Kulmiye Post

Kulmiye Post Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Kulmiye Post, Social Media Agency, Garoowe.

  Taliyaha magacaaban Sareeyo/Guuto Cabdiqaadir Jaamac Dirir Taliye ku-xugeenka 2aad ee ciidanka Policeka Puntland horay...
19/04/2026

Taliyaha magacaaban Sareeyo/Guuto Cabdiqaadir Jaamac Dirir Taliye ku-xugeenka 2aad ee ciidanka Policeka Puntland horayna u ahaa Taliyaha Qaybya Policeka gobalka Bari ayaa ka qayb galay goob lagu gubayay khamri iyo Xashiish ay Maxkamada Darajada Kobaad ee Gobalka Bari,xukuno ugu riday kuwaas oo howlgalo ay ku soo qabteen Ciidanka Booliska Gobalka Bari.
Gudoomoyaha Maxkamadda daraja kowaad ee gobolka Bari Xeer ilaaliyaha gobalka iyo saraakiil kale ayaa goob joog iyana ka aahaa goobta.
Taliyaha magacaaban Sareeyo/Guuto Cabdiqaadir Jaamac Dirir Taliye ku-xugeenka 2aad ee ciidanka Police Puntland ayaa u mahadceliyay laamaha amaanka gobalka Bari oo gutay waajibkii ka saarnaa shaqada ay u hayaan Bulshada.

11/04/2026

Gabay Abwaaan Cumar Aadan ka tiriyey Caddaaladdarada Deni...

Garoowe: β€œ aad ayaan uga xumahay in siyaasi h**e Xasan Shire uu si fudud u suurad xumeeyo halgankii naf iyo maalba lagu ...
11/04/2026

Garoowe: β€œ aad ayaan uga xumahay in siyaasi h**e Xasan Shire uu si fudud u suurad xumeeyo halgankii naf iyo maalba lagu bixiyay”. Agaasimaha Guud ee Wasaarada Maaliyada Puntland Axmed Jowle.
Qoraal dheer oo uu qoray Axmed Jowle ayaa u qornaa sidan.
Marka h**e, aad ayaan uga xumahay in siyaasi h**e Xasan Shire uu si fudud u suurad xumeeyo halgankii naf iyo maalba lagu bixiyay ee ay Dowladda Puntland kaga sifaysay Daacish buuraha Calmiskaad. Hadalladaasi ma ahan oo kaliya kuwo xaqiiqada ka fog, balse waa kuwo si ula kac ah u sumcad dilaya ciidamada geesiyaasha ah ee naftooda u huray difaaca dalkooda.
Dowladda Puntland waxay dadaal, abaabul iyo maalgelin dhaqaalaba gelisay Hawlgalkii Calmiskad, iyadoo daboolaysay dhamaan baahiyaha Ciidamada geesiyada ah ee reer Puntland oo hawlgalkaas laf-dhabartiisa u ahaa, oo ay ugu h**eeyaan daryeelka ciidamada dhaawacmay oo lagu dabiibayay gudaha iyo dibaddaba, saanadooda iyo Mushaharaadkooda si joogto ah loo bixinayay.
Hawlgalkaas, waxaa uga shahiiday Ciidamada Dowladda Puntland Boqolaal Ciidan ah, kumannaan kalena ay ku dhaawacmeen ilaa hadda lagu daryeelo gudaha Puntland iyo Dibadaba.
Halgankaasi wuxuu ahaa mid guud ahaan ay uga wada qayb-galeen Dowlad iyo shacabka si buuxda.
Waxaan marnaba la dafiri karin oo cid walba og-tahay doorkii ay Wasaaradda Maaliyaddu ka qaadatay howlgalkaasi.
Wasaaradda Maaliyaddu waxay ahayd laf-dhabarta dhaqaale ee dagaalka, iyadoo si buuxda u daboolaysay:
1. Mushaharka ciidamada geesiyada ah ee hawlgalka ku jira.
2. Saadka iyo sahayda ciidanka.
3. Daryeelka Dhawacyada gudaha iyo dibadaba lagu daryeelayay.
Hase-yeeshee in Siyaasi garan waayay si uu u dhaliilo dowladda/Madaxweynaha in uu ku mar-marsiyoodo ama si suurad xumayn ah u sheego in Madaxweynaha uu si toos ah u maamulo dakhliga iyo kharashaadka Dowladda, waa hadal been abuur ah oo aan sal iyo raad-toona lahayn, Wasaaradda Maaliyaddu waxay leedahay nidaam Sharciyeed oo cad, madax iyo shaqaale ku filan oo si hufan u guta waajibaadkooda.
Eedeemahaas aan salka iyo raadka lahayn waxay u muuqdaa kuwo laga soo abaabulay meel ka baxsan Puntland oo ay hor-kacayaan siyaasi ku sheeg aan kala saari karin mucaaradid aragti wax saxaysa iyo suurad-xumayn Dowladnimada iyo Shacab reer Puntland.
Sidoo kale, Waxaa nasiib darro ah in halkii laga dhiirrigelin lahaa guulaha Ciidamada Dowladda Puntland ay ka gaareen hawlgalada naf iyo maal-ba loo huray, in iyadoo la adeegsanayo hadallo marin-habaabin ah la suurad xumeeyo.
Ugu dambayn, waxaan si cad u leeyahay: Halganka ciidamada Puntland waa mid sharaf iyo qararin leh oo aan la qarin karin guulahooda, Cid kasta oo isku dayda inay si khaldan u fasirto ama u dhaawacdo halgankaas waxaa caddaanaysa in ay yihiin kuwo u shaqaynaya dana meelo kala laga soo abaabulay.

