Yarka Jcylka

Yarka Jcylka YOUTUBE CHANNEL

21/10/2024

owladda Iran ayaa iska fogeysay eedeymaha uu u soo jeediyay Raysal Wasaaraha Lubnaan, Najib Mikati ee ku saabsan inay fara-gelin ku sameynayso arrimaha gudaha ee dalkaasi.

Raysal Wasaare Mikati ayaa Jimcihii cambaareeyay hadal Khamiistii ka soo yeeray Gudoomiyaha Baarlamaanka Iran, Mohammad Bagher Ghalibaf, oo ahaa in Tehran ay diyaar u tahay inay Faransiiska kala xaajooto, kalana shaqeyso dhaqangelinta qaraarka Qaramada Midoobey ee tirsigiisu yahay 1701, isagoona hadalkaasi ku sheegay fara-gelin aan loo baahneyn oo lagu sameeyay arrimaha gudaha ee Lubnaan. Mikati ayaa Tehran ugu yeeray inay joojiso wax kasta oo u dhigma sida uu yiri fara-gelin qaawan.

Qaraarka 1701 oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey uu ansixiyay sanadkii 2006 ayaa gundhig u ahaa heshiiskii nabadda ee Lubnaan iyo Israel, ka dib markii Xisbullah iyo Israel ay gaareen heshiis xabad joojineed oo Qaramada Midoobey ee taageereysay. Heshiisku wuxuu ka dambeeyay, ka gadaal dagaal 33 maalmood socday oo dhinacyada dhex maray bartamihii sanadkaasi. Qaraarkan ayaana lagu ballaariyay Hawlgalka Ciidanka Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobey (UNIFIL) ee ka hawlgala koonfurta dalka Lubnaan. Shuruudaha qaraarka nabadeynta ee Israel iyo Lubnaan ayaan si sax ah u shaqeyn, ka dib markii ay soo noqnoqdeen isku dhacyada Israel iyo Xisbullah, waana halka ay Iran ka soo gelayso sheekada ku saabsan inay diyaar u tahay in ay Faransiiska kala xaajooto, sidii loo hirgelin lahaa.

Afhayeenka Arrimaha Dibadda Iran, Esmaeil Baghaei oo maanta Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Tehran aysan wax fara-gelin ah ku hayn madaxbannaanida Lubnaan.

Afhayeenka ayaa sheegay in dalkiisu aanu qaadin wax tallaabo ah oo keeni kara in lagu tuhmo inuu fara-gelinayo arrimaha gudaha ee dalkaasi.

“Iran weligeed wax ujeeddo ah k**a aysan yeelan ama ma qaadin wax tallaabo ah oo lagu tuhmaayo inay fara-gelinayso arrimaha gudaha ee Lubnaan.” Ayuu yiri Afhayeenku.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in Iran ay wada hadal la leedahay dal kasta oo la yimaada qorshe horseedaya in la joojiyo weerarada ay Israel ka waddo Lubnaan iyo Gaza.

“Waxaan wada hadal la leenahay waddan kasta oo leh hindise iyo soo jeedin lagu joojinayo dembiyada iyo gardarrada ka dhanka ah Lubnaan iyo xasuuqa Gaza.” Ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran oo intaasi raaciyay in si khaldan loo fasirtay hadalka Ghalibaf.

Iran waa xulafada ugu muhiimsan ee Xisbullah, waana dalka keliya ee la ogyahay inuu taageerada militari, midda maaliyadeed iyo tababaraba uu siiyo Xisbullah.

Xeel-dheereyaasha ayaa qaba in Xisbullah laga dhex arko Iran, ayna tahay ururka ugu weyn ee ururada hubeysan ee maanta ka jira Gobolka Bariga Dhexe.

Xisbullah waxaa lagu tilmaamaa ururka ugu awoodda badan dhanka siyaasadda iyo militariga ee dalka Lubnaan, waana ururka la sheego in uu ka hub iyo saamaynba badan yahay dalal badan.
Nagala soo xiriir: [email protected]
You may also like

20/10/2024

Saacado kaddib marki uu ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Natanyahu uu sheegay in diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn lagu bartilmaameedsaday gurigiisa xilli uu ka maqnaa, ayay millatariga Isra’il Sabtidi shalay duqeymo cirka ah ku garaaceen qeybo ka mid ah magaalooyinka Beyrut iyo Gaza.

Afhayeen u hadlay Isra’il ayaa sheegay in Netanyahu uu ka maqnaa guriga, balse ma cadda in hooygiisa la wax yeelleeyay iyo in kale. Natanyahu ayaa falkaasi ku dilmaamay isku day dil, iyo qalad weyn oo laga shallay doono.

Saraakiisha caafimaadka Gaza ayaa sheegay in duqeymo ay millatariga Isra’il ku garaaceen guryo dabaqyo ah oo ku yaalla degmada Beyt Laxiya ee waqooyiga Gaza ay ku dileen ugu yaraan 73 qof, sidoo kalana ay ku dhaawacmeen tobnaan kale.

>>>waa iga su. aal ee dunida reer qaza okali miya MUSLIM Ka ah mise musliminti kala wa laso kufsaday?????????

04/08/2024

Waxan ku bartay adigo
Dadka ila siman balse
Waxan ka tagaya anigo
Dadka kugu jecel 🌹🌹🌷🌷🌷🌹🌹🌹🌹🌹

30/10/2023

Jaceylka cid walba aya kasiman

Maxad kataqanan hee man city
30/10/2023

Maxad kataqanan hee man city

26/10/2023

"Weerarku kuma socdo Wael iyo qoyskiisa oo keliya, balse wuxuu ku socdaa dhammaan dadka Gaza," Ahmed al-Yazil, oo ah arday warbaahinta iyo isgaarsiinta guud ee Gaza, ayaa yiri. "Israa'iil waxay isku daydaa inay xirto Wael iyo cod kasta oo falastiiniyiin ah oo isku dayaya inay ka warbixiyaan xaqiiqada nolosha ee ku hoos jirta dagaalka Laakiin ma guuleysan doonto, xitaa haddii aan ku weynay kuwa aan jecelnahay inta uu qof falastini ah nolyahay

07/09/2023
28/02/2023

Odibets is extraOrdinary online sports betting. Register to enjoy free bets, 2Mb betting app, soccer bets, boosted betting odds, bonuses, cashbacks, + more.

Wa dhulki bawaqada aha ee Garisa dawasha wacan   and likes shear Sara asxabta
23/12/2021

Wa dhulki bawaqada aha ee Garisa dawasha wacan and likes shear Sara asxabta

wago dhalalayba madhibic serma weyda wa Safarki labad qeybti 2bad wacan like shear wago dhalalayba madhibic serma weyda wa Safarki labad qe...

https://youtu.be/Zy8Nw6oOKJ4
30/11/2021

https://youtu.be/Zy8Nw6oOKJ4

Koban oo kusabsan socdalka u madaxweynaha DF Somalia U kujigo dalka Qadar dwsh wn Koban oo kusabsan socdalka u madaxweynaha DF So...

https://youtu.be/YAhItgrYF3o
30/11/2021

https://youtu.be/YAhItgrYF3o

Farxad leh Somalia oo sobandhigtay awodeda mitry gar ahan kuwa Gorgor like shear Farxad leh Somalia oo sobandhigtay awodeda mitry g...

22/10/2021

Dag dag ah oo Cawa lagu kalacararay iyo Xabada kasocdo dawasha wacan LIKE Dag dag ah oo Cawa lagu kalacararay iyo Xaba...

Address

Eastleigh 11street
Nairobi

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Yarka Jcylka posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Yarka Jcylka:

Share