10/06/2026
Taariikh 10/6/2026
Xoghayaha Xaafadda Hantiwadaag ayaa ka qayb galay shirka amniga Degmada Garoowe oo uu shir-guddoominayay Guddoomiye Ku-xigeenka degmada Mudane Maxamed Cali (Xamari), Iyo Agaasimaha Waaxda Amniga Degmada Maxamed Fidar waxaana goob-joog ka ahaa masuuliyiinta laamaha amniga Sida Taliyaha Howgelinta Gobolka Nugaal Abdi-Yare Abdirisak Jujuule Iyo Taliyaasha Kantaroolada Caasimadda Iyo Saldhigyada iyo Guddoomiyeyaasha xaafadaha Caasumadda .
Shirka waxaa diiradda lagu saaray adkaynta amniga, xoojinta wada-shaqeynta, iyo ilaalinta nabadda iyo xasilloonida Caasimadda Garoowe.
Dowladda Hoose ee Garoowe
Taliska Qaybta Gobolka Nugaal.