01/03/2025
Fadeexadii Madaxweynaha Ukraine Maanta ka Qabsatay Aqalka Cad ee Mareykanka iyo Albaabkii Ukraine oo si Rasmi ah u soo Xirmay
Zelensky, Madaxweynaha Ukraine, oo maanta Mareykanka u yimid in uu Mareykanka la saxiixdo heshiis uu ku wareejinayo khayraadka iyo dekedaha dalkiisa, ahna kheyraad uu h**e ugu wareejiyey Ingiriiska, ayaa maanta kulan aad u foolxun waxa uu Aqalka Cad ku dhexmaray asaga, Trump iyo JD Vance, Madaxweyne Kuxigeenka Mareykanka.
Sida warbaahinta Mareykanku qorayso wuxuu ahaa kulankii ugu liitay abid ee Madaxweyne shisheeye la soo shirtago, shacbiga Mareykanku markhaati ka ahaayeen.
Hadalka waxaa ku hormaray Madaxweyne Kuxigeenka Mareykanka JD Vance asaga oo yiri, "Waxaan wadnaa xiriir dibloomaasi oo dalkaaga iyo dadkaaga lagu badbaadinayo." Laakiin asaga oo aan hadalka dhammaysan waxaa soo dhexgalay Zelensky oo yiri, "Laakiin, laakiin ..." Vance uma oggolaan in uu Zelensky hadalka sii wato wuxuuna ugu jawaabay, "Waa kugu ixtiraam darro in aad Aqalka Cad inta soo gasho aad nagula muranto warbaahinta iyo shacabka Mareykanka hortooda. Dal baan rabnaa in aan kuu badbaadino aad dadkiisii maalin kasta jidadka ka qafaalayso say kuugu dagaalamaan, hadde waa dad aan dagaal gali karin."
Zelensky murankii ma joojin e wuxuu yiri, "Waligaa ma timid Ukraine?" Vance wuxuu ugu jawaabay, "Maxaan ka doonaa! Dadka inta keentaan baad borobogaando dagaal u isticmaashaan ... See suurtagal kaaga noqotay in aad Aqalka Cad soo gasho oo aad la muranto Madaxweynihii rabay in uu dalka kuu badbaadiyo. Soo ma ogid in aydan dagaalami karin oo cillado badani idin haystaan?"
Zelensky ayaa mar kale hadlay asaga oo yiri, "Haah, cillado waa na haystaan, idinkaba cillado waa idin qabsan jireen."
Trump oo is hayn waayey ayaa soo dhexgalay oo yiri "War waxba ha noo sheegin, awood iyo talo aad wax noogu sheegtid toona na haysid ee ha nala murmin. Waxaad rabtaa in aad dagaalkii saddexaad ee adduunka si khamaar ahaan nagu galisid. Jooji ixtiraam darrada aad halkaan la timid oo aad la beegsaneyso dalkayga."
Vance baa haddana hadalka qaatay markiisa asaga oo yiri, "Horta murankaagaaba batee marna dalkaan iyo dadkaan reer Mareykan waad mahadsantihiin ma tiri? Waryaa miyaadan xasuusan in waqtigii loolanka aad dalkayaga timid oo aad taageeraysay qoladii nala tartameysay. Waryaa bal raganimo iska doon oo intaad la murmi lahayd Madaxweyne Trump u mahadnaq."
Safiirka Ukraine u fadhiya Mareykanka oo kamid ahaa dadkii fadhiyey shirka dhakafaar bay wajiga la qabsatay. Sidoo kale, intii dagaalka Ukraine taagersaneyd haddii h**e aan albaabku uga soo xirmin, maatay ayuu si rasmi ah uga soo xirmay.