Codka Shacabka Puntland

Codka Shacabka Puntland Hoyga Wararka xaqiiqada ah

09/03/2025
MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY TALIYAHA IYO ABAANDUULAHA CIIDANKA DARAAWIISHTA PUNTLAND.Garoowe: 31 August 2022: Madaxweynah...
31/08/2022

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY TALIYAHA IYO ABAANDUULAHA CIIDANKA DARAAWIISHTA PUNTLAND.

Garoowe: 31 August 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 48 ee 31-da Agoosto 2022, kuna saabsan magacaabid Taliyaha Guud iyo Abaanduulaha Ciidanka Daraawiishta Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo.

Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa S/Gaas Abshir Cabdi Jaamac (London) loo magacaabay Taliyaha Guud ee Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.

2. Waxaa S/Guuto Xuseen Faarax Aadan (Xuseen Dheere) loo magacaabay Abaanduulaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland.

3. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Maxay Puntland ka rabtaa dowladda Xasan Sheekh? Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ku sugan magaalada Ga...
26/08/2022

Maxay Puntland ka rabtaa dowladda Xasan Sheekh?

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ku sugan magaalada Garoowe, ayaa wadahadal kula jira madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

Kulankan ayaa kusoo aaday xilli ay 100 maalmood u buuxsantay dowladda Xasan Sheekh, tan iyo markii xilka loo dhaariyay.

Madaxwenaha ayaa markii la doortay safarro ku tagay qaar ka mid ah maamul goboleedyada ay ka kooban tahay dowladda federaalka ee Soomaaliya, kuwaasoo qayb ka ahaa socdaallada ay madaxtooyada ujeeddadooda ku sheegtay kuwo lagu xoojinayo wadashaqeynta gudaha.

Waxaase durba soo baxay in ay jiraan arrimo ay Puntland ka tabanayso dowladda dhexe, iyadoo la xasuusto khilaafkii muddada dheer socday ee u dhaxeeyay madaxda Puntland iyo dowladdii madaxweynihii h**e, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Puntland ay xalay yeesheen kulan ay albaabbadu u xirnaayeen.

"Madaxweynuhu waa kii shalay yimid Puntland. Soo dhawayntii kaddib madaxweyneyaashu waxay yeesheen kulan oo ay labadooda keli ku ahaayeen. Waxaan qiyaasayaa inay ka wada hadleen si wax la isula dhaadhaado inta aanu kulanka ballaaranin," ayuu yiri.

Wasiirka oo hadalkiisa uu ka muuqday in Puntland aysan ku qanacsanayn sida ay Madaxtooyada Soomaaliya wax u waddo ayaa sheegay in ay dowladda federaalka ka doonayaan dhowr arrimood.

Wadashaqayn

Munaasabaddii xuska maalinta xorriyadda ee 1-dii July ayuu Siciid Cabdullaahi Deni ka sheegay in maamulkiisa Puntland uu si buuxda u taageersan yahay dowladda federaalka, uuna la shaqayn doono.

Deni ayaa ka mid ahaa murashaxiintii ugu cadcaddaa ee u tartamay xilka madaxweynaha Soomaaliya, isaga oo loo arkayay in uu aad ug dhawaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu dowladdiisii h**e kasoo noqday Wasiirka Qorsheynta.

Mid ka mid ah waxyaabaha ugu waawayn ee ay hadda mas'uuliyiinta Puntland ku dhaliilayaan maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waa "wadashaqayn la'aan", sida uu sheegay wasiirka Warfaafinta ee dowlad goboleedkaas.

"Puntland waxay dowladda dhexe ka rabtaa wadashaqayn buuxda. Mas'uuliyiin baa laga soo doortaa maamullada oo dhan, oo goleyaasha dowladda ku jira, sida Golaha Shacabka iyo Aalka Sare. Waa inay dowladdu u oggolaato matalaad ay dadkii yeeshaan oo ay ku matalaan heshiisyada la gaarayo.

Wasiirka u hadlay Puntland waxa uu sidoo kale sheegay inay dhaliilayaan hanaanka loo maamulay socdaallo uu dibeda ku tagay madaxweynaha. Isaga oo sheegay in aanan lago talo gelin maamulkiisa safaradaas iyo qorshehooda ba.

"Socdaallo aan ka yarayn sagaal buu galay madaxweynuhu, keligii buu ku ahaa, iyadoo waliba Wasiir Arrimaha Dibadda ah uu jiro."

