ISBAAHI

ISBAAHI ISBAAHI is a full service digital agency based in Garowe, Somalia.

Boortifooliyo.1. Bilciye Carpet Cleaning waa mid kamid ah clients-ka aan kala shaqaynay dhismaha shakhsiyadda ganacsiga ...
11/07/2023

Boortifooliyo.

1.

Bilciye Carpet Cleaning waa mid kamid ah clients-ka aan kala shaqaynay dhismaha shakhsiyadda ganacsiga (branding).

Waxaan u xulnay magac ku habboon (brand name) shaqada ay qabanayaan, midabbo ku habboon (color palette), iyo summad ganacsi (logo) oo si xooggan u cabbiraysa shaqadooda.

Waxaan sidoo kale u naqshadaynay wajahadda danbe (cover photo) iyo wajahadda h**e (profile photo) ee barahooda bulshada; iyo naqshado kale oo khuseeya agabkooda daabacan (stationery kit). Waxaan sidoo kale u diyaarinay istaraatiijiyad suuqgeyn, iyo istaraatiijiyad bare bulsho.

Haddaba adigu haddii aad bilaabayso ganacsi cusub balse aad rabto in aad si casri ah u bilawdo, adiga oo aan xitaa wali magac la bixin, wax tillaabo ahna aan wali qaadin, waan kaa caawin karnaa arrinkaas, nala soo xiriir.

Sidoo kale haddii aad tahay shirkad h**ey u shaqaynaysay waxaan kuu samayn karnaa dib-u-casriyeynta shakhsiyadda ganacsiga (rebranding), waliba suuqgeynta baraha bulshada ayaa laguugu darayaa si aan kaaga dhigno shirkad heer caalami ah oo dhiggeeda la jaanqaadi karta.

Website: https://www.isbaahi.com
WhatsApp: https://wa.me/+252905496331

Isbaahi isku baahi.

Dhismaha iyo naqshadaynta website-yada (Web Designing) waa adeeg kamid ah adeegyada aan caanka ku sii nahay, ee aan kala...
21/05/2023

Dhismaha iyo naqshadaynta website-yada (Web Designing) waa adeeg kamid ah adeegyada aan caanka ku sii nahay, ee aan kala shaqaynay "clients" fara badan, sida boortifooliyada website-kayaga aad ka arki kartaba.

Joogitaanka online-ka (online presence) ee shirkaddaada ama hay'addaada, waxaa lafdhabar u ah website si fiican loo naqshadeeyay oo shaqaynaya, kana turjumaya shakhsiyadda summaddaada (branding). Cidda aan website lahayn waxay ka dhigan tahay ma ahan qaangaar ama cid la isku hallayn karo, shirkaddaada ama hay'addaadu waa in ay noqoto mid la aamini karo oo foormal ah - taasna waxaa xaqiijin kara website in aad leedahay.

Website-yadu waa kala duwan yihiin midka aad doonaysana waxa uu ku xiran yahay baahidaada, xitaa waxaa suurtagal ah in aad u baahato hal mid ka badan. Haddii aan website-yada qaybo kamid ah sheego, waxaa jira mid boortifooliyo ah oo jiritaankaaga iyo waxa aad qabato laga dheehan karo, waxaa jira mid blog ah, mid warbaahin ama wargays loogu talagalay, mid shirkad wayn loogu talagalay, mid hay'adaha aan dowliga ahayn loogu talagalay, mid hay'adaha dawliga ah loogu talagalay, mid "e-commerce" ah oo wax lagu dhex iibiyo, mid "e-learning" ah oo wax lagu dhex barto, mid "tool" ah oo hawl lagu qabsado, iwm.

Haddaba waxaan samaynay xirmooyin aad u raqiis ah marka loo eego shaqada la qabanayo tayadeeda, oo ay kala dooran karaan dadka diyaarka ah. Xirmooyinka sawirkoodu waa kan hoos ka muuqda. Haddii website-ka laguu dhisayo uu ka duwanaado waxyaabaha xirmooyinka kujira, waxaa laguu samaynayaa xirmo kuu gaar ah oo kugu habboon.

