CCM Media Hub

Directions

CCM Media Hub Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from CCM Media Hub, Garoowe.

02/07/2026

Xisbiga KAAH ee Somaliland ayaa si cad uga horyimid una diiday furitaanka safaaradda ay Somaliland ka furtay magaalada barakaysan ee Qudus.

02/07/2026

Dawladda Spain ayaa qaadday tallaabo taariikhi ah ka dib markii ay si rasmi ah u mamnuucday, kana dhigtay dembi ciqaab adag lagu mutaysanayo, in la aflagaadeeyo Nabi Muxammad (NNKH) iyo Kitaabka barakaysan ee Qur’aanka Kariimka ah.

Go'aankan ayaa dhigaya in dalka Spain uu meel adag ka istaagay ilaalinta muqaddasaadka diinta Islaamka, isagoo mamnuucay ficil kasta ama hadal kasta oo lagu xaqirayo suubbanaha iyo qowlka Alle, si looga hortago nacaybka iyo xumaanta diimaha lagu hayo.

Spain waxay si cad u sheegtay inaan loo dulqaadan doonin xumaan kasta oo lagula kaco astaamaha diimeed ee Muslimiinta, iyadoo qofkii lagu helo falkaas uu wajihi doono ciqaab sharci ah oo lala tiigsan doono.

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid kor u qaadaysa ixtiraamka u dhexeeya bulshooyinka kala duwan, waxaana si weyn ugu bogay dadka u dooda xuquuqda iyo karaamada diimaha, maadaama ay meesha ka saarayso falalkii dhibaatada iyo xanaaq dhalin jiray ee horey loogu geysan jiray muqaddasaadka Islaamka.

01/07/2026

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh iyo Munaasabada 1-da luulyo.

Address

Garoowe

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when CCM Media Hub posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share