Dhammaystirka Dastuurka

Muddo dheer waxaa qabyo ah dastuurka Soomaaliya oo dhinacyada uu quseeyo laga sugayo inay dhamaystiraan.

"Puntland waxay ka rabtaa dowladda cusub ee ay maanta boqol maalmood u tahay waqtigii ay jirtay in la helo dowladnimo Soomaaliyeed oo sal dhigata, oo dastuurkii qabyada ahaa la dhammastiro si wadar oggol ah.

"Sida dastuurka ku meel gaarka ah ku qoran, guddiyada dhammastirayaa waa in dowladda dhexe, dowladaha xubnaha ka ah iyo baarlamaanka iyo guddiyadoodu ay wadajir yihiin, waana in dowladda federaalka oo keliya aysan ku takrifalin," ayuu yiri wasiirka.

Deeqaha caalamiga ah

Waraysiga uu wasiirka warfaafinta Puntland siiyay BBC-da ayuu sidoo kale ku sheegay inay ka rabaan dowladda dhexe inay qeyb ka siiso kaalmada caalamiga ah ee dalalka dibeda bixiyaan. "Waxay Puntland rabtaa in deeqaha caalamiga ah ee la helo si caddaalad ah loo qeybiyo," ayuu yiri. Wasiirku waxa uu si gaar ah u magacaabay kaalmada dhanka amniga loogu talogalay, oo uu sheegay in aan waxna laga siin maamulka Puntland.

"Dowladda federaalku kaalmo ballaaran bay ku heshaa dhanka amniga, ama Talyaaniga haka hesho, ama Turkiga haka hesho, Mareykanka, Ingiriiska, mana jirto wax deeqahaas militeri ka mid ah oo ay Muranka la xiriirta maareynta deeqaha caalamiga ah ee Soomaaliya lasoo gaarsiiyo ayaa ka mid ah waxyaabaha saldhigga u ah khilaafyadii u dhaxeeyay dowladdii h**e ee dowladda federaalku soo gaarsiiso Puntland."

Muranka la xiriirta maareynta deeqaha caalamiga ah ee Soomaaliya lasoo gaarsiiyo ayaa ka mid ah waxyaabaha saldhigga u ah khilaafyadii u dhaxeeyay dowladdii h**e ee fedraalka iyo maamul goboleedyada qaarkood.

Deeqda waxbarasho

Waxa uu wasiirka u hadlay Puntland sheegay in dowladda federaalka aysan waxba kasoo gaarsiinin deeqaha waxbarasho, dhibaatooyin kalena ay kala kulmaan.

"Waxaan rabnaa in deeqaha waxbarasho si caddaalad ah loo qaybiyo oo ay maamullada gaaraan. Xuquuqdii aan ku lahayn dowladda k**a helin. Waxaa tusaale kuugu filan in ardaydii dugsiyada sare ka baxday ay shahaadadooda u diidday dowladda federaalka, xubnihii laga doortay maamulka Puntland ee baarlamaanka ku jirayna ay waxba ka qaban waayeen, oo dowladdii ay waxba ka dhagaysan wayday."

Weli wax natiijo ah k**a soo bixin wadaxaajoodka u dhaxeeya Madaxweynaha federaalka iyo madaxweynaha Puntland, waxaana la filayaa in dhawaan lasoo saaro faahfaahin.

Haloo sarakaco Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed Mudane Ahmed E. Osman Karaash.  .
27/04/2022

Haloo sarakaco Madaxweynaha Dawladda Puntland ee Soomaaliyeed Mudane Ahmed E. Osman Karaash.

.

Ciidanka ilaalada Madaxweynaha   oo shaqadooda gudanaya.
02/09/2020

Ciidanka ilaalada Madaxweynaha oo shaqadooda gudanaya.

Muqdisho: 01 September 2020 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan la qaatay Safiir...
01/09/2020

Muqdisho: 01 September 2020 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan la qaatay Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Y. Yamamoto.

Muqdisho : 01 September 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdi uu hoggaaminayo ay...
01/09/2020

Muqdisho : 01 September 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa siweyn loogu soo dhoweeyay magaaladda Muqdisho.

29/07/2020

Diiwaankaad ku taal Daweeya ogoseey
Erayada Abwaan Dhagaafe
Codka iyo Laxanka Abdirisaq Anshax

Share iyo love isugu dar Hadii Kale waa La idin Yaabaa...

Address

Garowe
252

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Codka Shacabka Puntland posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category