Siyaasi Abdirizak Ducaysane "Dheeho oo Dhawaan La Soco War Bixin Maqal iyo Muuqaal ah oo ka Hadlaysa xaaladda iyo Wajiga...
10/04/2026

Siyaasi Abdirizak Ducaysane "Dheeho oo Dhawaan La Soco War Bixin Maqal iyo Muuqaal ah oo ka Hadlaysa xaaladda iyo Wajiga dhabta ah oo ay Maanta leedahay Xerada 54aad 28 sano ka dib"

Garsooraha Soomaaliyeed ee Cumar Cartan ayaa taariikh cusub u qoray Soomaaliya, isaga oo ka mid noqday Garsoorayaasha Ko...
09/04/2026

Garsooraha Soomaaliyeed ee Cumar Cartan ayaa taariikh cusub u qoray Soomaaliya, isaga oo ka mid noqday Garsoorayaasha Koobka Adduunka ee 2026 oo ka qabsoomaya qaaradda Ameerika, sida ay shaacisey Wasaaradda Dhallinyarada DFS.

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Daaqa Dowladda Puntland, Mudane Siciid J. Cali Qoorsheel, ayaa maanta kulan m...
08/04/2026

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Daaqa Dowladda Puntland, Mudane Siciid J. Cali Qoorsheel, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo Agaasimeyaasha Waaxyaha kala duwan ee wasaaradda.
Kulankan oo uu sidoo kale qayb ka ahaa Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Mudane Xasan Jaamac Ismaaciil, ayaa ahaa kulan isbarasho, isxogwaraysi iyo dardargelin shaqo, iyadoo diiradda lagu saaray habsami u socodka howlaha wasaaradda iyo sidii loo xoojin lahaa fulinta waajibaadka muhiimka ah ee ay wasaaraddu u hayso bulshada Puntland.

Intii uu kulanku socday, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Xasan Maxamed Ciise Goodir, ayaa si guud uga warbixiyey qaab-dhismeedka wasaaradda, nidaamka shaqo, qorshayaasha hortabinta leh, iyo heerka ay marayaan hawlaha muhiimka ah ee wasaaraddu u xil saaran tahay.

Sidoo kale, Agaasimeyaasha Waaxyaha ayaa mid walba si gaar ah uga warbixiyey shaqooyinka ay waaxyahoodu masuulka ka yihiin, caqabadaha jira, guulaha la gaaray, iyo qorshayaasha mudnaanta u leh si loo dardargeliyo adeegyada ay wasaaraddu bulshada u qabato.