La soco qiimo dhimis ayay leeyihiin dadka loo qabanayo hal adeeg wax ka badan, tusaale ahaan dadka website loo dhisayo, haddana shakhsiyadda ganacsiga (branding) loo samaynayo.

La xiriir team-keenna si aan isla maantaba kuugu samaynno website qurux badan oo ka turjumaya shirkaddaada, ama hay'addaadu nooca ay tahay.

Isbaahi isku baahi

Website: https://www.isbaahi.com
: https://eng.isbaahi.com
WhatsApp: https://wa.me/+252905496331


Suuqgeynta baraha bulshada iyo maamuliddooda oo afka qalaad lagu yiraahdo "Social media marketing & management" waa mid ...
21/05/2023

Suuqgeynta baraha bulshada iyo maamuliddooda oo afka qalaad lagu yiraahdo "Social media marketing & management" waa mid kamid ah adeegyada dhijitaalka ah ee aan kuu haynno.

Dunidu waxay maraysaa heer cidda aan dhijitaalka joogin laga shakiyo jiritaankeedaba. Waxa loo yaqaan "online presence" ama in aad online-ka joogto, waa labo arrimood kaliya in aad ka dhisan tahay; suuqgeynta baraha bulshada, iyo website shaqaynaya in aad leedahay. Nasiib wanaag labada adeegba waan haynaa, balse hadda qoraalkaan waxa uu ku saabsan yahay suuqgeynta baraha bulshada.

Haddii aad tahay shirkad ganacsi, shakhsi caan ah, hay'ad dawladeed, ama hay'ad aan dawli ahayn - dhammaan waxay u baahan yihiin in barahooda bulshada si "professional" ah loo dhiso, loo suuqgeeyo, macluumaad ku habboon loogu abuuro (content creation), si sare loogu qaado "online presence"-gooda iyo "Industry authority"-gooda, ama awoodda ay online-ka ku leeyihiin ee ay tartamayaashooda uga dheerayn karaan.

Macluumaadka aan kuu abuurayno ee aan kuugu baahinayno barahaaga bulshada waa kuwo tayadoodu sarreyso, oo lagu dhisay aqoonta xiriirka dadwaynaha (Public Relations), iyada oo aan laga tagayn codka shakhsiyadda ganacsigaaga ama hay'addaada (brand voice).

Dadka diyaarka ah (serious-ka ah) waxaan u diyaarinnay saddex xirmo oo ay kala dooran karaan oo sawirkoodu hoos ka muuqdo, sidoo kale qofka doonaya wax badan oo dheeri ka ah xirmooyinkaan oo aan lagu dhex dari karin, waxaan u samaynaynaa xirmo u gaar ah (custom package) oo ku habboon.

La soco qiimo dhimis ayay leeyihiin dadka loo qabanayo hal adeeg wax ka badan, tusaale ahaan haddii baraha bulshada laguu maamulayo, haddana aad doonayso shakhsiyadda ganacsiga in laguu dhiso.

La xiriir team-keenna si aan isla maantaba kuugu adeegnno.

Isbaahi isku baahi

Website: https://www.isbaahi.com
: https://eng.isbaahi.com
WhatsApp: https://wa.me/+252905496331

Adeeggeenna shakhsiyadda ganacsiga (branding) waxaan u diyaarinay saddex xirmo oo ay kala dooran karaan dadka diyaarka a...
21/05/2023

Adeeggeenna shakhsiyadda ganacsiga (branding) waxaan u diyaarinay saddex xirmo oo ay kala dooran karaan dadka diyaarka ah, iyaga oo ku go'aan qaadanaya miisaaniyaddooda, baahidooda, iyo heerka ganacsigooda.

La soco qiimo dhimis ayay leeyihiin dadka loo qabanayo hal adeeg wax ka badan, tusaale ahaan qofka shakhsiyadda ganacsiga loo samaynayo, haddana website loo samaynayo.

La xiriir team-keenna si aan maantaba kuugu shaqaynno.

