05/08/2026
Boqol sano ka dib, oo ku beegan bisha December ee sannadka 21126, dhammaanteen waxaynu ahaan doonnaa kuwo dhulka hoostiisa yaalla, iyadoo guryihii aan ku noolayn iyo hantidii aan tacabnay ay dad kale gacanta u geli doonaan.
Magacyadeenna iyo raadkeennu waxay noqon doonaan taariikho tirmay, sidii aan maantaba u garan la'nahay aabbahaa awoowgiis; noloshan aan maanta moodayno inay weyn tahayna waxay noqon doontaa mid dhammaatay oo aan cidna na xasuusan.
Waa xaqiiqo dhab ah in kunkii sano ee na soo marayba ay dad sidan oo kale u fikiri jireen maanta ay hoos yaallaan ciidda, iyadoo waxa keliya ee u haray ay tahay wixii ay h**e u sii shaqaysteen.
Marka aan galno dunida Barzakh, waxaynu garan doonnaa qiimaha dhabta ah ee wakhtiga aan maanta haysanno ee aan badanaa dayacno.
Sidaa darteed, caawa waa fursad qaali ah oo aan ku garan karno ujeedada dhabta ah ee naloo abuuray, taas oo ah cibaadada Eebbe, siduu Alle (SWT) ku yiri suuradda Daariyaat aayaddeeda 56-aad: “Uma aanan abuurin Jinniga iyo Insiga wax aan ahayn inay i caabudaan.”
Inta aynaan noqon sheeko tagtay iyo raad tirmay, aan ka faa'iidaysanno fursadda inta ay naftu nagu jirto si aan u dhisno mustaqbalka dhabta ah ee aakhiro.