20/04/2025
𝗗𝗵𝗮𝗹𝗶𝗶𝗹 𝗞𝘂 𝗦𝗼𝗰𝗼𝘁𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗖𝗮𝗮𝗳𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮.
Mudane Wasiir,
Waxaan halkan kuugu soo jeedinayaa dhaliilo dhab ah oo ka turjumaya xaaladda dhabta ah ee ka jirta Wasaaradda Caafimaadka iyo adeegyada hoos yimaadda, kuwaas oo shacabka si toos ah u saameeyay, isla markaana u baahan in si degdeg ah wax looga qabto.
1. 𝙄𝙨𝙗𝙚𝙙𝙙𝙚𝙡 𝙡𝙖’𝙖𝙖𝙣𝙩𝙖 𝙨𝙞𝙮𝙖𝙖𝙨𝙖𝙙𝙙𝙖 𝙘𝙖𝙖𝙛𝙞𝙢𝙖𝙖𝙙𝙠𝙖: Tan iyo intii aad xilka haysay wasiir, ma muuqdaan wax isbeddel ah oo ka duwan siyaasaddii iyo qorshayaashii xukuumaddii h**e ee dhanka caafimaadka. Tani waxay hoos u dhigtay kalsoonidii laga qabay maamulka cusub, waxaana la dareemayaa in wasaaraddu ay ku socoto waddadii h**e ee aan wax horumar ah horseedin.
2. 𝙌𝙖𝙖𝙗-𝙙𝙝𝙞𝙨𝙢𝙚𝙚𝙙𝙠𝙖 𝙠𝙝𝙖𝙡𝙙𝙖𝙣 𝙚𝙚 𝙢𝙖𝙖𝙢𝙪𝙡𝙠𝙖 𝙘𝙖𝙖𝙛𝙞𝙢𝙖𝙖𝙙𝙠𝙖:Qaab-dhismeedkii h**e ee Wasaaradda, cisbitaalada gobollada iyo degmooyinka wali sidii buu u yahay, iyada oo aan wax dib-u-habeyn ah lagu samayn. Waxaa laga filayay wasiirka inuu keeno nidaam wax ku ool ah, balse taa beddelkeed, wali waxaa muuqata in uu ku shaqeynayo qorshihii xukuumaddii h**e. Waxaa intaa dheer, in wasiirku si toos ah u magacaabo agaasimeyaasha guud iyo madaxda xafiisyada cisbitaalada, taasoo horseedi karta khilaaf, kala dambeyn la’aan, iyo hannaankii maamulka Cisbitaalka oo meesha ka baxa – taasina waxay si toos ah u wiiqaysaa tayada adeegga caafimaadka iyo kor u kaca dhinaca dhaqaalaha Cisbitaalka.
3.𝘾𝙖𝙗𝙤𝙤𝙨𝙝𝙞𝙣𝙠𝙞𝙞 𝙖𝙙𝙚𝙚𝙜-𝙮𝙖𝙙𝙖 𝙘𝙞𝙨𝙗𝙞𝙩𝙖𝙖𝙡𝙖𝙙𝙖 𝙙𝙚𝙜𝙢𝙤𝙤𝙮𝙞𝙣𝙠𝙖. Cabashooyinka Adeegyada Caafimaad ee ka jiray cisbitaalada degmooyinka ayaan wali wax talaabo ah laga qaadin – Daymo fara ka bax ah, dhismayaal dayacan, qalab la’aan, iyo hoos u dhac weyn oo dhinaca dhaqaalaha ah. Ilaa hadda, ma jirto wax qorshe cad ah oo wasaaraddu soo bandhigtay si dib loogu hawlgaliyo adeegyadii muhiimka ahaa ee dadka deegaanka ay noloshooda ku xidhnayd.
4.𝙓𝙖𝙖𝙡𝙖𝙙𝙙𝙖 𝙈𝘾𝙃-𝙮𝙖𝙙𝙖 (𝙭𝙖𝙧𝙪𝙢𝙖𝙝𝙖 𝙝𝙤𝙤𝙮𝙖𝙙𝙖 𝙞𝙮𝙤 𝙙𝙝𝙖𝙡𝙡𝙖𝙖𝙣𝙠𝙖): Xarumaha MCH-yada qaar ayaa u dhow in la xidho sababo la xidhiidha dawo la’aan, agab xafiiseed (stationary) la’aan, iyo shaqaale aan mushahar iyo gunno-toona qaadan muddo bilo ah. Waxa kale oo laga war helay in qaar kamid ah xarumaha MCH-yada laga gooyay korontadii kadib markii lagu yeeshay deymo badan. Tani waa xaalad argagax leh oo si toos ah u saameyneysa caafimaadka hooyada iyo dhallaanka.
𝗚𝘂𝗻𝗮𝗮𝗻𝗮𝗱:
Mudane Wasiir wali waxaad u muuqataa qof aanay wali si dhab ah ugu muuqan xilkii loo igmaday ee Caafimaad-ka, islamarkaana ay gabi ahaanba ka luntay dareenka mas’uuliyadda caafimaadka shacabka. Waxaa lagama maarmaan ah in si degdeg ah dib u eegis loogu sameeyo qaab-hawlgalka wasaaradda iyo adeegyada hoos yimaadda, si looga hortago burbur hor leh oo ku yimaadda nidaamka daryeelka caafimaadka ee dalka.
Muhiim maaha in wasiirku isku hawlo hebel hebel ku bedel , ee waa inuu qorshe iyo Siyaasad cad oo lagu horumarinaayo Caafimaad-ka dal-ka la yimaadaa .
Wa bilaahi Tawfiiq.