Isbaahi isku baahi.

Website: https://www.isbaahi.com
: https://eng.isbaahi.com
WhatsApp: https://wa.me/+252905496331

Waxaan kuu haynaa dhismaha shakhsiyadda ganacsiga (Branding), annaga oo si hagar la'aan ah kuugu diyaarinayna arrimaha k...
21/05/2023

Waxaan kuu haynaa dhismaha shakhsiyadda ganacsiga (Branding), annaga oo si hagar la'aan ah kuugu diyaarinayna arrimaha ku gedaaman shakhsiyadda ganacsiga sida; magaca shirkadda, loogada, midabbada, hagaha shakhsiyadda ganacsiga, loogada oo midabbo kala duwan leh, faraha shirkadda (fonts), codka shirkadda (brand voice), naqshadaynta wajiga h**e (profile) iyo wajahadda danbe (cover) ee baraha bulshada, naqshadaynta boorarka baraha bulshada (posters), iyo adeegyada kale ee lamid ka ah.

Adeegyadeenna oo dhan waxa aad ka daalacan kartaa website-kayaga (www.isbaahi.com), sidoo kale haddii af Soomaaliga aad ka doorbiddo af Ingiriisiga (sabab kasta ha keentee) waxaad booqan kartaa qaybtayada af Ingiriisiga ee website-ka (eng.isbaahi.com).

Si gaar ah waxaad naga la soo xiriiri kartaa WhatsApp kaan: (https://wa.me/+252905496331)

Inta aad haysatid ka badan ayaad u qalantaa!Kudhawaad $500 Milyan ayaa wax lagu kala iibsadaa online-ka maalin walba! Mi...
09/05/2023

Inta aad haysatid ka badan ayaad u qalantaa!

Kudhawaad $500 Milyan ayaa wax lagu kala iibsadaa online-ka maalin walba! Miyaad u qalantaa in aad ka qatanaatid kala iibsigaas?!

Kudhawaad 6 Bilyan oo qof ayaa si maalinle ah usoo gala online-ka, in aad 100,000 oo boqolley ahaan 0.001667% ka ah xataa ayna ku aqoon adiga iyo ganacsigaaga, ururkaaga, iwm, miyaad u qalantaa?

Wixii loo gaaro 2030, waxaa la qiyaasayaa in dunida 96% ay u guurayso online-ka, qofkii maanta tacab geliya ayaana berri tareenka saarnaanaya, midka iska indho tirana waa uu ka harayaa!

Mudane/Marwo, Hadda soo dalbo adeegyadeena si ay ISBAAHI kugu baahiso dunida oo idil.

Faahfaahin dheeraadi ah, fadlaan booqo:

Isbaahi.com
Eng.isbaahi.com

24/04/2023

Waxaa jirta qaacido lagu cabiro ganacsiyada oo la yiraahdo "The 10% Formula".
Hadii ay 10 qof ka warqabto ganacsigaaga, waxaa wax kaa iibsanaya 1 qof (10%). Hadii ay 100 qof ka warqabaan ganacsigaaga waxaa wax kaa iibsanaya 10 qof (10%). Hadii ay 1000 qof ka warqabaan ganacsigaaga waxaa wax kaa iibsanaya 100 qof (10%). Ka waran hadii ay 1 Malyan oo qof ka warqabaan ganacsigaaga? 1 malyan 10%-kiisu waa imisa?! Adiga ayaynu kuu daynay xisaabinta.

Meesha kaliya ee aad 100 Malyan oo qof oo ku kala nool dunida daafaheeda aad farriintaada ku gaarsiin kartid waa dunida dhijitaalka ah (The online world). ayaana dunidaas kugu baahin karta.

"Digital marketing allows us to create awareness and engage with our target audience in a way that is not possible with traditional marketing methods" ~David Hauser.

Nagala soo xariir whatsapp-keena https://wa.me/message/EA4GJXSX3RGUH1

14/03/2023

Address

Garowe

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when ISBAAHI posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to ISBAAHI:

Share