10/03/2026
Falanqayn Siyaasadeed:Isbarbardhigga Istaraatiijiyadda Dagaal ee Ciraaq iyo Iiraan
“Istaraatiijiyadda Dagaal: Maxaa Ciraaq Ka Khaldamay, Maxaase Iiraan Ka Duwanatahay Ciraaq ?”
Sanadihii u dambeeyay, khilaafaadka ka taagan gobolka Bariga Dhexe waxay dib u soo nooleeyeen dood muhiim ah oo ku saabsan sida ay dawladuhu u maareeyaan cadaadiska iyo dagaallada ka imanaya quwadaha waaweyn. Dooddaas waxaa si gaar ah loogu barbar dhigaa laba dal oo taariikh ahaan Isla markaana door weyn ku leh siyaasadda Bariga Dhexe: Ciraaq iyo Iiraan.Marka la eego dhacdooyinkii la soo maray, gaar ahaan duullaankii Maraykanka ee Ciraaq iyo xiisadaha joogtada ah ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan, falanqeeyayaal badan ayaa isku dayaya inay fahmaan farqiga u dhexeeya istaraatiijiyadda ay qaateen labada dal.
Su’aasha ugu weyn ee la is weydiinayo waxay tahay: sidee ayuu dal u wajihi karaa cadaadis ama khilaaf ka imanaya quwad weyn—ma ku koobnaadaa gudaha xuduudihiisa mise wuu ballaadhiyo saameynta dagaalka?
1.Ciraaq: Dagaal iyo Dulaan ku Kooban Hal Hal Dal Hal Bartilmaameed
Markii Maraykanku duullaanka ku qaaday Ciraaq sanadkii 2003, dagaalku wuxuu inta badan ku koobnaa gudaha dalka. Xukuumaddii Baqdaad waxay dooratay difaac toos ah oo ku salaysan ciidamada dalka gudihiisa, iyada oo aan isku dayin in Dagaalka Sii ballaadhiso Oo meelo kale oo Bariga Dhexe ah. Gaadhsiso
Falanqeeyayaal badan ayaa aaminsan in tani ay ahayd khalad istaraatiiji ah. Marka dagaalku ku koobnaado hal Bartilmaameed awoodda milatari ee quwadaha waaweyni waxay si buuxda diiradda u saari karta bartilmaameedkaas. Tani waxay ka dhigtay Ciraaq goob dagaal oo go’doon ah oo ay si sahlan Gacanta lugu Dhigo kar Oo ay wajihi karaan Awood dibadeed.
2.Iiraan: Siyaasad Istaraatiijiyadda Ku Dhisana Diyaar garow Awoodeed, iyo xisaab siyaasadeed
Iiraan,waxay qaadatay hab istaraatiiji ah oo ku dhisan fidinta saamaynta dagaalka Bariga Dhexe Muddo dheer Iran waxay dhisaysay Diyaar Garow Xogan Xisaab siyaasaded iyo istaratiijiyadeed oo ka baxsan xududaheeda.Habkan ayaa keenay in Dagaal kasta oo lugu Soo qaado Iiraan uusan ku koobnaan Iyado oo keliya, balse uu saameyn ku yeesho Bariga Dhexe ah. Marka Dagaalku noqdo mid ballaadhan, khatarta iyo saamaynta uu leeyahay waxay noqdaan kuwo aad u Culus
3. Saamaynta Istaraatiijiyadda Dagaal Bariga Dhexe waxay leedahay Istaraatiijiyadda laba ujeeddo oo waaweyn:
Abuurista cadaadis siyaasadeed oo badan
Yaraynta suurtogalnimada in hal dal si fudud loo bartilmaameedsado
Marka Dagaalku fido gobolka oo dhan, khataraha dhaqaale, amni iyo siyaasadeed ayaa kordha. Tani waxay mararka qaar ku riixdaa quwadaha waweyn inay raadiyaan xal kale sida wada-hadal iyo heshiisyo siyaasadeed.
4.Casharrada Siyaasadeed ee Laga Baran karo Dagaaladda Gobolka Bariga Dhexe
Isbarbardhigga u dhexeeya Ciraaq iyo Iiraan wuxuu soo bandhigayaa laba hab oo kala duwan oo lagu wajahayo cadaadiska caalamiga ah:
Hab ku salaysan difaac gudaha ah
Hab ku salaysan fidinta saamaynta Dagaalka iyo
istaraatiijiyadda gobolka Labadan hab mid walba wuxuu leeyahay faa’iidooyin iyo khataro u gaar ah. Si kastaba ha ahaatee, waayo-aragnimada labada dal waxay muujinaysaa in siyaasadda Bariga Dhexe ay tahay mid aad u adag oo ay ku lug leeyihiin dano badan oo isdiiddan.
Ug Danbayan Falanqayntani waxay muujinaysaa in istaraatiijiyadda dagaal iyo siyaasadeed ee dal walba ay ku xidhan tahay aragtidiisa amni, awooddiisa iyo xidhiidhka uu la leeyahay dalalka kale. Isbarbardhigga Ciraaq iyo Iiraan wuxuu noqday cashar muhiim ah oo ay falanqeeyayaashu ku eegaan sida dalalka gobolka ay u maareeyaan cadaadiska caalamiga ah.
Ugu dambayn, khilaafaadka Bariga Dhexe ma aha kuwo si fudud loo fasiri karo; waa arrimo ku dhisan istaraatiijiyad, awood, iyo xisaab siyaasadeed oo qoto dheer.
Falanqayn Siyaasadeed: Isbarbardhigga Istaraatiijiyadda Dagaal ee Ciraaq iyo Iiraan
Shiine Media– Analysis Desk