Wasiirka ayaa kulanka ku adkeeyey muhiimadda wada shaqaynta, isla xisaabtanka, iyo in la labanlaabo dadaallada lagu horumarinayo adeegyada la xiriira xannaanada xoolaha, daaqa, iyo ilaalinta khayraadka xoolaha oo laf-dhabar u ah nolosha bulshada Puntland.
Ugu dambayn, kulanku wuxuu kusoo dhammaaday is-afgarad iyo dhiirrigelin ku aaddan in si wadajir ah loo xoojiyo shaqada wasaaradda, loona dardargeliyo waajibaadka hor yaalla si looga jawaabo baahiyaha bulshada.

Qardho: 08 April 2026: Madaxweynaha Dowladda Puntland, H.E Said Abdullahi Deni oo ka duulaya horumarinta iyo Tayaynta Bo...
08/04/2026

Qardho: 08 April 2026: Madaxweynaha Dowladda Puntland, H.E Said Abdullahi Deni oo ka duulaya horumarinta iyo Tayaynta Booliska Puntland, ayaa maanta xarigga ka jaray xarunta dhismaha cusub ee taliska qeybta Booliiska ee Gobolka Karkaar oo loo dhisay si la mid ah xarumaha kale ee Gobollada, waana qeyb ka mid ah dib-u-habeynta iyo tayeynta Booliska oo ay Dowladda Imaaraadku ka taageertay Puntland.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Wasiirka Amniga, xubno ka mid ab Golaha Wakiillada, Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliiska, Taliyaha Qeybta Booliska ee Gobolka Karkaar , Maamulka Gobolka Karkaar iyo kan degmada Qardho iyo marti Sharaf kale .
Madaxweynaha ayaa sidoo kale kormeer ku tegay xarunta Gobolka Karkaar, isagoo halkaasi warbixin kaga dhegaystay Masuuliyiinta Gobolka Karkaar iyo kan degmada Qardho.
-DHAMMAAD-

-XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-

Hoggaamiyaha Kuuriyada-waqooyi, Kim John Un ayaa laba gantaal ku ridday badda Japan, saacado ka dib markii lagu dhawaaqa...
08/04/2026

Hoggaamiyaha Kuuriyada-waqooyi, Kim John Un ayaa laba gantaal ku ridday badda Japan, saacado ka dib markii lagu dhawaaqay heshiiska xabbad-joojin ee Bariga-dhexe.

Waa tijaabadii shannaad ee uu sameeyo Kim; inta lagu jirey dagaalka Bariga-dhexe, isaga oo tan uga golleh in aan cidna soo hawaysan, sida ay werisey wakaaladda YonhapNews.

Akhriso:Beel waynta Mohamed Ciise ee Ciise Mohamud oo bayaan Cabasho iyo Dhaliil wada jira Ah ka Soo saartay Hanaanka Sa...
07/04/2026

Akhriso:Beel waynta Mohamed Ciise ee Ciise Mohamud oo bayaan Cabasho iyo Dhaliil wada jira Ah ka Soo saartay Hanaanka Saami Qaybsi ee Madaxwayne Deni u Qaybiyay Golaha Xukuumada Puntland.

Shaqsigii ugu Mudnaa Masuuliyiinta Gobolka Sanaag Wali ma qaban Indhaha Madaxweyne Puntland. Haldoor ahna Siyaasi Saamay...
01/04/2026

Shaqsigii ugu Mudnaa Masuuliyiinta Gobolka Sanaag Wali ma qaban Indhaha Madaxweyne Puntland.

Haldoor ahna Siyaasi Saamayntiisa leh Agaasimihii H**e ee Wasaaradda Shaqada Shaqalaha,Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland Mudane Ahmed Cabdalla Tigaana waa Shaqsiga bulshada Puntland Qiimo.iyo Qadarin wayn ku dhex leh ayna kuwada ku midaysantahay Doorkiisii wax qabad ee Mudadiisii Xilhaynta iyo Hadaba.

Siyaasi Tigaana Waana Wadani ay ku wayn tahay ilaalinta Midnimada iyo Wada jirka Bulshada Puntland Xilli kastooy ahaataba,Waana shaqsi Bulshadiisa ku dhex nool si Dhow oo Hoosana ula socda Baahiyaha iyo Duruufaha Bulshada qaybaheeda kala duwan.

