21/04/2021
Caawa waxa xisbiga Kulmiye xaflad wayn u qabtay musharixiintiisa golaha wakiilada iyo degaanada gobolada Saaxil, Maroodi-jeex iyo Awdal.
Xisbiga Kulmiye wuxuu gudoonsiinayay musharixiinta shahaadadii musharaxnimada.
Musharixiintii ka qaybgalay xaflada musharax Cabdillaahi Xuseen Aw Maxamed oo u sharaxan golaha wakiilada, gobolka Saaxil, iyo Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed X. Yuusuf oo u sharaxan golaha degaanka ee degmada Berbera.