14/06/2026
🚨 WAR CUSUB: MIDOWGA YURUB OO ADKEEYAY SHARCIGA QAXOOTIGA 🚨
Midowga Yurub ayaa si rasmi ah u dhaqan geliyay 12 bishan June sharci cusub oo wax badan ka beddelaya nidaamka qaxootiga iyo magangelyada Yurub. Sharcigan cusub wuxuu saameyn weyn ku yeelan doonaa dadka cusub ee soo galaya Yurub iyo qaar kamid ah dadka dacwadahoodu wali socdaan.
🔹 Waxyaabaha ugu waaweyn ee lagu soo kordhiyay:
1. Dalalka yurub ayaa xuduudaha ku samayn doona xerooyin ku meel gaadha oo ay ku xareeyaan qaxoontiga wixii hadda ka danbeeya oo gudaha dalka looma ogolaan doono inay galaan.
2. Qof kasta oo Yurub soo gala waxaa laga qaadayaa faraha, sawirka wajiga, iyo baadhitaan amni kahor inta aan gudaha loo sii deyn ama la celin.
3. Waxaa la dedegin doona go’aanada iyada oo 12 isbuuv iyo wax ka yar go’aan lagu siinayo, waxaana ka sii yaraan kara dadka la filayo in diidmo la siiyo.
4. Waxaa la yarayn doona caydha oo ay u arkaan inay tahay sababta qaxoontiga ku badisay, waxaana la siin doona lacago intii h**e aad uga yar kuwa gudaha dalka loo ogolaado iyo kuwa xeryaha lagu hayo muddooyinka gaaban labadaba, iyada oo la sii adkayn doono shuruudaha siinta caydha, inkasto markii h**eba dalalki ku kala duwanaayeen.
5. Dalka ugu horreeya ee qofku qaxoontiga ah galo ayaa masuul ka noqonaya Yurub, Haddii qofku Talyaani, Giriig ama Spain kasoo galo, waddankaas ayaa qaabilaya dacwaddiisa. Kuwa kale waxay bixinayaan taageero dhaqaale iyo gacan siin.
6. Dadka diidmada la siiyo degdeg ayaa dalkooda loogu tarxiilaya haddii uu amaan yahay haddii kalena waxaa dhici karta in dal sadexaad loo masaafuriyo.
7. Waxaa sharcigan ku xusan in dib loo adkeeyay databaseka oo qofkii dal h**e iska diwaangeliyay mid kale lama ogolaan doono inuu faraha ka dhiibto oo kii h**e ayaa lagu celin doona, oo haddii markii h**e la ogolaan jirey mararka qaar hadda lama ogolaan doono.
8. Sharcigan waxa uu sheegaya in dadka h**e u helay ogolaanshaha sharci lagu samayn karo dib u baadhis iyo fatashaad dheeri ah.
Sharcigan ayaa saamayn ku yeelan doona dadka cusub ee soo gelaya dalka iyo kuwa ay dacwadu u socoto ee aan weli la aqbalin.
Dalalka yurub waxay ku doodayaan in sharcigan uu xoojinayo amniga Yurub, halka ururrada xuquuqda aadanaha ay ka digayaan inuu adkeynayo helitaanka magangelyada iyo xuquuqda qaxootiga.
📌 La wadaag si ay Soomaalidu uga warqabaan isbeddellada cusub ee Yurub.