Ebrahim Adam

Ebrahim Adam Adoo dhaxal reebi karo, ha noqon dhinte aan latbin.

إِنَّا ِلِلَّٰهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ.إن العين تدمع وإن القلب ليحزن ولا نقول إلا ما يرضي ربنا. توفي مولانا ومربي...
20/07/2024

إِنَّا ِلِلَّٰهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ.
إن العين تدمع وإن القلب ليحزن ولا نقول إلا ما يرضي ربنا.
توفي مولانا ومربينا الشيخ عثمان بن شيخ عمر (شيخ عثمان حدغ)، لفقدَت الأمة الإسلامية جبلا من جبال العلم ونجما من النجوم التي كان يهتدي بها.

رحمه الله تعالى رحمة واسعة واسكنه فسيح جناته مع النبيين والصديقين والشهداء والصالحين وحسن أولئك رفيقا.

Innaa lillaahi wa innaa ileeyhi raajicuun.

Waxaa Geeriyooday Shiikh Cusmaan Shiikh Cumar Shiikh Daa'uud (Shiikh Cusmaan xidig)
Geerida Waa Xaq ee Rabbi ha u-naxariisto Shiikh Cusmaan Shiikh Cumar Shiikh Daa'uud (Shiikh Cusmaan Xidig).

wuxuu Ahaa Shiikh Cusmaan Shiikh Cumar Shiikh Daa'uud (Shiikh Cusmaan xidig) ahlu diin cibaado badan Oo daaci ah Rabbi ha kaa-abaal Mariyo.

Qoyskii Iyo Axaabtii uu Ka geeriyoday sabar Iyo imaan Rabbi haka Siiyo. Anagane gadaashiis Rabbi ha inaga dhowro Fidno.

---Aamin Aamin Aamin.---

Ma u baahan tahay xikmado gaagaaban oo aad u adeegsan karto, fagaara kahadalka? Hadaba hadii jawaabtaada ha tahay raac  ...
23/05/2024

Ma u baahan tahay xikmado gaagaaban oo aad u adeegsan karto, fagaara kahadalka? Hadaba hadii jawaabtaada ha tahay raac -kaan .

Qaybta 1aad: Walaalaha waa saddex jaraanjaro: 1. Walaal sida qadada ookale ah oo aan laga maarmin, 2. Walaal sida daawada ookale ah oo mar mar ayaa loo baahdaa, 3. Iyo Mid cudur ah oo aadan u baahneen waligaa.

12/03/2024

Bismillaahi al-raxmaani al-raxiimi.

Ramadaan mubaarak

Ugu horrayn qof waliba oo nagamid ah waa in uu isku dayaa bishan Ramadan in uu sameeyo dadaal kabadan dadaalkii uu sameeyay ramadaankii h**e dhanka cibaadadda.

*Iskuday inaad raacda talooyinkaan*

1. Iskuday in aad iska yarayso amaba aad joojiso waxyaabaha maaweelada ah ee qofka ka mashquulin karo,
• in uu akhriyo qur'aanka kariimka,
• in uu salaadaha sunuuyinka ah dukadu,
• in aad badiyo saliga nabiga( صلى الله عليه وسلم ),
• iyo waxkasta oo aad Alle ugu dhawaanee.

Wax yaabahaa haday ahaan lahaayeen wax aad ku cayaarto, ama aad daawato, amaba wax aad dhagaysataba.

2. Waa in aad isku daydaa in aad wax ka xifdiso qaybo kamid ah Qur’aanka Kariimka ah intii aad awoodo islamarkaana waa in aad u samaysataa jadwal waqtiyaysan oo aad raacdo.

3.Hadii aad tahay ruux Qur’aanka xifdisan waa in aad isku daydaa in aad wax ka barato Tafsiirka Qur’aanka Kariimka intii aad awoodo.

4. Wax ka baro ducooyinkii Nabig ( صلى الله عليه وسلم) uu ku ducaysan jiray iyo adkaartii uu aqrisan jiray.

5.Noqo qof umada u adeega caawiya qaasatan reerkaaga, dadka tabaaleeysan.

6.Ha badsan raashinka xiliga afurka waayo waxay sabab u noqon kartaa salaada taraawiixda in aad ka caajisto, sidoo kale haka seexan suxuurta waayo barako ayaa ku jirta suxuurta.

Alle ha inaga aqbalo acmaasha ramadaanka. Lawadaag asxaabtaada.

Share dheh page-ka Ebrahim Adam sidookale like saar qormada.
Ku soo biira barteena telegram.👇
https://t.me/ibrahimgedi

Bismillaahi al-raxmaani al-raxiimi. Ramadan mubaarak. Afurka kadib waxaan idinla wadaagi doonaa qormooyin ku soobsan ram...
12/03/2024

Bismillaahi al-raxmaani al-raxiimi.

Ramadan mubaarak.

Afurka kadib waxaan idinla wadaagi doonaa qormooyin ku soobsan ramadaanka ee aan isla soconno. Kusoo biir barteena telegram.👇 https://t.me/ibrahimgedi.

Bismillaahi al-raxmaani al-raxiimi.Aniga oo mashquulkeyga badan yahay haddane sidaa oo ay tahay waxa aan idinla wadaagi ...
07/03/2024

Bismillaahi al-raxmaani al-raxiimi.

