayaal horay loog...
30/05/2026

Gaadhigan dawladeed ee ku dhaganyihiin sawirada musharixiinta PP ayaa maanta daad-guraynaya kaarar qabalayaal horay looga soo qaaday, si maalinta Isniinta loogu kaydsado sanduuqyada cod-bixinta.

Sida sharciga ah, sanduuq kasta waa inuu madhnaadaa, laakiin bulshada ma lala wadaagi karaa waxa gudaha ku jira? ma Sokor-ba mise bur cad? Inaad doorashada boobteen, waa xaqiiq, laakiin yaysan noqon doodo mustaqbalka aad la timaadan.

30/05/2026

Waa halka uu deeganka gaarsiiyey Mustafe Cagjar, siyaasadii uu xeeradi Xalane kala yimid ayaa daraf ilaa daraf deeganka qabsatay.

Hadii Islaan gobollada dhexe ah ay maanta sidan u hadli lahaayd, wixii ku dhaca waa la yaabi lahaa.

SRAJ News

WAR DEG-DEG AH:Xiisada ka taagan gobalka Tigray ayaa si wayn u sii kordhaysa, kadib markii warar kala duwan ay sheegayaa...
29/05/2026

WAR DEG-DEG AH:

Xiisada ka taagan gobalka Tigray ayaa si wayn u sii kordhaysa, kadib markii warar kala duwan ay sheegayaan in TPLF ay bilowday ururin xoogan oo dhalinyaro ah, kuwaas oo si qasab ah loogu daad-guraynayo xeryaha ciidamada.

Ilo deegaanka ku sugan ayaa sheegaya in toddobaadyadii ugu danbeeyay kumanaan dhalinyaro ah laga qaaday magaalooyin iyo tuulooyin kala duwan, iyadoo lagu wado xarumo ciidan oo lagu siinayo tababaro deg-deg ah. Qoysas badan ayaa la sheegay inay walaac xoogan ka muujiyeen qaabka loo ururinayo dhalinyarada iyo cabsi laga qabo dagaal cusub oo gobolka ka qarxa.

Wararkan ayaa kusoo beegmaya xili uu sii xoogaysanayo khilaafka siyaasadeed iyo amni ee u dhexeeya dawlada Federaalka Itoobiya iyo hogaanka TPLF. Calaamadaha kasoo baxaya dhinacyada isku haya awooda ayaa muujinaya diyaar-garow ciidan iyo is-aaminaad la’aan sii badanaysa.

Falanqeeyayaasha siyaasada Geeska Afrika qaarkood ayaa aaminsan in xaaladu u muuqato mid u jihaysan iska horimaad cusub, gaar ahaan marka ay dhamaadaan arimaha doorashooyinka iyo isbadlada siyaasadeed ee socda. Waxay sidoo kale ka digayaan in hadii xiisadan aan xal deg-deg ah loo helin, ay saamayn culus ku yeelan karto shacabka rayidka ah iyo xasiloonida guud ee Itoobiya.

SRAJ News

29/05/2026

Maamul Mise Caburin, Farqiga U Dhexeeya Hadalada Mustafa Cagjar iyo Xaalada Dhabta Ah!

Ceebaha iyo dhibaatooyinka maalin walba ka dhacaya deegaanka waxaa uga daran tacadiyada iyo dulmiga loo gaysto dumarka iyo dhalinyarada shacabka ah. Inkasta oo Mustafa Cagjar marar badan ku celceliyo in uu hogaamiyo “maamul shacabka u naxariista” isla markaana uu sameeyay “ciidan aan shacabka dhibaateynin,” hadana xaqiiqada ka jirta deegaanka ayaa si cad uga hor imaanaysa hadaladiisa.

Hadalka Mustafa Cagjar iyo waxa dhabta ah ee ka socda deegaanka waa laba arimood oo aad u kala fog. Maamul xumada, musuqa, caburinta iyo dhibaatooyinka joogtada ah ee shacabka lagu hayo intii uu xilka hayay waxay noqdeen wax si maalinle ah loo dareemayo. Waxaa intaas dheer gabdhaha iyo wiilasha dhalinyarada ah ee mar walba la kulmaya handadaad, cabsi galin iyo tacadiyo uu maamulkaasi mar kasta isku dayo inuu qariyo ama ka been sheego.

Shacabka deegaanka maanta waxay aad ugu baahanyihiin maamul ku dhisan cadaalad, isla xisaabtan iyo ilaalinta xuquuqda shacabka, waxay shacabku ka daaleen hadalo qurux badan oo aan waxba ka badalaynin dhibaatada dhabta ah ee taagan.

SRAJ News

29/05/2026

Caburin Siyaasadeed Aad u Wayn Ayaa Ka Taagan Degmada Gurre Dhamoole: Taageerayaashii Marwo Luul oo Xadhig Sharci-daro ah Loo Gaystay!

Xalay degmada Gurre Dhamoole waxaa si sharci-daro ah loogu xidh-xidhay dad badan oo isugu jira dhalinyaro iyo waayeel, kuwaas oo la sheegay inay taageerayaal u yihiin musharax xildhibaan Marwo Luul Ibrahim Guraash. Talaabadan caburinta ah ayaa shacabka degmada ku abuurtay cabsi iyo walaac hor leh, iyadoo loo arkayo weerar toos ah oo lagu qaaday xoriyadda siyaasadeed iyo rabitaanka shacabka.

Wararka laga helayo degmada ayaa sheegaya in amarka xadhiga si toos ah uu u bixiyay hogaanka nabad-galiyada deegaanka Cabdiqaadir Hooley. Waxaa isa soo taraya eedeymaha sheegaya in Cabdiqaadir Hooley uu awood dawladeed u adeegsanayo dano gaar ah iyo caburinta cid kasta oo taageero siyaasadeed ku leh degmada, gaar ahaan Marwo Luul oo taageero balaadhan ku leh Gurre Dhamoole.

Waxaa nasiib-daro wayn ah in masuul loo igmaday ilaalinta amniga iyo cadaaladda shacabka uu maanta ku mashquulo kala qaybinta bulshada, qabyaalad iyo naceyb siyaasadeed. Cabdiqaadir Hooley wuxuu sheegay in Marwo Luul aysan degmada ka tartami karin maadaama ay ka sharaxan tahay ururka ONLF, taasoo muujinaysa jahli siyaasadeed iyo faham la’aan ka dhan ah nidaamka axsaabta iyo xuquuqda muwaadiniinta.

Ururka ONLF waa urur siyaasadeed oo ka dhaxeeya shacabka deegaanka oo dhan, cid gaar ahna aan u xirnayn. Sidaas darteed, isku day kasta oo lagu marin-habaabiyo shacabka ama lagu caburinayo taageerayaasha musharaxiinta waa fal dhaawacaya dimuqraadiyada, wadajirka bulshada iyo sumcada maamulka deegaanka.

Dulmiga, caburinta iyo awood sheegashada uu shacabka ku hayo Cabdiqaadir Hooley ma ahaan doonaan kuwo waara. Taariikhdu waxay xusuusan doontaa dhibaatada uu shacabka u gaystay, waxaana iman doona maalin lagula xisaabtamo falalka uu maanta ku kacayo.

Ina Hooleyow kadaa dulmiga gabadha iyo taageerayaasheeda imaanka Alle kaa qaadye imaanba malihide.

SRAJ News

Address

350 S 5th Street
Nairobi
55401

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when SRAJ News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share