Dhex-dhexaad Media

Dhex-dhexaad Media Dhex-dhexaad media corporation waa Hay'add warbaahineed oo ka howlgasha Somalia.

Warsaxafadeed Golaha mustaqbalka Somaaliyeed ee kasoo saareen xaalada maanta ee dalka
28/01/2026

Warsaxafadeed Golaha mustaqbalka Somaaliyeed ee kasoo saareen xaalada maanta ee dalka

24/11/2025

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga Booliska Warta Nabadda ayaa gacanta kusoo dhigay laba eedeysanayaal e oo lagu kala magacaabo Xasan C/ Kariin Maxamed iyo Shukri Cali Xasan, oo ku eedaysan inay jirdil iyo dhaawac u geysteen gabar yar oo 13 jir ah laguna magacaabo Caasho Cali Cabdi,

Gabadha dhibbanaha ah oo ku nooleyd guriga eedeysanayaasha ayaa la xaqiijiyay inay u geysanayeen jirdil, dhaawac iyo cabsi gelin joogto ah, falkaas oo ah mid aan laga filaynkarin.

Eedeysanayaasha ayaa haatan ku jira gacanta booliska, waxaana loo gudbin doonaa maxkamadda ku shaqada leh si sharciga loo waafajiyo.

Muwaadiniinta soomaaliyeed meel kasta joogaan, waxaa laga codsanayaa in ay la so wadaagaan Hay,addaha amaanka hadii soogaaraan falal nuucaan oo kala ah, si aan uwada ilaalino masuuliyadda naga saaran caruurta Soomaaliyeed.

DHAMMAAD.

Madaxweynaha Namibia oo xilkii ka qaaday Wasiirka Warshadaha iyo MacdantaDhexdhexaad Media CorporationMadaxweynaha dalka...
28/10/2025

Madaxweynaha Namibia oo xilkii ka qaaday Wasiirka Warshadaha iyo Macdanta

Dhexdhexaad Media Corporation

Madaxweynaha dalka Namibia, Marwo Netumbo Nandi-Ndaitwah, ayaa maanta xilkii ka qaaday Wasiirkii Warshadaha iyo Macdanta, iyadoo si ku-meelgaar ah xilkaas ula wareegtay si ay u maamusho shaqada wasaaradda.

Madaxweyne Nandi-Ndaitwah ayaa sheegtay in go’aankaasi uu yimid kadib markii ay ka dareentay gaabis iyo wax isdaba marin hawlaha shaqo ee wasaaradda, arrintaas oo cabashooyin badan laga muujinayay muddooyinkii u dambeeyay.

Waxay intaas ku dartay in tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta dowladda, isla markaana ay doonayso in si dhow ula socoto howlaha muhiimka ah ee wasaaraddaas.

Wasaaradda Warshadaha iyo Macdanta ayaa ka mid ah hay’adaha ugu waaweyn ee Namibia, iyadoo door muhiim ah ku leh horumarinta dhaqaalaha iyo maalgashiga gudaha iyo dibadda ee dalka.

28/10/2025

Warbixin Gaar ah: Isimada Dhaqanka Soomaaliyeed oo Ka Qayb Galaya Shir Lagu Qabanayo Jabuuti – Carta

Waxaa lagu wadaa in isimada dhaqanka ee Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya ay si buuxda uga qayb galaan shir ballaaran oo lagu qabanayo magaalada Carta ee dalka Jabuuti. Shirkan ayaa lagu sheegay inuu yahay mid muhiim ah oo lagu dardar-gelinayo dadaallada dib u heshiisiinta, midnimada iyo nabadaynta bulshada Soomaaliyeed.
Doorka Isimada Dhaqanka
Isimada dhaqanka ayaa muddo dheer ahaa lafdhabarta nidaamka bulshada Soomaaliyeed, iyaga oo door muuqda ka qaatay xalinta colaadaha, dejinta nabadda iyo dhismaha dowladnimada.
Ka qaybgalka isimada ee shirka Carta ayaa lagu tilmaamay inuu muujinayo in bulshada Soomaaliyeed ay doonayso xal Soomaaliyeed oo salka ku haya dhaqankeeda iyo odayaasha la isku halleeyo.
Waxaa la filayaa in isimada Puntland, oo ay ka mid yihiin:

