13/09/2026
QISADA FANAANADDII QAXOONIGA KU NOQOTAY DHAKHTARADDA + FANANKII 5 JIRKA KU HEESAY
Burburkii Dawladdii Dhexe ee Soomaalida, fannaaniin badan waxay u qaxeen meelo kala duwan oo dunida ah, qof walbana wuxuu magan galay halkii uu naf iyo nolol ka heli karayay.
Qaar ka mid ah fannaaniintii dalka ka maqnaaday waxay gaadheen qaarado aad uga durugsan dalkii ay ku dhasheen.
Waxaa ka mid ahayd Cadar Axmed Kaahin, oo xilligeedii ahayd fannaanad si weyn looga yaqaanay bulshada Soomaalida.
Cadar waxay u magan gashay dalweynaha Maraykanka, halkaas oo ay kula kulantay waayo-aragnimooyin iyo qisooyin badan oo nolosheeda saamayn ku yeeshay. Waxay sidoo kale ka sheekaysay sida ay xirfadda caafimaadka dib uga baratay markii ay qurbaha u baxday, iyo waayihii ay halkaas ku soo martay.
Qaybta madadaalada ee aynu idiin soo xulnay waxaa ka mid ah waraysi ay fannaanadda Saynab Cige kaga warramayso waayaheedii, kaddib markii ay 20 sano oo ay qurbaha ku maqneyd dib ugu soo laabatay dalka. Waxay ka sheekaynaysaa waayihii ay dalka ku soo aragtay iyo isbeddelladii ay la kulantay.
Sidoo kale, waxaa qayb ka ah wacdarihii iyo taariikhda fannaan iyo abwaan, kaas oo isagoo yar oo 5 jir ah noqday heesaa, isaga oo markaas ka bilaabay safarkiisii fanka iyo suugaanta.
Barnaamijkan Waxa Si Wada Jir U Soo Saaray Wariye Sahra Ciidle Iyo Maxamed Mascade Oo Ka Tirsada Idaacada Voa Laanteeda Somalida La Hadasha.
https://www.youtube.com/watch?v=4VXtuHXtzCA
W/Q:- Xamse Cali Jeesto