13/04/2020
Casariye
Maxay tahay rugta ganacsiga iyo shaqadeeda / Chamber of commerce
Rugta ganacsiga, warshadaha iyo wax soo saarka beeraha ee Somaliland waxa la aas-aasay 25kii October 1993 iyadoo la raacayo xeer lambar/: 35 oo loo aqoonsaday haayad madax bannaan. Shaqada ugu wayn ee loo aas-aasay waa gundhigga xidhiidh ganacsi iyo fursado ka dhaxaynaya Somaliland iyo caalamka kaleba si dalku u noqdo mid leh suuqyo caalami ah(international market). Shaqooyinka kale ee loo sameeyey qolkan waa in uu siiyo talo iyo tusaale noocyada kala duwan ee ganacsiga guud ahaan, sidoo kale waa in dadka wax soo dajiya (importers) iyo kuwa wax dhoofiya (exporters) ee muwaadiniinta iyo kuwa kaleba ah uu siiyo warbixinta suuqa (market information), hirgalinta tababarro iyo kulamo ganacsi. Marka la eegayo dhaqaalaha gudaha iyo ka debeddaba rugtan muhimmad wayn ayay leedahay, waxana jirta xilliyo shacabku ay baahi badan u qabaan sida xilliyada abaaraha, sixir bararka, qiima dhaca lacagta iyo waqtigan aan ku jirno ee la filayo dhaqaale xumo adduunka soo food saarta. Sida aynu wada ognahay waxa durba la arkaa in shirkadihii waawaynaa ee adduunka qaar ka mid ah ay sheegeen in ay gabi ahaanba kaceen (bankruptcy). Qiimaha shidaalka ayaa hoos u dhacay haddii ay dhacdo in la waayo ama uu yaraado shidaalkuna waxa imaanay in khalkhal dhaqaale innagu yimaaddo.
Rugta ganacsiga waxaan u soo jeedinaynaa in ay duruufaha ganacsatada haysata soo gacan galiso isla markaana isku hawhso xal u raadinta maciishadda iyo jiritaanka ganacsiyada yaryar iyo kuwa waawaynba. Mar aan la xidhiidhay Rugta ganacsiga ee Somaliland si aan wax uga ogaanno arrimaha ay ku mashquulsanyihiin annagoo ka mid ah shacab waynaha ay u shaqeeyaan, ayaa waxay noo sheegeen in dabayaaqada asbuucan ay iyaga iyo ganacsatada qaar oo la soo casuumi doono ay bulshada ula wadaagi doonaan warbixinihii rugta laga filayey. Sidoo kale waxa la rabaa in warbixinta iyo isbaddalada dalka ee arrimaha dhaqaalaha iyo ganacsiga ay joogto innoola wadaagto.
Src//:"" arab.org|wikipedia| chamber of commerce| www.chambercommerce.net
arab.org aims to empower every person & every organization to do Good.