Isimada dhaqanka ee Boosaaso, Garoowe, iyo Qardho,

Iyo odayaal ka socda beelaha waaweyn ee Puntland,

ay halkaas uga qayb qaataan wada tashiyo muhiim ah oo la xiriira midnimada iyo isu soo dhowaanshaha maamullada kala duwan ee dalka.
Sidoo kale, isimada gobollada kale ee Soomaaliya sida Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo gobolka Banaadir ayaa iyaguna casuumaad rasmi ah helay, taas oo ka dhigaysa shirka mid leh matalaad ballaaran oo qaran.
Ujeeddada Ka Qaybgalka
Isimada dhaqanka ayaa shirka ku yeelan doona:

Ka hadlidda xalalka dhaqanka ee lagu dhisi karo kalsooni siyaasadeed,

Dardargelinta wadahadalka maamulada iyo dowladda dhexe,

Iyo talooyin ku saabsan dib u heshiisiinta bulshada iyo doorarka dhaqanka ee lagu taageerayo dowladnimada.

Mid ka mid ah isimada ka socda Puntland ayaa sheegay in “Shirkan Carta uu yahay fursad kale oo lagu mideeyo afkaarta, laguna xoojiyo doorka isimada ee nabadaynta iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.”
Jabuuti iyo Doorkeeda Taariikhiga ah
Dalka Jabuuti ayaa h**e u martigeliyay shirar taariikhi ah, sida Shirkii Carta ee 2000, oo dhaliyay dowladdii ku-meel-gaarka ahayd ee ugu horreysay ee Soomaaliya ka dhalata burburkii kadib. Martigelinta shirkan cusub ayaa la arkaa inuu yahay tallaabo kale oo Jabuuti ku taageerayso nabadda iyo wadajirka Soomaaliya.

28/10/2025

Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa kala diray Mas'uuliyiinta Maxkamadda Ciidamada, iyada oo sidaasi oo kale la filayo iskushaandhayn kale oo ku wajahan laamaha kale ee dowladda Puntland.

16/07/2025

🚨 | Dagaal Dib Uga Qarxay Magaalada Dhahar

Wararka hadda naga soo gaaraya magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag ayaa xaqiijinaya in dagaal culus uu dib uga qarxay magaalada, kaasi oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo kuwa taabacsan maamulka la baxay Maakhir.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in gudaha magaalada laga maqlayo rasaas culus iyo jugta hubka noocyadiisa kala duwan. Xaafado badan oo magaalada ka tirsan ayaa dadkii deganaa bilaabeen qax iyo barakac degdeg ah, iyagoo cabsi ka qaba dagaal horleh.

Ilo-wareedyo deegaanka ah ayaa sidoo kale xaqiijiyay in illaa xalay magaalada ay gaarayeen ciidamo tiro badan oo ka tirsan Puntland, kuwaas oo hadda qayb ka ah dagaalka socda.

Waxaa laga cabsi qabaa inuu dagaalku ku fido xaafado dheeraad ah, iyadoo xaaladdu tahay mid aad u kacsan.

🛑 Wixii kusoo kordha kala soco bogaan

16/07/2025

WarDegdegAh | Cabsi dagaal oo laga dareemayo magaalada Dhahar

Waxaa sii kordhaya cabsi xooggan oo laga qabo in dagaal kale uu ka qarxo magaalada Dhahar maanta, kadib markii ciidamo farabadan oo ka tirsan Puntland la geeyay gudaha iyo duleedka magaalada.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in saaka aroortii h**e ay magaalada galeen cutubyo hor leh oo ciidanka Puntland ah, taasoo sare u qaaday xiisadda colaadeed ee h**ey uga taagnayd gobolka Haylaan.

Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay labada dhinac, balse shacabka deegaanka ayaa walaac ka muujinaya suuragalnimada in dagaal kale uu qarxo saacadaha soo socda, taasoo khatar gelin karta nolosha dadka rayidka ah.

Dadka deegaanka ayaa bilaabay in ay ka barakacaan magaalada, iyadoo xaalada guud ee Dhahar ay tahay mid kacsan, dhaq-dhaqaaq ciidan oo baaxad lehna laga dareemayo wadooyinka waaweyn iyo saldhigyada ku dhow.

  | Wasiirka Warfaafinta Puntland: “Dagaalka Dhahar waa mid Xasan Sheekh horseed ka yahay”Wasiirka Warfaafinta Puntland,...
15/07/2025

| Wasiirka Warfaafinta Puntland: “Dagaalka Dhahar waa mid Xasan Sheekh horseed ka yahay”

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Caydiid, ayaa si adag u eedeeyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku tilmaamay dagaalka ka socda Dhahar mid si toos ah loogu wiiqayo Puntland, laguna carqaladeynayo dagaalka ay kula jirto kooxaha argagixisada.

“Dagaalkan Dhahar ka bilowday wuxuu horseed u yahay Xasan Sheekh, waana dhaxal ka dhashay taladiisii burbursaneyd. Maanta Dhahar waxay isu beddeshay Raaskaambooni 2,” ayuu yiri Wasiir Caydiid.

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in Dowladda Federaalka ay ka hor istaageyso Puntland inay sii waddo guulihii ay ka gaartay la dagaallanka argagixisada, gaar ahaan howlgalkii Calmiskaad oo Puntland kaga adkaatay kooxda Daac1sh (ISIS).

“Xasan Sheekh wuxuu ka cabsi qabaa in Puntland weerarto Calmadow oo ay Al-Shabaab ka saarto, markaas ayuu dagaal beeleed ka hurinayaa Dhahar si loo mashquuliyo Puntland, loogana hor tago horumarka iyo guusha laga gaaray argagixisada.”

Wasiirka ayaa ugu dambeyn sheegay in Puntland aysan ka baaqan doonin difaaca dadkeeda iyo dagaalka lagula jiro kooxaha nabadda diidan, isagoo shacabka ugu baaqay inay feejignaadan.

15/07/2025

| Golaha Mucaaradka Cadaaladda iyo Dimuqraadiyadda oo Baaq Nabadeed kasoo saaray Colaadda Dhahar

Golaha mucaaradka ah ee Cadaaladda iyo Dimuqraadiyadda ayaa goor dhaweyd soo saaray warsaxaafadeed degdeg ah oo ay kaga hadlayaan dagaalka ka socda magaalada Dhahar ee gobolka Haylaan.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu muujiyey walaac xoogan oo ku aaddan colaadda socda, iyadoo goluhu ugu baaqay dhamaan dhinacyada ku lugta leh dirirta Dhahar inay si degdeg ah u joojiyaan dagaalka oo ay fursad siiyaan xalka siyaasadeed.

“Dowladda Puntland waa inay ka fogaataa adeegsigga awood ciidan, taas bedelkeedana waa in si dhab ah loo dhageysto tabashooyinka shacabka, lagana shaqeeyo xal u heliddooda,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Goluhu wuxuu ku nuuxnuuxsaday in dagaalku uusan ahayn xal, balse uu horseedayo:

Dhiig daata

Barakac baahsan

Burbur hantiyadeed

Khasaaro naf iyo maalba leh

Iyo kala fogaansho bulsho

Warsaxaafadeedka ayaa ugu dambayn ku baaqay in la ixtiraamo xabbad-joojin degdeg ah, si loo badbaadiyo shacabka deegaanka oo wajahaya xaalad bini’aadamnimo.

