22/05/2026
Ugaas Axmed Cabdullaahi Faroole iyo Ugaas Axmed Sheekh Muqtaar Sanyare waa ugaasyada beelaha Waytaan Jidle ee muddo kooban hoggaanka dhaqanka haya, balse durba bulshada ka dhex muujiyey dadaal, biseyl hoggaamineed iyo waxqabad muuqda.
Labadan ugaas waxay door weyn ka qaataan: ▪️ Adkeynta nabadda iyo midnimada bulshada
▪️ Dhiirrigelinta is-afgaradka iyo talo wadaagga
▪️ Ilaalinta dhaqanka, karaamada iyo jiritaanka beesha
▪️ Xoojinta xiriirka iyo wada noolaanshaha bulshada Soomaaliyeed
Sidoo kale, waxay kaalin muuqata ka qaataan arrimaha siyaasadda iyo raadinta saamiga beesha kaga maqan deegaanka, iyagoo mudnaanta siiya mideynta bulshada, isku xirnaanta shacabka iyo helidda matalaad cadaalad ku dhisan.
Inkasta oo waqtigu gaaban yahay, haddana raadkooda iyo waxqabadkoodu si weyn ayuu uga dhex muuqdaa bulshada, waxaana muuqata rajo cusub oo ku dhisan wadajir, horumar iyo mustaqbal ifaya.
Gugundhabe Community
Degmada Mustaxiil