Aniga oo mashquulkeyga badan yahay haddane sidaa oo ay tahay waxa aan idinla wadaagi doonaa axkaamta soonka. Tusaale: Waajibaadka soonka, waxyaabaha kaa jabiya soonka, waxyaabaha loo sunneeya qofka sooman, iyo waxkasta ( Mas'alo kasta) oo aad ugu baahan tahay soonka. Isla socod wanaagsan.

Adigane ugu dadaal waxyaabaha aan soo dhigo si ay dadka ugu faa'ideeystaan.

إِنَّـا لِـلَّـهِ وَ إِنَّـا إِلَـیْـهِ رَاجِـعُـونَ.کـلُّ مَـنْ عَـلـیـهـا فَـان وَ یـبـقَـی وَجْـهُ رَبَّـک ذوالـجـلال...
20/11/2023

إِنَّـا لِـلَّـهِ وَ إِنَّـا إِلَـیْـهِ رَاجِـعُـونَ.
کـلُّ مَـنْ عَـلـیـهـا فَـان وَ یـبـقَـی وَجْـهُ رَبَّـک ذوالـجـلالِ والاکـرامِ.
Waxaan muragada laqaybsanaa saaxiib-keey
aadka iigu qaaliga ah ee ah Abdifitah Muuse Maxamuud, oo hooyadii maanta geeriyootay.

Runtii waa geeri aad u xanuun badan, ee sabar iyo iimaan Alle ha ka-siiya; Ehel, Qaraaba iyo Asxaabba. Abdifitaaxoow saaxiib, Hooyo Alle ha unaxariisto naxariistiisii Janno.

اللهم أظلها تحت عرشك يوم لا ظل الا ظلك ولا باقي الا وجهك.
اللهم بيض وجهها يوم تبيض الوجوه وتسود وجوه.
اللهم وثبت قدمها يوم تزل فيه الأقدام.
اللهم اسقها من حوض نبيك محمد صلى الله عليه وسلم شربة هنيئة مريئة لا يظمأ بعدها أبدا.
اللهم ابني لها بيتا في الجنة واجعل ملتقانا بهم هناك.
اللهم ارحمها واغفر لها وانظر اليها بعين لطفك وكرمك يا أرحم الراحمين .

21/10/2023

Soomaaliya Caalim M***i ah Malaga heli karaa? Si dalka u yeesha M***i warkiisa lamaqlo.

Anigaa marka meela badan ka fiiriyay, meela kula duwan ee Soomaaliya kamid ahne tagay, xitaa social media-ha fiiriyay culimada wax ku soo gudbiyo, umaleey-maayo in laga helaa.

Sababtoo ah; M***i waxuu leeyahay shuruudo, shuruudahaas waxaa kamid ah in qofka culimada ah ee mas'alo laweeydiiyo, waa inuu yaaqaanaa culuumtaan 10-ka ah.
1. Inuu cilmiga si-qotan dheer ugu hadli karo
من العربية جميعا إلى الكتاب وعلومه والحديث وعلومه والأحكام والتصوف، حتى المادى.
2. Inuu yaqaano,
علم المناظرة والبحث.
3. Inuu yaqaano,
علم الأذاب.
4. Inuu yaqaano,
علم النفس وأيضا علم الصلح.
5. Inuu yaqaano,
علم الأسلوب والسياسة.
Sababtoo ah dad siyaasiyiin ayaa kuu imaadaa waxeyna wax kuu weydiiniyaan qaab siyaasadeeysan, waa inaad fahmi kartaa.

6. Inuu yaqaano,
علم التواريخ.
7. Inuu yaqaano,
علم السير.
8. Inuu yaqaano,
علم الحساب.
9. Inuu sifiican u yaqaano,
علم التواريث.
10. Inuu yaqaano,
علم الطبِّ.
Marka ilama ahan in Soomaaliya laga helaa, qof sidaas ah.

19/10/2023

𝗢𝗴𝗲𝗲𝘆𝘀𝗶𝗶𝘀 𝗢𝗴𝗲𝗲𝘆𝘀𝗶𝗶𝘀.

Inshaa Allah, maalinta Khamiista iyo maalinta Jimcaha waxaan idiin soo gudbin doonaa qormooyin ku saabsan Fahamka islaamka.

Halka maalmaha-kalane, idiin soo gudbin doona, qormooyin ku saabsan Astaamaha qoraalka ee afka Soomaaliga iyo Wacyigilinta bulshada.

,
Page-kaaan👉 Ebrahim Adam.
🕔2:00PM,( siddeed saac oo duhurnimo).

17/10/2023

ياحكَّام العرب، الي متي هذا الصمت؟ عن قدية فلسطين 🇵🇸.





15/10/2023

Waxaan sameeyn doonaa qormooyin maalin-la' ah, oo waliba soo jiidasho leh. Sida: Astaamaha qoraalka, Wacyigilinta bulshada soomaaliyeeed, Fahamka islaamka, iyo Qadiyadda Falastiin.

F.g. Qormooyinkaan waxeey noqon doonaan kuwa xaqiiqda ku-saleeysan, ee aanan noqon doonin kuwa si fudud loo dhahay.

Nagu soo biir oo page-ka, .

Address

Hiiraan
Beledweyne

Opening Hours

Monday 07:00 - 21:40
Wednesday 07:00 - 22:30
Thursday 07:00 - 22:30

Telephone

+252617159900

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ebrahim Adam posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Ebrahim Adam:

Share