15/07/2025

WarSaxaafadeed

Wasiir h**e Jamal Maxamed Xasan oo si adag u cambaareeyay weerarka Dhahar

Wasiirki Qorsheynta Qaranka, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka uu maanta madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ku qaaday magaalada Dhahar ee gobolka Haylaan.

“Waxaan si adag u canbaaraynayaa weerarka gardarrada ah ee Siciid Deni maanta ku qaaday magaalada Dhahar. Waa nasiib darro aan miraheedda la mahadin doonin in maanta lagu duulo dhul nabad ah oo dad shacab ah loo geysto dil sababay dhimasho iyo dhaawac,” ayuu yiri Jamaal.

Wasiir Jamaal wuxuu u tacsiyeeyay dadkii ay dhibaatadu ka soo gaartay weerarkaasi, isagoo ku tilmaamay falka mid "gardarro ah oo aan halkaa looga harayn", islamarkaana la marin doono xisaabtan iyo caddaalad.

Isagoo sii hadlaya, Jamaal wuxuu xusay in xildhibaanadii laga soo doortay gobolka ay dhowaan joojiyeen safar ay ku tagi lahaayeen gobolka iyaga oo u naxaya dadkooda. Wuxuu intaa ku daray in madaxweynaha Puntland uu sidoo kale todobaadkii h**e weerar ku qaaday degmada Ceelbuh, taasoo dadka deegaanka ay ku tashanayeen.

“Falalkan isdaba jooga ah ee uu Siciid Deni ku hayo deegaannada Sanaag iyo Haylaan waxay sii xoojineysaa dadaallada ay dadka deegaanku aayahooda uga tashanayaan si ay uga baxaan dhibaatooyinkan joogtada noqday,” ayuu yiri Jamaal Maxamed Xasan.

Ugu dambeyn, Jamaal wuxuu shacabka deegaanka ku dhiirrigeliyay in aysan quusan:
“Dhamaan dadka deegaanka waxaan u sheegayaa in aysan dhibkaas ku waari doonin.

WAR DEG DEG AHPuntland oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeysay dagaalkii DhaharDowladda Puntland ayaa si adag ugu ...
15/07/2025

WAR DEG DEG AH
Puntland oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeysay dagaalkii Dhahar

Dowladda Puntland ayaa si adag ugu eedeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay mas’uul ka tahay xiisadda iyo dagaalkii ka dhacay deegaanka Dhahar ee gobolka Haylaan, kaas oo sababay khasaare naf iyo maalba leh.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka ay si toos ah u taageerto kooxo hubeysan oo lid ku ah amniga iyo xasilloonida Puntland, iyadoo lagu eedeeyay inay faragelin ku hayso arrimaha gudaha ee maamul-goboleedka.

Puntland waxay sheegtay in dagaalkaasi uu ahaa mid abaabulan oo ka dhan ah jiritaanka maamulkeeda, iyadoo Dowladda Federaalka ay si dadban uga dambeysay hurinta colaadda.

Sida lagu sheegay qoraalka, Puntland waxay uga digtay Dowladda Federaalka "inay joojiso faragelinta iyo hurinta colaadaha" ayna ixtiraamto xuduudaha iyo madax-bannaanida maamul goboleedyada.

Warbaahinta Puntland ayaa lagu wargeliyay in faahfaahin dheeraad ah laga heli doono shir jaraa'id oo lagu qabanayo magaalada Garowe saacadaha soo socda.

15/07/2025

DEG DEG AH #

“Waa kala carareen malaashiyaadkii.”
— Maayarka magaalada Dhahar oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada dowladda Puntland ay si buuxda ula wareegeen ammaanka magaalada, halka malaashiyaadkii dagaalka soo qaadayna ay kala yaaceen kadib markii lagu jabiyay dagaalka.

Maayarku wuxuu xusay in hadda magaalada la dajinayo, lana bilaabay dadaallo lagu xaqiijinayo amniga iyo kala dambeynta.

Address

Bosaso

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dhex-dhexaad Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Dhex-dhexaad Media:

Share