26/12/2025
🗣️Haddii Israa’iil ama dal kale aqoonsado Somaliland, tallaabadaas waa khalad sharci caalami ah oo ka dhan ah midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, cilmi ahaan iyo siyaasiyan, khaladkaas mas’uuliyaddiisu kuma eka quwadaha shisheeye oo keliya, balse waxa si toos ah ugu lug leh tabar-darrada dowladnimo ee Soomaaliya. Nidaamka caalamiga ah ma ku shaqeeyo caddaalad keliya, balse wuxuu ku shaqeeyaa awood, dano, iyo saameyn. Dowlad aan lahayn mowqif mideysan, diblomaasiyad firfircoon, iyo istiraatiijiyad cad oo ay ku difaacdo danaha qaranka, si fudud ayaa loo iska indho-tiraa. Sidaas darteed, aqoonsi kasta oo ka dhan ah Soomaaliya waa natiijo ka dhalata isku darka sharci la’aan caalami ah iyo dowladnimo daciif ah oo ku guul-darreysatay ilaalinta midnimadeeda.
🇸🇴\🇮🇷