Waa sama fale Si mutadacnimo ah uga qayb qaata Howl kasta oo ay Puntland leedahay kaalinta Koowaadna ka soo galaya Marka lays waydiiyo Shaqsiyaadka u dhaq dhaqaaqa Danaha Puntland Dhinac walbooy ahaataba.

Mr Tigaana wuxuu waayadii Danbe aad ugu dhowaa madaxtooyada iyo saaxiibada gaarka ah ee madaxweynaha Puntland
Waxayna filaayeen Badan oo ka mid ah Bulshada indheer garadka ah ee Puntland in uu ka soo dhex muuqan doono liiskii isku shaandhaynta Golaha wasiirada Puntland ee shalay la Shaaciyay laakiin weli indhaha Madaxweynuhu ma qaban Siyaasi Tigaana.

Marka aynu Dhanka Awood qaybsiga Beelaha warsangeli ee uu Saami ahaan ka soo jeedana waa shaqsiyaadka ugu mudan matalaad Bulsho saamayna ku dhex leh bulshadiisa deegaan.

Xogaha hoose ee aan ka helnay Sababta siyaasi tigaano looga reebay xilka wasiirnimana waxay sheegaysaa in xildhibaankiisa oo lagu magacaabo kuluc uu mudo dheer ka hortaagnaa in Ahmed Abdalla Tigaana uu ku soo biiro dawlada isagoona waagiihorana u adeegsadey Si xilka looga qaado kooxdii Aaranjaan ee Saaxiibada dhow la ahaa Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Bariga Dhexe:Hay'adda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomikada (IAEA) ayaa sheegtey In waxyeello aan laga fiirsan oo loo gayst...
27/03/2026

Bariga Dhexe:Hay'adda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomikada (IAEA) ayaa sheegtey In waxyeello aan laga fiirsan oo loo gaysto Xarumaha barnaamijka Nukliyeerka Iiraan Ay ka dhalanayso halis & shucaac saameeya Gobolka Bariga-dhexe oo idil β€” AFP.

Nairobi:Bulshada Soomaaliyeed ee ku Nool Wadanka Kenya Gaar ahaan Caasimadiisa Nairobi Waxaa lagu Wargalinayaa in lagu q...
27/03/2026

Nairobi:Bulshada Soomaaliyeed ee ku Nool Wadanka Kenya Gaar ahaan Caasimadiisa Nairobi Waxaa lagu Wargalinayaa in lagu qaban doono Nairobi "π—™π—”π—šπ—”π—”π—₯π—˜ π—–π—œπ—Ÿπ— π—œπ—¬π—˜π—˜π——".
Ciwaankiisu yahay "𝑺𝑢𝑢𝑴𝑨𝑨𝑳𝑰𝒀𝑨 𝑰𝒀𝑢 𝑺𝑼'𝑨𝑨𝑺𝑯𝑨 𝑫𝑨𝑾𝑳𝑨𝑫𝑡𝑰𝑴𝑨𝑫𝑨".

Waxaana Qabanaya Fagaare Cilmiyeedkaani Machadka Hope Institute isagoona Machadku Kugu martiqaadayaa inaad ka qayb gasho fagaare Cilmiyeedkan lagu falanqaynayo xaaladda Dawladnimada Soomaaliya, caqabadaha jira, iyo Aragtiyada xalalka mustaqbalka Soomaaliya.

🎀Waxaana Marti ku ah:Guddoomiyaha Xisbiga Gobanimo Suldaan Abdulqani Qorane oo ah Musharax Madaxweyne DFS ee Doorashada Soosocota inshaa Allah .
πŸŽ™ Xiriiriyaha Barnaamijkaani waa: Mohamed Ahmed Ilkacase

πŸ“… Taariikh: 29 Maarso 2026
⏰ Waqti: 7:00 fiidnimo
πŸ“ Goobta: Nomad Hotel, Nairobi – Kenya

Address

Garoowe

Telephone

+252907643170

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Kulmiye Post posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Kulmiye Post:

Share