11/10/2025
Waa maxay caafimaadka maskaxdu.
Waa badqabka caafimaadka qofka ee dareen ahaaneed, maskax ahaaneed, iyo la dhaqmid bulshaba. Waxa uu saameeyaa habka aan u fakarno, wax u fahanno ugana falcelinno, isaga oo innaga caawiya sida aynu ka yeelno mushkilladaha iyo go'aammada nolosha ee saameynta nagu leh.
Badqabka caafimaadka maskaxdu wuxuu muhiim u yahay marxalad walba oo nololeed-carruurnimo ilaa cirroolanimo.
8 qof ba 1 qof ayaa la nool xaalladaha caafimaad ee maanka, adduunkanna dad baddan ayaan helin daryeel caafimaad oo maanka ah ,iyadoo ay jiraan sababo badan oo u keenaya in aysan helin daryeelkaas ,waxaa kamid ah dadka qaybtood oo aan haysan xarrumihii lagu dabiibayay xaalladaha ku dhaca maanka, qaarkood waa fakhri oo ma awoodaan u tegidda dhaqtar , qaarna waxa ay ka baqaan caqabaddaha uga imaanaya bulshada ay la noolyihiin oo takoor iyo dhibaateen ku keenaya marka ay maqlaan in qofkaas ay haysato xaalad caafimaad darro oo maanka ah.
Hada bulshadeenna Soomaaliyeed waxaan ku baraarujinaynaa in qofkasta oo xaalladaha maanka ka cabta ama dhakhtar ku sheego in uu san waalneyn. Waxaa habboon in la daryeelo oo lala sheekaysto qofki sheegta ama lagu arko calaamaddaha caafimaad darro ee maanka ,sababtoo ah daawada xalladahaas qayb muhiim ah waxaa ka qaata amabba daawo u ah kaliya qofka in uu sheekeeyo,la fahmo , lagana dhageysto waxa uu ka cabanayo ,
oo aan marnaba lagu takoorin marxallada uu kujiro .
Qofkasta wuu la kulmi karaa xaalladaha maanka , ma ahan wax aan ku dhicin dad gaar ah .
Fadlan aan ku baraarugsanaano isbeddelada ku yimaada dadka guriga nagula nool, asxaabta iyo ehelkabba, si xilli fiican loo ogaado ,loogana daaweeyo xaalladahaas.
.
Maan-dhis