05/11/2020
Musharraxa xisbiga dimuqraadiga Joe Biden ayaa muujiyay kalsooni isla markaana ka hadlay muhiimadda ay leedahay mideynta dalka.
"Halkan k**a sheegayo in aan guuleysannay balse waxaan halkan ka sheegayaa in marka lasoo gabagabeeyo tirinta codadka, waxaan rumeysanahay in aan guuleysan doono" ayuu yiri Biden.
Inkasta oo ilaa iyo hadda ay socdaan tirinta codadka gobollada sida aadka laisugu hayo balse dimuqraadiga waxay sheegayaan in ay heleen codadkii ugu badnaa abid ee uu ku guuleysto musharrax u tartamayo madaxtinimada Mareykanka.
Arbacadii Dimuqraadiga wuxuu sheegay in uu ku guuleystay codad gaarayo 70.5 malyan halka Trump uu ku guuleystay in ka badan 67.2 malyan cod.
Madaxweynihii h**e ee Mareykanka Barack Obama ayaa doorashadii sanadkii 2008-dii ku guuleystay codad gaarayo 69.5 malyan.
Inkasta oo hadda ay socoto tirinta codadka, weli waxaa laga dhuursugayaa natiijada gobollada muhiimka ah sida Arizona, Georgia, Nevada, Wisconsin iyo Pennsylvania.