20/06/2021
Bismilaah.
Ugu horayn waxa Mahad iska leh Allaha Irsaaqaha oofsadaha Weynaha Ee Waaxidka Ah ee Ina siiyey Nimcooyinka Faraha Badan.
Intaas ka dib Waxaan Sigaara Ugu mahad Calinayaa Dadka Somaliyeed ee Waxgaradka Ah Gaar ahaan Dhalinta Somaliyeed Ee Qiimaha Iyo Sharafta Badan markastana Mudan Xushmada iyo Dhiiri Gelinta Waana Ka mahad celinayaa Dareenka Qiimaha leh Ee Ay iimuujiyeen.
Waxaan sidoo kale umahad Celinaya Isimada iyo Nabadoonada iyo siyaasiinta ka Falceliyey Arintii Isbaarada,Aflagaadhada iyo Kutagri falka Awoodeed ahayd Ee Uu Igu Samayey Siciid Deni oo Aanan ka mudnayn Aniga iyo Dadka kale ee Somaliyeedba.
Waxaan Rajaynaa In aanan Ka Niyad Jabayn Hanka iyo Himilada Wanaagsan Ee dalkeena Loogu Adeegayo Si aan Qayb uga noqono Dib udhiska iyo Hurumarka Dalkeena Waxana Uga Tacsiyaynayaa Dhalinyarada iyo aqoonyahan Badan ee Aadka uga Niyad Jabay Awoodaha Guracan ee Noocan oo kale Ah Oo maalinkasta Dhaca.
Waxaanse Rajaynaa Mar dhow in Laga Bixi Doono Qof wax yeeriya Ama Ku shaqayya Nacayb iyo Qabyaalad oo Ay Dadka Soomaliyeed Gacantooda ku Dooran Doonaan Qofka Iyaga Matalaya.
Ugu damayn Waxaan Umahad celinaya Masuuliyiinta Dowlada Federaalka Somaliyeed oo Gartay In wan Ka wada Shaqayno Arimaha Doorashooyinka Somaliya Dadaal dheeriyana ku bixiyey Sidii Ay U ilaalin lahaayeen Xaquuqayda iyo waajibaadkayga Shaqo Intii Awoodooda ahayd Guud ahaana Waan uga mahad celinayaa.
Ninka duhur dharaareed,
Durbaan dhagaxa Tuurow ,
Tuntayee dabaal-degay,
Miyaanuu duni ogsoonayn?
Ibrahim Said salah