26/09/2017
War Bixin Ku Saabsan Dhaqaalaha Somalia
========================
Somalia marka la eegayo hantida ay ku fadhiyaan ee lo yaqaan GDP Gross Domestic Product waa 6.217 billion, sida ay kor ugu kacaysana marka la eegayo GDP growth waa 3.7% (2014) ayuu marayey lakin maanta oo ay dhaceen abaaro waxaa ku yimid hoos u dhac dhanka dhaqaale ah.
Somalia malaha warshado waawayn kuwaas oo wax soo saara balse waxay aduunka ka heshaa hanti gaadhaysa $819 million, balse waxaa loosoo dhofiyaa Somalia hanti gaadhaysa $3.482 billion taas oo kaga dhacaysa 4% inta ay wax dhoofiso.
Exports Goods
===========
Dalka wuxuu aad u dhoofiyaa ka ganacsiga xoolaha nool kuwaas oo loo dhoofiyo dalka sucuudiga, sanadkii waxaa kasoo gala Somalia lacag dhan 400 Million, waxaana la oran karaa dhaqaalaha Somalia wuxuu ku tiirsan yahay 40% Xoolaha nool.
Sidoo kale koonfurta Somalia waxay ku tiirsan tahay dhanka beeraha taas oo is ku filaansho kaga filan cuntada uga imanaysa dibada, waxayna soo saaraan cambaha, muuska, cinabka iyo cuntooyin u muhiim ah aadamaha nool.
Imports Goods
===========
Sida aan war bixinta ku sheegnay Somalia waxaa loosoo dhoofiya hanti gaadhaysa bilaayin dollers waxaana ugu wayn, Shidaalka, Qaadka, Dharka , Sibidhka, Sonkorta, Bariiska, Daqiiqda iyo IWM,
Somalia inay ku istaagto cagaheeda oo ay noqodo dal is ku filan oo wax lasoo baxa waxaan rabin oo kow ka ah dalalka bilaayinka usoo dhoofiya, in dib loo dhiso warashadihi dharka, sibidhka, sonkorta waxaa diidan oo ay caqabad ku tahay dalalka soo saara.
Summury
=======
Aduunku wuxu u gudbay dagaal dhaqaale Somalia waxay ku tirsan tahay kaalme dibadeed oo kaga yimaada UN, iyo faracyo kala duwan oo ay ka mid yihiin EU, Erusia iyo ururo kale oo badan.
Hadii Somalia laga joojiyo kaalmo dibadeed waxay dhab u baran lahayd sida wax loola soo baxo, waxaana dhabar jab wayn ku ah kaalmada dibadeed ee dalka lagu maamulo.