04/06/2023
Halista Maandooriyaha ee sii kordhaysa cabashadeedana isa soo taraysa soo may ahayn in lawada dareensanaado oo layska qabto. ma markay guri walba gasho oo talo faraha ka baxdo ayaa loo istaagayaa.
Khamri, Amni darro iyo dhaqan xumo waa isu ehel, hadaan meel loogasoo wada jeesanna waa halis inay faafto oo ay noqoto aafo bulsho oo aan xal lahayn.
Qorshe iyo Cudud ayay rabtaa in looga hortago oo aan lagu ekaan cabasho, magaalooyinka waaweyn waa dhib ka jirta oo bulshadoo dhan afka ay kuwada hayso.
Dowladda iyo bulshaduba arintaas waxa ugu muhiimsan oo ay kawada shaqayso sidii loo ciribtiri lahaa ha unoqoto marxaladan lagu jiro.
Balaayo Daaman la qabto bay leedahya, ee Daba la qabto maleh.
Abdirahman Abdirisak
Guddoomiyaha PUNSAA