04/02/2022
1.Faraxada waxay firfircooni siisaa nafsada, waxay qaboojisaa qalbiga, waxay isku dheeli tirtaa xubnaha jirka noloshuna waxay siisaa qiimo.
2.Ha qaadan go,aan ilaa aad ka ogaato waxa ku hareeresan kadib Allah u kaasho kidbna dadka aad ku kalsoon tahay la tasho .
3.Qofkii kusifowday nafsadiisa alla ka baqid, qalbigiisa ku dahiriya iimaan, akhlaaq wanaagsana allaah siyey, wuxuu gaaray jaceylka allaah iyo kan dadka .
4.Diinta, Hodan tinimada, amniga iyo Caafimaadka waa keed Faraxada .
5.inaad ilowdo waxyaalaha la nacayo waa nimco, inaad xasuusnato nimcada waa wanaag, inaad mooge ka ahaato ceebaha dadka waa fadli.
6.Ka dheerow dooda foosha xun, boosaska xun iyo saaxiibka dabaalka ah .
7.Waxaan ka caajisnay maalinta aan joogno, waxaan ku mashquulnay waxa lasoo dhaafay, waxaan dayacnay maalintena, waxaan ihtimaam siinay Beri.... aaway caqligeena? awaay xikmadeena.?
8.Qofka inuu qariib noqdo ayaa ka sharaf badan daris xun, wanaagoo la sameeyana waxuu ka sareeyaa qasriyada dhaadheer, amaanta wanaagsan waa sharaf.
9.Qofkii agtiisa ahaatay diin hanuunisa(Diinta Islaamka) caqli haga nolol qurux badan... fadli ayuu kulan saday .
10.Qofkii khilaafka ka taga, raabi caasin, faanka ka foogada beenta ka nabad gala, wuxuu allaah qadarana raali ku noqda, xaasidnimadana ka haajira ..... allaah waxuu usoo dumiyaa qalbiyada adoomahiisa.
Qeybta Hoos Inoogu Reeb Qodob si aad kuu soo jiitay👇
Muhomet hassan