18/01/2024
Dhigtaytarada aduunka ee maanta waa kuwaan!
Caalamka maanta waxaa macluumadkiisa 90% gacanta ku haya ama ugu jirtaa shirkado yar oo kooban lagana leeyahay dalka Maraykanka, kuwaas oo awood xad dhaaf ah leh sidey doonaanna u isticmaala una badan dhinaca xun iyo gumaysi qarsoon.
Qofka caadiga ah ma fahmi karo in uu yahay tiro (number) isla markaasna waxyaalo badan oo asagu laga yaabo inuusan naftiisa ka ogeyn laga ogyahay!. Waa yaab.
Marka shirkadahaas keligood taliyaasha ah yaa ka mid ah:
Alphapet: (Google, Youtube, Gmail, Chrome iwm) ayaa ka mid ah sistemyada la yaqaan ee shirkadan leedahay. Alphapet oo h**e loo oran jiray Google Inc. Magaca Alphapet waxay la baxday 2015 kii si ay ugu dhuumato oo magacii h**e ee Google Inc oo in badan ceebo ka yimaadeen saaxada saamiyada caalamka looga saaro.
Meta: (Facebook, Whatsapp, Instagram iwm) ayaa ka mid ah sistemyada kala duwan ee ay leedahay, waxaadna fahmaysa baaxadda awooda shirkadaas gacanta ugu jirta iyo sida fudud ee ay u samayn karto waxkasta oo ay doonto!.. Meta markii h**e waxay ahayd Facebook Inc. iyadana magaca Meta waxay la baxday 2021-kii kadib markii ceebaha Facebook badatay si ay u noqoto boor isku qaris iyo in saamiyada suuqda aduunka aan laga maqal magaca Facebook.
Microsoft: (Office, Azure, Hotmail, Xbox 360, Github) iwm, ma tirin karno awoodda iyo sistemyada kala duwan ee shirkadan leedahay, mana la soo koobi karo saameynta ay ku leedahay caalamka oo dhan iyo sida ay kumbuyuutar kasta ugu jirto.
Amazon: (Amazon, AWS, Alexa) iwm, dhinaca iibsiga iyo wax iibinta iyo weliba dhinaca keydinta macluumaadka shirkadaha waxaa haysata shirkadan Amazon iyada oo u adeegsataa awoodaas badan inay sooqa aduunka ku sii fido oo ku balaarato.
Apple: (Iphone, Ipad, Itune, Icloud) iwm, shirkadan cid kaleba iska daaye dawladda Shiinaha ayaa ku sheegtay inay tahay sheydaanka muuqda ee caalamka. Marka awoodeeda iyo waalida ku hareeraysan qalabkeeda akhristow waxay muujinaysaa inay tahay shirkad khatar ah oo loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed aysan ku kadsoomin lacagtoodana isaga dhumin; Iphone baan haystaa iyo ismoodsiin.
Xogaha shirkadahan hayaan ayaa u sahlaya inay awood baaxad leh yeeshaan waxay doonaanna sameeyaan ciday doonaanna xanibaan/qariyaan kay rabaanna circa geeyaan.
Tusaale dhowaan Facebook waxaa lagu helay eedaymo ku saabsan inay hoos u dhigtay macluumaadka ku saabsan dagaalka Gaza iyo gumaadka ka socda ee ay qoraan dadka wax qora ee reer galbeedka sida weriyaasha iyo siyaasiyiinta.
Google waa sidaas oo kale, fariintay rabto meel kasta ayey gaarsiin kartaa il biriqsi, tay rabtana waa xanibaysaa oo qarinaysaa oo hoos marsiinaysaa.
Ugu danbeyn, caalamka khataraha ugu waaweyn maanta k**a socdaan dhinaca dagaalkii h**e loo yaqaan ee waxay ka socdaan dagaalka cusub ee online-ka iyo aaladaha kala duwan ee la halmaala.
Aqoon iyo maskax furan ayaa looga gaashaaman karaa dagaalkan qarsoon, cid kasta ayaana adeegsanaysa oo u adeegsanaysa cida kale ee ay is hayaan, dhibta ugu bandanna waxay ku dhacaysaa dadka aqoontooda teknolajiyaddu aad u hoosayso iyo kuwa isdhigta.