08/08/2018
CAJIIB!
Waxaa jiri jiray tuulo leh wabbi aad u barwaaqo ah sidoo kale dadka ku noolna ay ahaayeen dad aad iyo aad u aqli badan, tuuladaasi dadka ku wada noolaa waxa ay ka sinnaayeen kaloon dabashadda wabiga.
Waxaa dhici jirtay subax walba in uu u hormaro aabe iyo wiilkii, xiliga ay dadku yimaadaan wey ka soo tagi jireyn iyagoo soo kaloomeystay.
Dadkii mar walba waxa ay isweydiiyaan sababta ka dambeysa in uu dadku ugu hormaro kaloomeysiga, dadkii baa isku raacay in ay habeen guureeyaan si ay ugu hormaraan, sida caadada eheyd haddane uu ka h**eeyaa.
Dadkii waxa ay ku noqotay layaab, markii dambe ay go,aan ku gaarryn in ay gurigii ku gubaan asiga,xaaskiisa iyo wiilkiisa, dad baa loo xilsaaray in ay hubiyaan marka ay jiiftaan si loola helo gubista.
Dadkii loo xilsaaray sida ay u eegaayen gurigii baa mar laga damiyay feynuustii ka shidneyd, gurigii baa la gubay oo bambas noqday, dabadeed waxa ay u soo wada kaceyn xagga iyo wabiga, isla sidii waxa ay indhuhu wada saareyn, aabihii iyo wiilkiisi markaasiyo xaaskiisu ay wehliso iyadoo isku toosineyso kaloonka ay soo qabtaan.
Mid ordiyo, mid halkii ku dareen wayay baay wada noqdeen! Waaga marka uu toos u baryay dadkii baa isku wada yimaaday una yeeray, aabihii iyo reerkiisa sidoo kale u sheegay in ay rabeyn in ay nolosha ku gubaan sababtuna ay tahay, sida aan kor ku xusay.
Aabihii baa yiri, “marka aan feynuusta damiyo waa xili aan hurdada ka wada toosnay xaaskeyguna waxa ay balaanka inoogu sii diyaarisaa qalabka aan qaadaneyno, nasiib wanaag anagoo dibadii wada jirno falkaasi dhacay, anaguna waxaan aaminsanahay ILLAHEY in uu nasiin doono waxaana sii aadnay kaloon dabashadeynii horayna aan u waday xaaskeygii”.
Sidoo kale waxa ay weydiiyeen sababta ka dambeysa in uu ka hormaro marka ay yimaadanna uu ka soo tago sidoo kale uu ka waxtar wanaagsan yahay.
Waxa uu ugu jabaabay, “Mar walba oo aan duceysanaayo waan idiin duceeyaa si aad goor walba igaaga hormar wanaagsanaataan!
“uduceey QOF WALBA WANAAG/XUMAAN Kula dhaqma”
W/Q: Badrudeen Cali Jesow