11/06/2026
Socdaalkaygii Aan Ku Noqday Tababare Xirfad Leh
Aqoon Barasho ilaa Aqoon Gudbin kadib markii aan dhammeystay tababarka Training of Trainers (TOT), waxaan helay aqoon iyo xirfado qoto dheer oo ku saabsan hababka tababarka, diyaarinta casharrada, iyo maamulka fasallada tababarka. Si aan aqoontaas ugu dabaqo ficil ahaan, waxaan qabtay tababar socday laba maalmood oo aan ku tababarayay 30 xubnood oo ka tirsan warbaahinta.
Tababarkan ayaan ku wadaagay xirfado la xiriira xaqiijinta xogta (Fact-Checking) iyo hubinta saxnaanta wararka (Verification Skills), anigoo adeegsanaya farsamooyin tababar oo casri ah iyo habab ka qaybgelinaya ka qaybgalayaasha. Guusha tababarkan iyo jawaab-celintii wanaagsaneyd ee ka qaybgalayaashu bixiyeen waxay caddeyn u tahay in aan yeeshay karti iyo kalsooni buuxda oo dhinaca tababarenimada ah.
Khibraddan ayaa muujinaysa in aan ahay tababare leh aqoon, xirfad, iyo awood uu ku qorsheyn karo, u maamuli karo, uguna gudbin karo aqoonta si wax ku ool ah, taasoo ii suurtagelisay in aan noqdo tababare buuxa oo si hufan u gudan kara waajibaadka tababarenimo.