28/11/2019
Xagee ayey ku danbeeyen wadooyinkii Ceerigabo ku xidhaayey Somaliland iyo Putland?
-------------------------------------------------------------------------------------
Guddii gacanta ku haya dhismaha wadada isku xidhay Ceel daahir iyo Ceerigaabo, ayaa lagu soo eedeyey musuq maasuq ku saabsan inay lunsadeen qeybo kamid ah dhaqaalihii loogu talo galay dhismaha wadadaas.
Guddigaan oo shalay looga yeedhay kalfadhiga barlamaanka Puntland ayaa eedaas ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin ah oo kalsoonidooda lagu dhaawacayo iyagoo barlamaanka usoo bandhigay sida loo maareeyay dhaqaalihii ku baxay dhismaha wadada.
Guddidan oo u badan culimo, ayaa barlamaanka u sheegay in madaxda maamulka hadda jira iyo maamulkii ka h**eeyayba ay u gudbiyeen in lagala wareego masuuliyada ay hayaan balse ay diideen.
Sidoo kale waxa su’aali ka taagan tahay. xagee ayey maraysaa wadaddii isku xidhaysey Ceerigaabo iyo Burco, miyey lawaddaa shaqaddii mise waa la joojiyey?
Labaddan waddo ayaa magaaladda ceerigaabo kasoo kala gelaaya Bari iyo Galbeed waxana kala dhisaaya labadda Maamul ee Somaliland iyo Putland, inkastoo ay labadda maamul ku kala aragti duwan yihiin, haddan shacabka gobolkaasi aad ayuu bogaadiyey mashaariicdaas.
Qorshaha Wadooyinkan lagu dhisaayo waxa bilaabay labaddii madaxweyne ee h**e Axmed Siilaanyo iyo Cabdiweli Gaas, balse weli laguma guulaysan in la dhameystiro.
Inta laga warqabo waxaa ku baxday malaayiin dollar oo ka yimi gacanta maamuladda iyo taageerada shacabka, waxaana xusid mudan in xarumaha waxbarashada iyo ganacsitadda la dul saaray qidmad lacageed oo u gaar ah taakulada dhismaha wadadooyinkaas.
haddii dhamaystirkood lagu guulaysto wuxuu noqondoonaa mashruucii ugu balaadhnaa ee lagu dhiso hab isku tashi bulsho ah.
By Maxamed Cabdullahi Islaam